Qormo U Gaar Ah Ardayda Xisaabta: Barashada Xeelado Kaa Caawinaya In Aad Xisaabta Maskaxda Ku Xalliso (2)

0
782

Hargeysa (Geeska)- Marka aad doonayso in aad dib u hubiso taranta (Natiijada) ka soo baxday xisaab aad isku dhufatay waxa aad si fudud u raaci kartaa afartan tallaabo oo adiga oo aan dib ugu noqon jidkii dheeraa ee isku dhufashadii aad ku xaqiijin karto sax iyo qalad midka ay tahay:

Tallaabada 1aad: Labata qaybood (Fal-xisaabeed) ee aad isku dhufanayso, mid kasta gaarkiisa god god isugu gee, adiga oo tuuraya (Eber ka soo qaadaya) tiro kasta oo sagaal ah ama laba tiro oo kasta oo marka kelidood la isk ugeeyo sagaal noqonaya. Tusaale ahaan haddii aad isku dhufatay; 6338 x 79. Qaybta hore ee ah 6339, waxa ay noqonaysa 6+3+3+8, labada hore marka aad isu geyso waxa ay noqonayaan 9, markaas tuuur, waxaa kuu soo hadhaya, 3+8, maadaama oo aanu midkoodna 9 ahayn, marka la isu geeyana aanay sagaal go’an noqonayn tuuri mayno ee waa aynu isu geynaynaa, waxa aanay noqonaysaa 11. Maadaama oo ay laba god yihiin waxa aynu dib isugu geynaynaa labada lambar ee uu 11

Qaybta labaad ee xisaabteennan oo ahayd 79, sidii hore oo kale ayaa aynu Sagaalka tuuraynaa, waxaana soo hadhaya 7.

Tallaabada 2aad: Mar kasta oo godadka aad isu geysay laba noqdaan, is geyntooduna aanay 9 keliya noqonayn. Mar kale ayaa aad labadoodana isu sii geynaysaa si ay god keliya u noqdaan. Tusaale ahaan qaybtii hore ee aynu isuu geynay waxa ay noqotay 11 sidaa awgeed labadoodana isu gee: 1+1 = 2.  Qaybta labaad marka hore ayaa ay hal god noqotay oo ah 7.

Tallaabada 3aad: Imika waxa aad haysataa laba xisaab-fal oo mid kastaa hal god ka kooban yahay; waa lambar 2 oo ka soo hadhay xisaab falkii (Qaybtii) hore ee aad isku soo celcelisay, iyo lambarka 7 oo ka soo hadhay xisaab-falkii (Qaybtii) labaad, kadibna waa aynu isku dhufanaynaa labadooda: 2×7=14. Mar kale ayaa aynu natiijadaa inoo soo baxday ee ah 14 sidii hore oo kale isugu geynaynaa si ay god keliya isugu soo ururto, waxa aanay noqonaysaa; 1+4=5. Taas macnaheedu waa in isku darka labadii qaybood ee la isku dhufanayey ay inooga soo hadhay hal tiro oo ah: 5

Tallaabada 4aad: Markan waxa aynu u imanaynaa Tarantii (Natiijadii ka soo baxday isku dhufashada), ee aynu hubinaynay, oo marka tusaalaheena la eego ahayd 500702. Sidii hore oo kale ayaa aynu lambarrada isugu geynaynaa innaga oo 9 kasta eber u arkayna. Waxa aanay noqonaysaa 5+0+0+7+0+2  Eberku waxba kuma kordhinayo wadarteena, marka la isu geeyo labada lambar ee 7+0+2 waxa ay noqonaysaa 9  sidaa awgeed waa aynu tuuraynaa, waxa inoo soo hadhayaana waxa uu noqonayaa 5+0+0 oo la mid ah 5

Tallaabada 4aad: Haddii tirada u dambaysa ee ka soo baxday qaybtii hore ee tirooyinka la isku dhufanayaa ay la mid noqon weydo tirada ka soo baxday qaybtii labaad ee aynu taranta (Natiijada isugu ururinnay, waxaa inoo caddaanaysa in ay xisaabtu qaldan tahay, haddii ay iskuu mid noqdaanna waa ay saxan tahay. Sida hadda ay labaduuba 5  noqdeen.

Bilowga hore waxa ay u muuqataa in uu jidku dheer yahay, laakiin marka lagu celceliyo aakhirka maskaxdu waxa ay awoodaysaa in ay si dhaqso ah dusha degdeg isaga geyso, si ay markaba u garato in taranta xisaabta la iskuu dhuftay ka soo baxday ay sax tahay iyo in kale. Waxa aanay ka dhib yaraanaysaa in dib loogu noqdo shaqadii isku dhufashada. La soco qaybo kale…