Dalka Canada Oo Go’aan Ku Gaadhay In Uu Soo Saaro Sharci Lagu Tarxiilayo Ninka Minyaro Guursada

0
837

Toronto (Geeska)- Wasiirka socdaalka iyo hijrada ee dalka Canada Chris Alexander ayaa arbacadii toddobaadkii dhowaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu qorshaynayo adkaynta xeerarka iyo shuruucdiisa si ay u suurtogasho in ay dalkeeda ka caydhiso dadka soo galootiga ah ee xaasaska badan guursada, iyo sida uu sheegay in laga takhaluso ku dhaqanka waxa uu gu yeedhay, “Dhaqanka bahalnimada ah” War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda socdaalka dalka Canada ayaa lagu sheegay in la xoojin doono dhowr xeer oo hadda lagu dhaqmo iyo xeerka ciqaabta dalka Canada qodobbadiisa la xidhiidha, diidmada dhammaan noocyada tacaddiyada la xidhiidha jinsiga ee lagula kaco qoysaska, gaar ahaan guurka khasabka ah, guurka xaasaska badan, guurka hablaha aan qaan-gaadhin iyo dil-sharafeedka.

Dalka Canada waxaa hore mamnuuc uga ahaa guurka dumarka badan, laakiin xeerarkan cusub ee hadda la dhaqan gelinayaa waxa ay ogolaanayaan in dalka laga eryo ruux kasta oo asalka hore dalkaas soo-galootinimo ku yimi, laakiin sharciga qaatay haddii uu hal xaas wax ka badan guursado. Sidoo kal waxa uuu usharcigani garsoorka u ogolaanayaa in ay gaadhi karaan xukun baasaboorka dalkaas lagaga qaadayo qof kasta oo ay u arkaan in uu isu diyaarinayo in uu agaasimo ama suurtogeliyo guuurka hablo aan qaan-gaadhin ama guur qasab ah oo labada ruux ee is grusanaya ama midkood uu Canada joogo. Xeerkani waxa uu ciqaabayaa ruux kasta oo xataa labada waalid ku jiraan oo ka qayb gala guurka qasabka ah ama guur labada ruux midkood ka yar yahay 16 sano jir.