Madaxweyne Geele Oo Maanta Waajahaya Imtixaan Adag

0
618

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, maanta 17 June wuxuu marayaa imtixaan adag, waxaana kala cadaan doonta miisaanka uu dalkiisu diblomaasi ahaan ku leeyahay dunida. Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay dooranayaan shanta xubnood ee cusub ee aan rigliga ku ahayn golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaana kursiga Afrika oo ay hadda Koonfur Afrika ku fadhido u tartamaya Djibouti iyo Kenya. Midowga Afrika, cod ayay hore ugu kala saareen labadan dal, waxaana cod batay dalka Kenya, laakiin Djibouti way diiday sharciyada codayntaas, waxaanu Madaxweyne Geele taaganyahay inay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kala saaraan oo ay ku codeeyaan New York. Codayntu waa qarsoodi. Guddoomiyaha Midowga Afrika ee xilligan oo ah Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah al-Sissi wuu ku guuldaraystay dedaalo uu doonayay inuu labada wadan ku wada hadashiiyo oo midkood tanaasulo. Djibouti iyo Kenya, doodooda waxa ku jirta inay kaalin mug leh ku leeyihiin nabadaynta qaaradda Afrika, gaar ahaan bariga Afrika oo ay labadooduba degenyihiin. Dal waliba wuxuu leeyahay anigaa la igu aamini karaa kursigan ee isaga laguma aamini karo. Shirkii Somaliland iyo Soomaaliya, ee toddobaadkan ku qabsoomay Djibouti ayay Djbouti filaysaa inuu hiil iyo marag u noqdo, Kenya oo codsatay inay shirka ka soo qaybgashana waa laga diiday codsigeeda. Inta badan dalalka Islaamka ayaa la filayaa inay u codeeyaan Djibouti, laakiin Kenya ayaa iyaduna ah dal culus oo miisan diblomaasiyadeed leh. Dalalka Afrika way kala safteen, ka dib markii ay Kenya iyo Djibouti qaadeen ololo diblomaasiyadeed oo is garab socda, waxaana maanta reerka u hadhaya ninka roon oo labada sannadood ee soo socda Afrika u meteli doona kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kursigani wuxuu leeyahay faa’iido siyaasadeed, mid dhaqaale, mid diblomaasiyadeed iyo mid nabadgelyo.