Kursi U Qeybi Laba Qof Adigoon Kala Jarin: W/Q:- Maxamed Cali Bile, Yemen, Sanca

0
634

Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye isku manndhaafsan labaduba hadal gar ah ayay ku doodayaan. Labadaa xaq, sideed u kala saareysaa adoon xisbigii dhaawacin?

Doodda 1aad:

Marka ay asxaabtu tartameyso, xisbul xaakimka ayaa ka fursad roon axsaabta mucaaridka ah inu doorashada helo – waa marka uu yahay xisbi adag. Xisbul xaakimku uu ka dhaqaale roon yahay waanu ka magac dheeryahay axsaabta kale. Axsaabta muxaafadka ihi waxa ay inta badan mar labaad soo sharxaan madaxweynaha markaa xilka haya oo ay bidayaan inu ka fursad roonyahay qof cusub oo la soo sharxo. Waxa keliya oo ay qof cusub soo sharaxaan haddii ay ku qancaan in madaxweynahaa markaa xilka haya ay sumcaddiisu liidato oo laga baqayo inaanu doorashada heleyn. Haddiise xisbigu ku qanacsanyahay inu madaxweynaha xilka hayaa somcad leeyahay oo uu doorashada soo bixi karo, ma jirto sabab uu xisbigu khatar u qaato oo uu nin cusub u soo sharxo.

Doodda 2aad:

Xisbi siyaasadeed waxa loo furtaa si siyaasiyiinta iyo madaxda xisbigaasi uuga ololeeyaan si markaa xisbigu doorashada u helo oo uu u qabto hoggaaminta dawaladda. Markii madaxweyne Silaanyo xilka qabtey, madaxnimaddii xisbiga wuxu ku wareejiyey Muse iyo rag kale oo ku-xigeenadiisa ahaa oo aan dawladdii la soo dhisey laga qeyb gelin. Xisbigu maaha wasaarad miisaniyad leh. Maaha meel mushahar laga qaato. Waxa keliya ee Muse iyo ku xigeenadiisu ay xisbiga u dhisayaan ee ay xoolo iyo wakhti u gelinayaan waa idinna ad doorashada danbe soo gashaan oo dawladda madax ka noqotaan. Haddii aaney taasi jirin, maxey tahay waxa kale ee loo sheegayaa ee la leeyahay yeela? Ma qofbaa meel aanu hadaf ka laheyn iska fadhiya.

Labadan doodoodba waa macquul oo mid walbaa markaad gooni u dhageysato waad u garaabeysaa. Labada dhinac ee doodani ka dhexeysaa haddii ay degenaasho iyo garnaqsi iskugu yimaadaan waxa dhici karta iney isu soo dhawaadaan. Caqabadaha hortaagan in la isu soo dhawaado waxa kow ka ah dadka kale ee xisbiga madaxda ka ah oo halkii ay dhexgeli lahaayeen inagu kala dara yidhi. Waxa dhinac kasta buufinaya raxan siyaasiyiin ah oo iney wax sii adkeeyaan mooyaane aan dhinaca maslaxada eegin. Haddii maanta xisbigu fashilmo oo uu doorashada waayo, waxa ay u badantahay in madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiguba ay iska fadhiistaan oo aaney xisb kale ku biirin. Hasa yeeshii siyaasiyiintan kale ee taageerayaashooda ihi waxa ay u badan yihiin kooxo kolba meesha ay ka shidantahay u guura oo aan mawqif qaar ah laheyn oo marka uu xisbi ka burburo mid kale uun ku biirayaa.

Carqaladda labaad ee xisbi hortaagan waa taagerayaasha u weyn ee xisbiga oo beeleysan. Haddii markaa madaxda xisbiga u sareysaa is qabsato, beelihii eeganayey siyaasiyiinta ayaa guuxayaa oo waxa ay odhanayaan inankayagii ayaa la xumeynayaa. Haddii labada garab mid laga adkaado, waxa ay u dhigantahay reer hebel ayaa la xumeeyey (hadda waa marka laga eego dhinaca dadkeena caadiga ihi ay u fikiraan).

Muxuu Khilaafka Xisbiga Kulmiye ku dhamaan karaa? Marka ad meel soke ka eegto, waxa kuu soo baxaya inay saddex waji mid uun u dhici karto oo kala ah:

1. In labada garab heshiiyaan oo isu tanaasulaan.

2. In garabka Madaxweynahu guuleysto oo garabka kale meesha laga tuuro amaba iyaga oo aan raali aheyn ay xisbiga sii dhex joogaan.

3. In garabka Guddoomiyaha xisbigu guuleysto oo garabka kale laga adkaado oo marka ay meesha ka baxaan amaba ay xisbiga sii dhex joogaan iyaga oo xanaaqsan.

Saddexdan siyaalood ee ay wax u dhici karaan waa marka laga eego intan kooban ee muuqata. Balse Sawirka weyn eeg oo ka fikir saameynta ay yeelan karto natiijo kasta oo khilaafku ku dhamaado. Waxa kuu soo baxaya labada siyaalood ee ay arintani ugu danbeynta ku dhaamaan doonto oo kala ah:
1. Xisbi dhaawac soo gaadhey oo sumcadiisii shaki la geliyey oo u baahan dedaal badan si uu sumcadiisii u soo ceshado. Taasi waa marka ay labada dhan heshiiyaan oo ay isu tanaasulaan iyaga oo raali ah.
2. In xisbigu meesha ka baxo oo kalsoonidii taageerayaashiisu ku qabeen ay lunto. Taasi waa marka labada garab midkood adkaado. Kii doonaa ha adkaado, xisbi dhiig baxaya ayaa meesha ku soo hadhaya, waaayo tiirarka ay axsaabteenu marka horeba ku taagan tahay ayaa ah wax la isku dhoodhoobay oo aan rasmi aheyn uuna badan is xulafeysi beelo iyo kooxo siyaasiyiin isku dan ah.

Waxa muhiim ah in labada dhan ee is haya inu dhan kastaa fahmo waxa u darán dhanka kale oo uu marka la yimaaddo wax uu ku qanciyo dhanka kale oo u cuntama oo uu kaga maarmo madaxweynanimada. Kursiga ad iminka fadhido iiga dag waa markeygiiye wey adagtahay! Anigaa madaxweyne marlabaad isu sharxaya ee adna xisbiga hawada madhan ah iska sii dhex joogjoog war nin weyn maaha, waxa meesha yaalaana ma qeybsamayo.

Maxaa xisbiga maanta la gudboon? Kursigu laba qof ma wada qaado ee hal qof uunbuu qaadaa. Qofka kursigaa loo gartaana kama maarmo kakale ee uu meesha ka riixey oo waa la hubaa la’aantii iney doorashadu ku adkaan doonto.  Cid kasta oo dhexdhexaadineysa arintaasi waa iney la timaaddo wixii lagu qancin lahaa qofka laga guuleysto. Kama hadlayo qancis afka ah ee waxa an ka hadlayaa qancis muuqda. Ma madaxweyne ku xigeen ayuu noqonayaa? Ma lacag ayaa la siinayaa oo hamigiisii waa laga iibsanayaa? Illeyn ninkaa laga badiyey la’aantii ka badiyey wax noqon maayo amaba khatar ayuu geli karaaye.

Waxa aad muhiim u ah in dhinaca tanaasuley aad uuga shaqeeyo sidii uu taageerayaashiisa uugu qancin lahaa in waxa lagu heshiiyey yahay taladii saxa aheyd sidaa darteedna ay taageeradoodii sii libin laabaan. Wixii aan sidaa aheyd, wuxu noqon doonaa xisbi taariikhda lagaga sheekeeyo sidii UDUB oo ay ardeyda jaamacaduhu ku sameeyaan daraasado ku saabsan sida uu xisbi ku guuleysto iyo sida uu ku burburo.

Mohamed Ali Bile

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com