“Halaga Digtoonaado Dagaal Beelaysan Iyo Xeelad Kasta Oo Cadawgeenu Inagaga Faa’iidaysan Karo”

0
687

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka digay xeelad kasta oo cadawga Somaliland ka faa’iidaysan karo, waxaanu ku taliyey in in  laga fogaado wax kasta oo nabadgalyada waxyeelo ku ah.

Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Bisha Ramadaan iyo sababta loo joojiyey qaadka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xanuunka Coronvirus maaha xanuun sahlan oo la fududaysan karo, mana ah xanuun la mid ah xanuunnada kale ee jira, waa xanuun sababay inay dad badan oo ku kala nool daafaha dunida iyo qaaradaha dunida u dhinteen, dad badana u liitaan, waana xanuun si yar oo fudud loo kala qaadayo, si deg-degna u fidiya, waxaana tusaale inoogu filan qaabka uu xanuunkani go’doonka u galiyey caalamkii, sidaas awgeed in la qaato awaariinta lagaga hor tagayo xanuunkan ayaa haboon, wacyigelinta iyo awaamiirta ay Dawladdo waddana maaha in la fududaysato, ee waa in sidooda loo qaadata, maxaa yeelay Dawladdu dadkeeda lexejeclo ayey ka qabtaa, xaalad kasta oo ay ku badbaadinaysana waa u diyaar inay ku dhaqaaqdo, qaadkana sababta loo joojiyey waa in taxadir badan la sameeyo”.

Mar uu ka hadlayey bisha Ramadaan iyo baaq uu diray guud ahaan Shacabka Somaliland ayaa yidhi “Bishii Ramadaan ayeynu galnay, waa bishii xasanaadka, tobankii naxariista ayeynu ku jirnaa, oo hadda inoo bilaw ah, tobankii dambi dhaafkuna wuu ku xigaa, tobankii naarta ALLE ka xoreynayey addoomihiisa camalka fiican la yimaaddana way ku sii xigaan, ee ALLE ha inaga dhigo dadka uu u naxariisto, ee ha la isma saamaxo, oo qofna yaanu qofna caloosha xumaan ugu hayn, ta kale ha laga digtoonado dagaal beelaysan iyo xeelad kasta oo cadageenu inaga ga faa’iidaysan karo, isku duubnideena iyo ilaalinta nabadgalyadeena meel aynu uga soo wada jeedsano,  qabyaaladdana ha laga dheerado”.