Gudomiye Cirro Oo Kulan Qado Ah U Sameeyey Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Ka Soo Warsan-gali

0
495

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusey Garaadada,cuqaasha,waxgaradka,aqoonyahan iyo dhalinyarada ka soo jeeda beel weynta Warsan-geli ee degta gobalka Sool.

Kulankan qadada ah ee guddoomiye Cirro u sameeyey madaxdhaqamedka iyo haldoorka beesha Warsan-geli isla mar ahaan taana ahaa mid ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa shalay ka dhacay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa. Waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),iyo madax ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Sida ay noo xaqiijiyeen ila wareedyo madax-banaan ayaa sheegaya in kulankan  labada dhinacba ay isweydaarsadeen xogwaraysi guud oo ku wajahan xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaanka ay ka soo jeedaan, iyo sida oo kale sidii ay u soo bandhigi lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yihiin in wax lagala qabto wakhtiga uu talada dalka ku guuleysto xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Waxaana ay wararku tibaaxayaan in ka dib xogwarankaasi ay beesha madax-dhaqameedka iyo haldoorka kale ee ka soo jeeda beesha Warsan-geli kana qayb galay kulankan qadada ah ay halkaasi kaga dhawaaqeen in ay si buuxda u taageerayaan siyaasada xisbiga WADDANI ee ku aadan deegaanada ay ka soo jeedaan beelaha Warsan-geli.waxaana ay tilmaameen in ay si buuxda u taageerayaan  xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Ugu danbeyntiina waxaa uu kulankaasi ku soo idlaaday is-afgarasho iyo is-faham wanaagsan oo ka dhex dhacay labada dhinac.