Qofka Oo Isu Qaata Sac, Ayaa Ka Mid Ah: Ma Taqaannaa Noocyada Ugu Yaabka Badan Ee Xanuunnada Nafsiga Ah?

0
825

Xanuunka nafsiga ahi waxa uu ka bilowdaa khalkhal iyo jaahwareer ku dhaca afkaarta, dareenka, habdhaqanka iyo garashada qofka. Waana xanuun dunida oo dhan si weyn ugu faafsan in kasta oo marar badan aanu qofka bukaanka ahi is ogeyn. Dalka Maraykanka oo keliya dadka xanuunnada nafsiga ah qaba waxaa lagu qiyaasayaa in ay ka badan yihiin 50 milyan, inkasta oo badankoodu ay yihiin xaalado fudud oo ay suurtagal tahay in aanay daweyn nafsadeed oo rasmi ah u baahan. Marka aynu si kale u dhigno dalka Maraykanka afartii qofba mid ka mid ah ayaa qaba cillad nafsiya, laakiin boqolkiiba 36 keliya ayaa la daweeyaa.

Inkasta oo ay xaaladaha caafimaad darro ee nafsiga ahi yihiin kuwo inta badan la isla yaqaanno haddana waxaa jira xaalado dhif ah oo aan aad loo arag ama dadka badankooda amakaag ku ah, waxaana ka mid ah:

  1. Bukaan is moodsiis – in qofku cisbitaallada uun dhex wareego.

Waa xaalad uu qofku aaminayo in uu xanuun hayo. Caabasho caafimaad darro oo joogto ah iyo in uu is bukaysiiyo ayaa lagu arkaa. Xaaladdu haddii ay sii xumaatana waxa uu gaadhaa heer uu mar kasta dhakhtar iyo daweyn raadinayo, markaasuu cisbitaalba cisbitaal kale uga wareegaa.

Waxaa dhici karta in dareenkan nafsiga ah ee uu qabaa u uku arooro shoog hore ugu soo dhacay, ama xanuun khatar ah oo ku dhacay mar hore.

Xaaladdan waxaa lagu arkaa boqolkiiba 5 dadka xaaladaha nafsiga ah qaba. Inkasta oo aanu dawo rasmi ah lahayn, haddana qofka u uku dhacaa waxa uu u baahan yahay daweyn nafsi ah.

  1. Diogenes Sayndrom – In waxkasta uu qofku u arko muhiim ay tahay in uu ilaashado.

Xaaladdan oo sida oo kale afka Ingiriisiga lagu yidhaahdaa ‘Senile Squalor Syndrome’ waxa ay inta badan ka bilaabataa qofka oo mudd dheer naftiisa dayaca, tusaale ahaan aan dan ka gelin buuxinta baahiyaha aasaasiga ah ee nafta, sida nadaafadda, labbiska fiican, cunto fiican, iyo baahiyaha caafimaad ee qofku u baahdo, ama guud ahaan qofka oo waaya daryeelka nafeed ee qofku u baahan yahay oo ah caafimaadka, nadaafadda iyo xaaladda nololeed.

Xaaladdan waxaa markii ugu horreysay ogaaday Faylasuufkii Giriigga ahaa ee Diognenes oo noolaa intii u dhexeysay sannadihii 323 illaa 412 ee dhalashadii Nebi Ciise (CS) hortood, isaga ayaana loogu magacdaray, laakiin waxa xanuun ahaan si rasmi ah loogu aqoonsaday sannadkii 1966 kii. Waxa ay qofka ku keentaa qofka oo dareema dayacnaan badan, jeclaadana in uu dadka ka faquuqnaado.

Waxa ay ka mid tahay xaaladaha ugu badan ee aanu cilminafsigu fahamka fiican ka haysan, waxa aanay inta badan ku dhacdaa dadka waaweyn oo ay si isku mid ah ugu dhacdo ragga iyo dumarka labadaba. Waxaa qofka gala jacayl xad dhaaf ah iyo xiise dheeraad ah oo uu u qabo in uu wax yeesho / mulkiyo. Waxaa ku abuurma lexejeclo inta maangalka ah ka badan, waxaana lagu arkaa isaga oo jacayl xad dhaaf ah u qaba wax kaydin iyo ilaalin xadka ka baxsan. Inta badan guriga uu ku noolyahay waxaa ka buuxa dhar, qalab iyo waxyaabo aan muhiim ahayn oo duugoobay lagana maarmay laakiin uu isagu muhiim u arkayo, wax kasta oo uu arko, xitaa waxyaabaha qashin ahaan loo tuuray waxa uu u fahmaa in ay dayacan yihiin, waxa aanu jeclaystaa in uu baylahtiro. Waxaa dhici karta in uu jeclaado ururinta iyo dhaqashada xayawaannada.

Calaamadaha kale ee lagu arko waxaa ka mid ah nadaafadda iyo is qurxinta naftiisa oo uu dayaco qofku, isaga oo jeclaada keli noolaanshiyaha oo bulshada kale ka faquuqma xitaa haddii uu guri kula noolyahay, xaaladdiisa oo aanu hoos u ogaan, inta badanna waxa ugu dambaynta ku dhaca xanuuno jidheed oo ka dhasha dayacaas badan. Waxa kale oo ay inta badan ku dambaysaa xanuunka xusuusta qofka dila ee asaasaqa ku keena dadka waaweyn.

  1. Ismoodsiiska Capgras – Adigu adigii ma tihid

Waa xaalad dhimirka khalkhal ku ridda oo ah in qofku moodo in loo beddelay saaxiibkii, xaaskiisa ama saygeeda haddii uu gabadh yahay, ama cid kale oo qoyskiisa dhow ka mid ah oo cid u eeg loogu soo beddelay ama xitaa xayawaankii uu dhaqanayey sida eyga ama bisadda oo mid u eeg loogu soo beddelay.

Xaaladdan yaabka leh waxaa loogu magac daray Joseph Capgras oo ahaa caalim ku xeeldheer dhimirka oo u dhashay Faransiiska.

Waxa uu qofku aaminayaa in si khiyaamo ah looga beddeshay ciddii ku xeernayd ama waxyaabihiisii gaarka ahaa oo hantidiisu ka mid tahay. Xaaladdan khatarta ahi waxa ay noqon kartaa mid la daweyn karo, mar qasab noqoanyso in bukaanku uu weligiiba la noolaado, iyo mar uu noqdo xaalad qofku inta uu waqti yar isku arko kaddibna ka bogsado. Waxaa iyaduna jirta mar ay xaaladda bukaanku sii xumaato oo uu isu qaato in isaga qudhiisa cid kale beddelatay oo anau isagu isagii ahayn, ama in wejigiisa iyo jidhkiisa la gaadhsiiyey dhaawacyo muuqiisa wax ka beddelay.

Xaaladdani waxa ay si gaar ah ugu badantahay haweenka, marar dhif ahna waxaa lagu arkaa carruurta yaryar. Waana xaalad khatar ah oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay xidhiidh la leedahay xanuunka unugyada maskaxda dila ee ‘Alzheimer’s’ ka loo yaqaanno ama asaasaqa maskaxda ku dhaca.

Illaa hadda ma jiro dabiib sax ah oo xaaladdan lagula tacaalaa, laakiin waxa ay xeeldheereyaashu xoogga saaraan oo keliya in ay la dagaalamaan xaaladaha ka dhasha. La soco…