Waa qayb kale oo ah guudmarka nuxurka Buugga ‘Al-Qabaa’ A-siyaasi: Kayfa Yasilu Al-Qabiyu Ilaa Kursiyi Alxukmi’ ee uu qoray qoraa / saxafi Maxamed Tawfiiq oo u dhashay dalka Masar, kagana warramayo madaxda doqmaha ah ama is doqomeeya iyo sida ay xukunka ku yimaaddaan, uguna negaadaan.
- Gabow: Gabowgu arrin aadamaha oo dhami maro haddii aanu dhiman, waxa se hoggaamiyaha doqonka ah ku dhaca gabow khatar ku ah umadda iyo dadka uu maamulayo. Waxa uu galaa xaalad aanu dhanna u dhaqaaqayn oo meel keliya ku joogsata. Waxaa ka dhammaada firfircoonidii iyo hal-abuur wixii uu lahaa ama dadka ku xeeran ka qaadan lahaa. Gabowgu waxa uu ka dhigaa qof aan awoodin in uu xitaa fahmo habdhiska nolosha iyo sida ay u socoto, qof aan la jaanqaadi Karin isbedellada nolosha iyo dhacdooyinka ku lammaan casriga hadba taagan.
- Isa siin: Marka uu hoggaamiyaha doqonka ahi ku raago kursiga waa uu isa siiyaa, sidaas awgeed sida hantidiisa kale ayaa uu uga fikiraa sidii qoyska u dhaxalsiin lahaa. Waxa kale oo dhacda in uu xasuusan yahay dhibta uu geystay, sidaas awgeed uu dhaxalsiinta qoyskiisa u arko in ay tahay sida keliya ee uu kaga badbaadi karo abaalka waxa uu geystay, magaciisuna isaga oo nadiif ah u sii jiri karo, (Sida ay isaga la tahay).
Waxa kale oo ‘Isa siinta’ xoojiya dadka ku xeeran iyo gacanyareyaashiisa isaga dartii wax ku noqday. Inta badan waxa ay aaminaan in maadaama oo aanay iyagu xukunka ku soo boodi Karin, sida keliya ee ay ku sii joogi karaan ay tahay in ay xukunka u dhiibaan qof ka mid ah qoyska hoggaamiyaha, sidaasna ugu ol’oleeyaan si bulshadu aqbasho.
INTAAS KADDIB, QORAAGU WAXA UU SHEEGAYAA IN Dad badan ay awood u helaan in ay maalgashadaan doqonniimada madaxda si ay dano uga gaadhaan. Waxa ay sameeyaan hal abuurro ay ku qeexayaan xaaladda bulsho isla markaana dhaliilaya, iyaga oo doonaya in ay gaadhaan ujeedooyin wadani ah iyo kuwo shakhsi ah oo isku ladhan.
Waa arrin uu ku bidhaaminayo in ay mar kasta jiraan dad fursad u heli kara ama ka agdhowaan kara madaxda doqmaha ah, oo danahooda gaarka ah uga faa’iidaysta fursaddaas, iyaga oo hoggaamiyaha doqonka ah qalbigiisa iyo dareenkiisa ku kasbanaya arrimo uu xiisaynayo. Qoraagu waxa uu arrintan maalgashiga doqonniimada tusaale ugu soo qaadanayaa mid ka mid ah qisaska caanka ka ah sheekabaraleyda carabta, ee Juxa. Isaga oo ku tilmaamaya (Juxa) hoggoomiyihii doqomada adduunka, iyo maamulihii kuwa is doqomeeya. Waxa aanu tusaale u soo qaatay dhacdooyin iyo sheekooyin dhex maray Juxa oo dan leh iyo madax doqmo uu ku sheegayo oo soo maray taariikhdii uu noolaa Juxa.
Waxa uu tilmaamayaa sida uu Juxa xariif ugu ahaa in dhaliilaha bulshada iyo kuwa madaxdaba uu ka hor sheego madaxda doqmaha ah, isaga oo isaguna is doqomaynaya, si uu ugu helo abaalmarin iyo dano u gaar ah. Taas oo aad ugu shaqaysay.
Warbaahinta doqonta ah
Qoraagu waxa uu sheegayaa kaalinta ay warbaahintu ku leedahay buunbuuninta madaxda doqmaha ah iyo awoodda ay xukunka ugu negaanayaan. Waxa uu sheegayaa in warbaahinta xilliga madaxda doqmaha ahi talinayaan jirta, oo iyaguna doqmo ahi ay majaro habaabiyaan wacyiga bulshada. Waxa ay jiheeyaan rayulcaamka bulshada, waxa aanay ku abuuraan aragti ku hoggaamisa in ay ogolaadaan dawladda iyo aragtiyaheeda.
Isku xeeridda munaafaqiinta
Waxyaabaha kale ee hoggaamiyaha doqonka ahi uu u adeegsado ku sii dheggenaanta kursiga waxaa ka mid ah in dadka uu isku xeeraa ay yihiin kuwo kala ilaaliya isaga iyo bulshada inta wacyigeedu soo jeedo ee ku dhiirran karta in ay runta jirta sheegto. Waxa ay hoggaamiyaha ku xeeraan munaafaqiin shaqadoodu tahay keliya in ay hoggaamiyaha u sheegaan waxa ay gacanyareyaasha soo daayey doonayaan. La soco…