Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Ee Ka Bilaabmaysa Gobollada Sool Iyo Sanaag

0
582

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, ayaa ka hadlay baaq u diray guud ahaan Shacbi-weynaha ku dhaqan Gobollada Sool iyo Sanaag, waxaanu ugu baaqay inay qaataan kaadhka Diiwanagelinta ee lagu codaynayo Doorashooyinka la filayo inay sannadkan ka dhacaan Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Waddani Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay qabyaaladda, waxaanu ugu horeyn yidhi “Gobolladii hore ee Somaliland dadkii hadhsanaa ee kaadhadhka Diiwaangelinta qaadan si fiican bay u qaateen, haddana waxaa ugu dambeeyey labada Gobol ee kala ah Sool iyo Sanaag, waxaana Shacab-weynaha labadan Gobol ku boorinayaa inay qaataan kaadhadhka Diiwaangelinta, maxaa yeelay waa fursad hadda soo martay, markaas fursaddahaas ay hadda haystaan ha ka faa’idaystaan, si ay u helaan xaqa ay u leeyihiin inay Doorashooyinka codkooda dhiibtaan, si loo doorto, iyana ay wax u doortaan”.

Mar uu ka hadlaayey qabyaaladad ayuu yidhi “Waxaynu nahay dal, qaranimo inaynu mar kasta ku fikirno ayaa loo baahan yahay, ee inaynu qabyaalad iyo wax la mid ah inaynu ku fikirno maaha, qaranimada mar kasta aynu xooga wada saarno, oo qabyaaladda aynu ka ilbaxno”

 

Geeska.net/Hargeisa Office