Qodobbo Ka Mid Ah Buugga: Doqonniimada Siyaasiga Ah – Sidee Uu Doqonku Madaxnimada Ku Gaadhaa (1)

0
1171

Buugga ‘Al-Qabaa’ A-siyaasi: Kayfa Yasilu Al-Qabiyu Ilaa Kursiyi Alxukmi’ oo uu qoray qoraa / saxafi Maxamed Tawfiiq oo u dhashay dalka Masar waxa uu ka warramayaa taariikhda dalka Masar ee dhinaca siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha soo maray ee doqomada ahaa.isaga oo si is xig-xigta oo taariikhaysan u xusaya hoggaamiyeyaal uu sheegay in ay doqomo ahaayeen oo dalkaas soo maray, laga soo bilaabo dawladdii boqortooyadii Faraaciinta iyo dawladihii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta, kacaankii 23 ka Luulyo ee 1952 kii xukunka lagaga tuuray tafiirtii Maxamed Cali Baasha illaa laga soo gaadho kacdoonkii Jeenaweri 2011 ee soo afjartay xukunkii dheeraa ee Xusni Mubaarak.

Waxa uu ka hadlayaa sababaha inta badan keena in qof doqon ah ama is doqomaynayaa uu xukunka dalka qabto, waxyaabaha caawiya in uu talada qabto iyo in uu ku negaado labadaba, xeeladaha uu isticmaalo, sida uu u fikiro si uu xukunka ugu negaado iyo raadadka foosha xun ee laga dhaxlo. Soo koobidda buuggan oo ka kooban, soona baxay sannadkii 2012 ka ayaa aynu soo qaadanaynaa qaybo kooban oo ka mid ah warbixin ay shabakadda Aljazeera ku soo koobaysay buugga:

Qoraagu waxa uu buugga ku soo bandhigayaa xanuunno uu u bixiyey cudurrada maamulka ku dhaca oo uu sheegayo in doqonniimada siyaasiga ahi sabab u tahay in ay dhacaan, ama cudurro ah natiijo ka dhalata doqonniimada siyaasiga ah. cudurradaas waxaa ka mid ah:

  1. hadal haynta iyo feejignaanta amniga oo faafta: Iyada oo la arko dawladda oo ku mashquulsan ama xoogga saaraysa in ay qaadato go’aamo iyo tallaabooyin amni oo tiro badan, marka hoos loogu dhaadhacana ay muuqanayso in aanay isu dhigmin miisaanka tallaabooyinka amni ee dawladdu qaadayso iyo xaqiiqada xaaladda mani ee jirta.
  2. Dawladnimada oo go’doonta: Dawladnimada ayaa noqota wax meel gaar ah kaga xidhan bulshada oo aan soo dhexgelin. Madaxweynaha ama hoggaamiyaha ayaa noqda ruux ka baxa nolosha dabiiciga ah, oo kelidii meel ku xidhan. Cidda keliya ee uu arkaa ama nolosha uu u dhex maraana waa warbixinaha uu ka helayo cidda ku xeeran iyo gacanyareyaashiisa. Dhibaatada ugu weynina waxa ay tahay in warbixinahaas qudhoodu aanay ahayn kuwo xor ah, balse ay yihiin kuwo cidda qortay ay kaga turjumayso keliya aragtidooda iyo sida ay iyaga arrimuhu la yihiin.
  3. Qab been ah: Madaxda doqmaha ah waxaa lagu yaqaannaa in ay is barariyaan, oo naftoodu la noqoto wax ka weyn umadda kale ee ku xeeran iyo kuwa ay maamulayaan. Waxa uu aaminaa in dalka oo dhami isaga ku midaysan yahay. Jacaylkiisuna yahay wax bulshada quluubtooda buuxiyey.

Waxaa hoggaamiyaha ku abuurmaya isla weyn, mararka qaarkood la gaadha in uu dhaqmo sida in uu dadka ka rabo in ay sida Ilaahay u caabudaan ama uga dambeeyaan. Waxa uu ku magaagaa xukun jacayl iyo dareenka ah in uu isagu nooc gaar ah ka yahay dadka ku xeeran. Taas oo ku dhiirrisa in uu qaato go’aamo ku dhisan qab, amar ku taaglayn aan xakame lahayn.