Qolfoof Laga Helay Falastiin Oo 55 Kun Oo Sano Jiray Ayaa Daahfuray In Afrika Ay Asal U Tahay Dunida

0
547

Hargeysa (Geeska)- Waxa aynu weli ku dhex jirnaa qodobbadii aynu soo sheegnay in khubarada wada xaajoodada ee FBI ay ku taliyeen in ay yihiin kuwa ugu habboon ee loo mari karo qancinta qofka; si gaar ahna waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaybtii ugu dambaysay lixdii qodob ee khubaradu sheegeen in ay fure u yihiin dhegeysiga fiican iyo hannaan wanaagsan oo qofka lagu qancinayo in warkiisa la dhuuxayo sida uu jeclaan lahaana loo fahmayo:

5. Hadalka oo dib loogu soo celiyo: In hadalka qofku kugu yidhi aad dib uga soo daba marto adiga oo laakiin ereyadaada isticmaalayaa waa xirfad awood badan oo qofka tusaysa in si dhab ah aad u fahamtay, waxa aanay ka saamayn badan tahay adiga oo isla ereyadii uu yidhi uun dib uga soo daba yidhi. Waayo in aad ereyadaada u isticmaashaa waxaa hab aad ku tusayso in aad hadalkiisa si xeeldheer u fahamtay. Faa’idada labaad ee ay arrintani eedahay waa in qofkii laftiisuna uu dib u dhadhamiyo hadalkan uu yidhi, taas oo haddii aanu macno samaynayn qofku uu markan dambe garanayo waxa uu ku hadlayey sida aanu macno u samaynayn.

6. Dareenkiisa gar-sii: Qofka afduubaha ah ama dembiilaha iyo xitaa qof kasta oo caadiya oo aad doonayso in aad qanciso waa in aad marka horeba ogaataa in gartan uu ku sheeganayaa ay ka turjumayso dareenkiisa, qaladaadka ug ubadan ee markan oo kale dhacaa waa in aad isku daydo in aad qofkii halkaaba ku joojiso oo aad u sheegto in aanu arrintaas gar u lahayn ama qaldan yahay. ama ugu yaraan aad isku daydo in aad tusto in qaladkaa lagu sameeyey aanu u qalmin jawaabtan uu ka bixiyey.

Xeeldheerayaasha wada xaajoodku waxa ay tibaaxayaan in marka hore ay muhiim tahay qofka la siiyo fursad uu ku soo saaro shucuurta uu qabo oo dhan, iyada oo wleiba marka uu arrimo daw uu u lahaa sheego ay tahay in garowshiyo loo muujiyo. Tusaale ahaan waxa aad ku tidhaahdaa, “Waa runtaa, taasi cadaalad uma muuqato” “In sidaa ay kuugu sheegaan ma’ay ahayn” iwm. Laakiin haddana iska jir in ereyada aad ku leedahay ay noqdaan kuwo xukunkiiba ridaya oo isaga garsiinaya, si aanu qofku isu sii macaash-siin, kadibna aanay marka dambe ku adkaan in uu qaladkiisa qaato. Dhammaad.