Qofka Oo Isu Qaata Sac, Ayaa Ka Mid Ah Noocyada Ugu Yaabka Badan Ee Xanuunnada Nafsiga Ah? (2)

0
1146

Waa qaybtii labaad ee warbixintii ka warramaysay noocyo yaab leh oo ka mid ah xanuunnada nafsiga ah ee dhifta ah:

  1. Alice in Wonderland syndrome:

‘Alice’s adventures in Wonderland’ ama miidaamadii Alice ee dhulka cajaa’ibta oo inta badan magaca lagu soo koobo, ‘Alice in Wonderland’ waa sheekafaneed carruurta loogu talagalay oo sannadkii 1865 uu qoray Charles Lutwidge oo magaca uu wax ku qori jiray ahaa Lewis Carroll. Waxa uu ahaa caalim xisaabta ku xeeldheer oo u dhashay dalka Ingiriiska, waxa aanu qisadan kaga sheekaynayaa gabadh yar oo lagu magacaabo Alice oo inta ay ku dhacdo god bakayle u gudbaysa duni maloawaal ah oo ay deggenyihiin noole aan hore dunida loogu arag. Qisadan oo xiisaheedu dunida oo dhan soo jiitay waxaa lagu turjumay 174 luuqadood.

Xanuunka nafsiga ah ee ‘Alice in wonderland’ oo qisadan loogu magacdaray, waxa kale oo loo yaqaannaa magacyo ay ka mid yihiin ‘Lilliputian syndrome ama Todd’s Syndrome’ waxaa markii ugu horreysay sannadkii 1952 kii aqoonsaday Dr. CW. Lippmann. Xaaladdan nafsiga ahi waxa ay dhaawacaysaa dareenwadeyaasha maskaxda, qaybtooda ka masuulka ah bixinta amarrada aragga la xidhiidha, waxa aana qofka lagu arkaa xaalad hummaag aragga ka gelinaysa oo haddana marka baadhitaan caadi ah lagu sameeyo habdhiska aragga aan lagu arkayn wax dhibaato ah.

Dhibaatada ugu weyni waxa ay ku dhacaysaa farriinta ay indhuhu u diraan maskaxda si ay u kala garato muuqaallada, taas oo sababaysa in wax kasta oo uu arkaa ay ula muuqanayaan si ka duwan xaqiiqadooda. Gaar ahaan dhinaca dhumucda iyo weynida (Xajmiga) walxaha ay arkayso oo kala weynaada inta ay run ahaan le’eg yihiin. Tusaale ahaan waxa uu eegayaa gacmihiisa markaasuu arkayaa in ay si aan caadi ahayn uga weyn yihiin inta ay gacmaha bani’aadamku le’eg yihiin. Waxa kale oo ay xaaladdani dhaawacdaa dareennada taabashada iyo maqalka ee bukaanka. Inkasta oo ay xaaladdani qof kasta ku dhici karto, haddana waxa ay si gaar ah ugu badnatahay carruurta, waana sababta loogu magacdaray sheeko caruureedda.

Inkasta oo uu yahay xanuun lala noolaado oo aan dawo kama dambays ah lahayn, haddana waa ay jirtaa marar uu qofku xaaladdan isku arko yaraantiisa, laakiin marka dambe ka bogsado. Xaaladdan cilmi ahaan faham buuxa lagama haysto, mana jiro dawo waxtar leh oo lagu dabiibaa.

  1. Clinical lycanthropy – in qofku isu arko xayawaan dad qaad ah.

Xanuunkan dhimirka ahi waa xaalad nafsadeed dhif ah oo qofka ku abuuraa ismoodsiis ah in uu yahay ama noqon doono xayawaan dad qaad ah.

Inta badan xayawaannada uu qofku is moodaa waa yeyga, eyda ama xayawaannada kale ee aadamuhu ka cabsado. Haddii xaaladda qofkani sii xumaato waxaa lagu arkaa calaamado ay ka mid yihiin in uu iska dhigo xayawaannada uu is moodayo qaarkood oo uu sidooda u ciyo, sidoodana u dhaqmo. Waxa kale oo qofkan lagu akraa oohin iyo in uu dadka ka dheeraad oo hadba halka baadiye iyo keyn ugu dhow uu u ordo.

  1. Paris Sayndrom – nafsadda qofka oo burburta.

Waa xaalad nafsadeed marar dhif ah lagu arko dadka booqda magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska. Waxaa la sheegaa in sababta ugu weyni ay tahay qofka oo marka hore sawir aad u qurux badan iyo muuqaal mucjiso ah ka haysta Paris oo marka uu tago ku hungooba muuqaalkaas uu filayey, kaddib marka uu arko in ay tahay caasimad uun la mid ah caasimadaha kale ee dalalka horumaray. Waxa ay arrintani qofka ku keentaa shoog sababa in shaqada maskaxdu isku dhex daadato.

Malaayiinta qof ee sannad kasta booqda magaalada Paris oo dalxiiskeedu dadka dalxiiska jecel u yahay riyo ay mar kasta ku riyoodaan, ayaa tobanaan ka mid ahi marka ay arkaan Paris uu xanuunkani ku dhaco. Waxaa laga dareemaa daal nafsad ahaan uu u dareemayo.

Xadaaradda guunka ah ee magaalada Paris iyo sheekooyinka quruxdeeda iyo raaxada ka jirta ka warrama ee aad ugu badan qisaska iyo filimada ayaa sababa in dad badani ay maskax ahaan aaminsan yihiin in ay tahay magaalo muuqaalkeedu dunida kale oo dhan ak qurux badan yahay, waana sababta keenaysa in qofka soo arkay magaalooyinka kale ee dunida horumartay marka uu yimaaddo Paris ay u qaadan waa ku noqoto muuqaalkan caadiga ah ee uu ku arkayaa.

  1. Boanthropy – Marka uu qofku sac is moodo

‘Boanthropy’ waa xanuun nafsadeed oo qofka ku beerta aaminsanaan ah in uu yahay neef lo’a yahay. Waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in xaaladdani ay marka hore ku bilaabato riyo uu qofku ku arkayo in uu noqday sac, sidaas awgeed cilmibaadhayaasha qaar ayaa aaminsan in ay tahay khalkhal dhinaca dhimirka ah oo qofku marka uu hurdo riyo ahaan ugu yimaadda. Laakiin marka dambe waxa ay xaaladdani noqotaa dareen qofka hurdo iyo soojeedba ku lammaan. Waxa uu dareemaa in uu sac ama dibi yahay markaasuu bilaabaa in uu sida lo’da u dhaqmo, tusaale ahaan waxa uu cunaa doogga.

Dadka taariikhda inta la ogyahay ugu caansanaa ee uu xanuunkani ku dhacay waxa uu ahaa boqorkii Baabil ee Nabuukhad kii labaad (Nebuchadnezzar II). Waxa uu ka mid ahaa boqorradii ugu awoodda badnaa ee Kaldaaniyiinta oo xukumi jiray Baabil oo Ciraaq ku taalla iyo guud ahaan dhulka labada webi ama sida giriiggii hore u yaqaannay dhulka Mesobotaamiya oo ah halka ay imika dhacaan dalalka Ciraaq, Suuriya, Turkiga iyo guud ahaan inta u dhexeysa labada webi ee Furaat iyo Dijla.

Taariikhyahannadu waxa ay aaminsanyihiin in xanuunkan lagu sheegay kitaabka Masiixiga ee Baybalka, oo sheegaya in boqorkaas Nabu-Khud ku dhacay, “Dadkii ayaa laga eryey, doogga ayaanu sida dibida u cunay’ ayaa ku qoran. Dhammaad..