Qof Kasta Oo Ingiriis Ah Oo Dhinta Waxaa Loo Aqoonsanayaa In Uu Xubnihiisa Ku Deeqay

0
552

Xukuumadda dalka Ingiriiska ayaa dhammaystirtay sharci dhaqangelaya sannadkan oo muwaadin kasta oo ka soo jeeda gobalka England oo geeriyooda u aqoonsanaya in uu ku deeqay xubnihiisa haddii aanu isagu marka hore diidin. Sharcigan oo dhaqangalay dabayaaqadii bishii Meey ayaa ogolaanaya muwaadinka Ingiriis ee geeriyooda in lagala baxo kelyaha, beerka, wadnaha iyo xubnaha kale ee la intifaacsan karo si loogu geliyo muwaadiniinta kale ee u baahan.

Sida uu ku warramay wargeyska Telegraph Reporter sharcigani waxa uu saamaynayaa 56 Milyan oo qof oo u dhashay England taas oo la saadaalinayo in marka la gaadho sannadka 2023 ka ay 700 ku korodho tirada dadka lagu beerayo xubnaha.

Masuuliyiinta Ingiriiska ayaa sheegaya in tallaabadani ay suurtagelin doonto in xubno loo helo dad 5200 tiradoodu gaadhayso oo ku jira liiska sugitaanka ku beerista xubno ay u baahan yihiin. “Dad aad u tiro badan ayaa dhinta inta ay sugayaan in loo helo xubin lagu beero, sidaas awgeed waxaa iga go’nayd in wixii awooddayda ah aan ka qabto sidii loo kordhin lahaa tirada xubnaha ah ee lagu deeqayo” sidaas waxaa yidhi Matt Hancock oo ah xoghayaha caafimaadka ee England.

Si kastaba ha ahaato ee sharcigani waxa aanu qaban doonin carruurta geeriyooda iyaga oo ka yar da’da 18 sano jirka oo sharci ahaan loo aqoonsanyahay in aanay qaangaadh ahayn. Sida oo kale sharcigu ma qaban doono dadka England ku noolaa muddo sannad ka yar.

Xubnahana sharcigani sida gaarka ah u taabanayo ayaa ah kuwa joogto dadku beeristooda ugu baahdaan, oo ah wadnaha, beerka, sambabada, kelyaha, ganca, midhicirada, lafaha, halbawlayaasha dhiigga iyo nudaha neerfayaasha.

Sharcigan laguma fulnayo qofka dhimashadiisa ka hor caddeeya in aanu isagu raalli ka ahayn in dhimashadiisa kaddib xubnaha jidhkiisa laga faa’iidaysto.

Sharcigan waxaa si aad ah u soo dhoweeyey hay’adaha iyo shakhsiyaadka u dhaqdhaqaaqa sadaqaysiga xubnaha jidhka aadamaha. Kuwaas oo ay ka mid yihiin, Jimciyadda Wadnaha, iyo hay’adda daryeelka kelyaha.