Cabdicasiis Samaale Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Gacan Saydhay Xilka Cusub Ee Uu U Magacaabay

0
524

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku gacan saydhay xilka wasiirka waxbarashada ee uu u magacaabay.

Wasiir Samaale oo xalay si kooban ula hadlay laanta afka Somaliga ee BBC-da wuxuu xaqiijiyay inaanu xilkaas qaban doonin, isagoo sababta ka dhigay iyadoon lagala tashan xilka loo magacaabay ee wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare. Madaxweyne Siilaanyo ayaa isku shaandhayn uu habeen hore xukuumadiisa ku sameeyay wuxuu Wasiir Samaale ka wareejiyay xilkii wasiirka maaliyadda isagoo u magacaabay wasiirka waxbarashada, halka uu jagadii wasiirka maaliyadana u magacaabay Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ahayd wasiirka waxbarashada.