Dawladda Somaliya Oo Hay’adda ICAO Ka Dalbatay Inaan La Siyaasadayn Hawada Oo Aan Somaliland Laga Tallo Gelin Iyo Dhambaal Uu Xasan Sheekh U Gudbiyay

0
545

Picture9Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliya ee uu Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyoada ee ICAO oo gacanta ku haysa maamulka hawadda Somaliland iyo Somaliya ka dalbatay inaanay siyaasadayn maamulista hawada Somaliya.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliya Cali Jaamac Jengeli ayaa wuxuu toddobaadkan magaalada Montreal ee Kanada kula kulmay guddoomiyaha ICAO Alumuyiwa Bernard iyo xoghayaha guud ee ICAO Dr Fang Liu iyo xoghayaha shaqada ka sii tagaya Raymond Benjamin, waxaanu madaxda ICAO gaadhsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Somaliya oo uu nuxurkiisu ahaa inay dawladiisu masuul ka tahay hawada wadankii la isku odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland ku jirto. Wuxuu kale Xasan Sheekh dhambaalkiisa ku sheegay in Maxamed Khaliif Jaamac, uu noqon doono shakhsiga xidhiidhin doona dawladda Somaliya iyo ICAO.

Sida ay wararka ay warbaahintu qortay Mr. Jengeli ayaa wuxuu isna ka dalbaday madaxda ICAO inaan la siyaasadayn arrimaha hawada oo maamulisteeda loo daba fadhiisto dawladda Somaliya, waxaanu ka dalbaday inaanay ahmiyad siinin farriimo iyo qoraalo uu sheegay inay Somaliland u dirto ICAO, kuwaas oo ay ku cadaynayso inaanay dawladda Somaliya maamulin balse ay hawadda Somaliland masuul ka tahay dawladda Somaliland.

Waxa kale oo uu Mr. Jengeli ICAO ka dalbaday inay dedejiso sidii ay maamulka hawada ugu wareejin lahayd dawladooda taas oo la filayay inay horaantii sannadkan dhacdo balse dib u dhacday.

Cali Jaamac Jengeli oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobalka Sool ayaa sababta koowaad ee uu Xasan Sheekh xilkan ugu magacaabay tahay inuu ICAO iyo dunida tuso in hawada loo daba fadhiisto dawladiisa.