Qiyaasaha Ay Qaramada Midoobey Ku Calaamadisay Koritaanka Dabiiciga Ah Ee Ilmaha

0
214

Hargeysa (Geeska)- Hooyanimada waxaa inta badan ku lammaan warwar la xidhiidha koritaanka ilmaha iyo xawaaraha uu ku socdo. Marmarka qaarkood heer argagax ah ayaa ay cabsida hooyadu gaadhaa, gaar ahaan marka ay maqasho hadallada kala duwan ee laga sheegayo koritaanka ilmaha, ama marka ay isbarbardhig ku samayso ilmaheeda iyo ubadka kale.

Warwarka waalidku waa gar, marka la eego sida uu miisaanka iyo dhererka ilmuhu calaamad muhiim ah ugu tahay koritaanka dabiiciga ah ee ilmaha iyo caafimaadkiisa guud.

Haddaba si warwarkaasi hooyooyinka iyo guud ahaan waalidka ugahadho waxa aynu qormadan ku eegaynaa halbeegga ay hay’adda caafimaadka adduunku ku calaamadisay in lagu garan karo koritaanka dabiiciga ah ee ilmuhu marka uu dhasho illaa uu  hal sano gaadhayo.

Halbeegyada dabiiciga ah laga bilaabo marka uu ilmuhu dhasho

Muddada uu ilmuhu uurka hooyadii ku jiraa waa 37 illaa 42 toddobaad, miisaanka dabiiciga ah ee uu ilmuhu ku dhashaana waxaa 2.5 kiiloogaraam. Inkasta oo ay dhici karto in ilmuhu ku dhasho  hal kiiloo iyo badh, kuna badbaado, haddana miisaanka 2.5 ka hooseeyaa waxa uu u baahan yahay daryeel gaar ah oo dhakhaatiirta takhasuska ahi ka taliyaan.

Inta badan waxa ay dadku ku mashquulaan miisaanka uu ilmuhu ku dhasho, laakiin dhererka ilmuhu uu ku dhasho ayaa isaguna ah calaamad kale oo muhiim u ah filashada korniinkiisa dabiiciga ah. caadi ahaan waa in uu dhererka ilmuhu noqdo 46 illaa 60 sentimitir. Qaab samayska madaxa ilmaha ayaa isaguna muhiim ah in fiirogar ah looyeesho, waxaana waajib ah in marka ilmuhu dhasho madaxiisa la cabbir. Waa in qiyaasta wareegga madaxu ay noqoto 35 illaa 40 santimitir. Waxa se xusid mudan in cabbirrada aynu soo sheegnay ay khuseeyaan ilmaha dabiiciga ah oo keliya, balse ilmaha ku dhasha muddo sagaal bilood ka yar waxa uu leeyahay cabbiro kale oo u gaar ah.

Saddexda qiyaasood ee aynu soo xusnay oo ah miisaanka, dhererka iyo cabbirka madaxa ayaa ah halbeegga muhiimka ah ee lagu qiyaasto koritaanka jidhka ilmaha iyo in uu u socdo qaab caafimaad qabta. Waxaana muhiim ah in ilmuhu, xitaa haddii uu dabiici yahay, si joogto ah loogu geeyo dhakhaatiirta carruurta si ay ula socdaan koritaankiisu in uu dabiici yahay. Maadaama oo isbeddellada ku yimaadda qiyaasahan qaarkood ay calaamad u noqon karaan khatar ku soo fool leh qofka.

Saddexda bilood

Bilaha ugu horreeya koritaanka, ilmuhu waxa uu ku socdaa xawaare aad u sarreeya, waxa aanu si joogto ah u soo korodhsadaa xirfado kala duwan. Koritaankaas dabiiciga ah waxaa lagu qiyaasan karaa:

– In ilmuhu marka uu dhasho maalmaha hore miisaankiisu boqolkiiba 10 hoos u dhaco. Hoos u dhacaasi waa arrin dabiici ah.

– Ilmuhu marka uu dhasho in qallooc yar indhihiisa lagu arko ama loo fahmo in ay dhan u jeedaan ama isku jeedaan, ayaa ah arrin dabiici ah saddexda bilood ee hore, sababtuna waa muruqyada indhaha oo daciif ah. xaaladdani waa in dabiici noqoto marka uu ilmuhu saddex bilood gaadho, haddii ay isbeddeli waayaanna waxa uu u baahan yahay in dhakhtar la tuso.

– Ilmuhu marka uu saddex bilood gaadho waa in uu awoodo in uu madaxa kor u soo qaado, in uu dhoolla caddeeyo, in waxa gacanta loo geliyo si xooggan u qaban karo, ama farihiisa xoog isugu soo laabi karo.

– Marka uu ilmuhu saddexda bilood gaadho waa in si fiican loo hubiyo in ilmuhu uu la socdo ama ku baraarugsan yahay codadka hareerihiisa ka baxaya. Sida sanqdha furitaanka ama xidhista albaabka iyo in marka uu dhawaqa ama snaqadha maqlo madaxa dhinac u leexinayo si uu u arko dhanka ay sanqadhu ka baxday. Waxa ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in feejignaanta hooyadu ay keeni karto in goor hore la ogaado haddii dareenka maqal ee ilmuhu aanu si fiican u shaqaynayn. Sababaha dhego la’aanta keena badankoodana waa la daweyn karaa haddii goor hore oo ay xaaladdu bilow tahay la ogaado.

– ilmuhu marka uu wiil yahay celcelis ahaan miisaankiisu saddexda bilood gaadhaa 6 illaa 7 kiiloogaraam, iyo dhererka oo u dhexeeya 60 illaa 63 Sentimitir, haddii ilmuhu gabadh yahayna miisaanku waxa uu gaadhaa 5.5 kiiloogaraam illaa 6 iyo badh kiiloogaraam iyo dhererka oo u dhexeeya 57 illaa 61 Sentimitir.

Si dhererka iyo miisaanka ilmuhu ay si dabiici ah kor ugu socdaan waxaa muhiim ah in la hubiyo in uu caanaha naaska in ku filan ka halo, iyo in la hubiyo in aanay jirin dhibaato dhinaca dheefshiidka iyo koritaanka ahi.

Afar illaa lix bilood

Ilmuhu marka uu dhammaysto bisha lixaad, waxa uu awoodaa in uu fadhiisto iyada oo aanay cidi caawinayn, sida oo kale waxaa soo baxa codkiisa oo ereyo aan la fahmayn ayaa uu ku hadaaqaa. Waxa uu awoodaa in uu beerka isu rogo. Sidaa awgeed waxa ay hooyadu ka ilaalisaa in ay ka tagto iyada oo aan dhinaca u dhigin shay ka ilaaliya in uu ka soo dhaco sariirta. Sida oo kale waxa uu helaa awoodda qabsashada iyo jiidashada oo inta badan uu ku bilaabo timaha hooyadii.

– Da’dan wiilasha miisaankoodu waa 7.3 illaa 8 iyo badh kiiloogaraam, celcelis ahaan dhererkooduna waa 66 sentimitir. Halka hablahana uu miisaankoodu u dhexeeyo lix iyo badh illaa siddeed kiiloogaraam, celcelis ahaan dhererkooduna uu noqdo 64 illaa 67 sentimitir.

Toddobada bilood illaa sannad

Da’dan waxaa ilmaha u soo baxa ilkaha, waa ay dhici kartaa in marmarka qaarkood ilmaha oo aan da’dan gaadhin ilkuhu u soo baxaan, sida oo kale illaa bisha siddeedaad haddii ay ilkuhu bisha toddobaad ka dib dhacaan dhibaato ma’ laha oo illaa 12 bilood waa la fili karaa.

– Da’dan waxa kale oo uu ilmuhu ku bilaabaa xamaarasho iyo gurguurasho, sida oo kale waxa isaga oo wax cuskanaya ayaa uu istaagaa.

– Da’dan waa in uu ilmuhu ku bilaabo in uu ka dareen celiyo yeedhmada magaciisa. Da’dan carruurta qaar ayaa ku bilaaba in ay ku dhawaaqaan ereyada ‘Mama’ iyo ‘Baaba’.

– Da’dan marka uu ilmuhu yahay miisaankiisu waxa uu u dhexeeyaa wiilasha oo ah siddeed illaa toban kiiloogaraam, dhererkuna yahay 68 illaa 76 sentimitir, iyo hablaha oo ah 7 illaa 9.5 kiiloogaraam iyo dhererka oo ah 67 illaa 75 sentimitir.

Ugu dambayntii xeeldheereyaashu waxa ay sheegayaan in halbeegyada aynu soo sheegnay aanay qasab ahayn in ilmo kasta lagu arko, gaar ahaan dhererka, miisaanka iyo soo bixista ilkaha. Laakiin ay yihiin calaamad muujinaysa in koritaanka ilmuhu uu dabiici yahay. Sida oo kale waa in waalidku ogaado in ilmaha korniinkiisa aan logoa qiyaas qaadan Karin korniinka ubadka kale ee qoyska ama walaalihii, waayo iyaga oo labaduba caafimaad qaba ayaa ay ku kala duwanaan karaan bisha ay gurguuradka bilaabaan, bisha ay is rogaan, soo bixista ilkaha, miisaanka iyo dhererkaba. Waxa uun muhiim ah in hooyadu iyada oo raacaysa halbeeggan ay hay’adda caafimaadka adduunka ee qaramada midoobey dejisay, la hubiyo in aanu ka bixin xayndaabka halbeeg ee ay da’ kasta u xidhay.

Haddiiba ay dhacdo in korniinka ilmuhu uu waafiqi waayo halbeegyada aynu soo sheegnay ee WHO ay dejisay, waxaa waalidka ku waajib ah in uu sida ugu dhaqsaha badan ula xidhiidho dhakhtar hubiya in xaaladda ilmuhu dabiici ay tahay iyo in kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.