Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan iyo Xildhibaan Indho-indho Oo Isku maan Dhaafay Daawada Dumarku Isku Cadeeyaan

0
833

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho ayaa isku maan dhaafay dawada ay dumarku u isticmaalaan inay isku cadeeyaan kaas oo xildhibaan Cabdiqaadir uu ku tilmaamay dhibaato diirka haweenka wax yeelaysa oo u baahan in laga hortago, halka guddoomiye Saleebaan ku tilmaamay aalad ay dumarku isku qurxiyaan oo aan wax dhibaato ah lahayn.

fadhigii golaha guurtida ee shalay ayaa ay ka dhacday doodan guddoomiye Saleebaan iyo xildhibaanku ay aadka iskaga hor yimaadeen, waxaana ugu horayntii fadhiga golaha guurtida ka sheegay daawadan laysku cadaynaayo xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho waxaanu yidhi“Xalay waxaan daawanayay tilifishan waxa uu ka hadlaayay bahashan hablaheenu ay is mariyaan,inkasta oo la yidhi inamadiina imika waa ay bilaabeen, waxa ugu daran qofkan waxa la marinayaa diirkiibuu ka saarayaa oo xanuunkii ayuu u nuglaynayaa inaga iyo lix dawladood oo saxaraha ka hooseeya ayaa la sheegayay in dadkiisu ay is mariyaan, waxay u nuglaanayaan kansalkii iyo macaankii,qof alle abuuray oo diirkii laga saaray waad garanysaa aan ku wacygalino dhaliyaradeena in dawadaas la joojiyo waayo jidhkaagiibay furaysaa.”                                                                                            Intaas kadib guddoomiye Saleebaan ayaa difaacay in aanay dhibaato keenayan daawada isqurxinta ay haweenka dalku u isticmaalaan “Nin halkan ka hadlaayay oo daawada  ay gabdhuu isku quxinayaan ha la joojiyo lahaa, waar ma anagaa gabdhaa quruxdooda ka joojin karayna bal waxaad nagula hadlaysaan day aduunka kaleba dhibaato ma gaadhsiiyo ee ma kuweena ayuu gaadhsiiyaa aan run isku sheegno,oo yaynaan isku maaweelin waxaan jirin daawo jidh dishaa ma jirto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here