Madaxweyne K/Xigeenkii Hore Oo Ku Taliyey In Dib Loo Dhigo Furitaanka Saldhigga Imaaraadka Kana Digay Weerarro Aargoosi Oo Baabi’in Kara Dekedda Iyo Haamaha Kaydka Ee Berbera

0
690

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in xaaladaha colaadeed ee ka soo fool leh gobalka Bariga Dhexe ay samaayn fool xun ku yeelan karto amniga Somaliland.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka digay in colaaddaas ka huraysa Bariga dhexe ay saamayn dhaqaale iyo mid amniba ku yeelan karto Somaliland oo dhinaca kale ka kulaalaysa badda cas. Waxa aanu dawladda Imaaraadka ku canaantay, wax laga xumaadana ku tilmaamay in ay Berbera ka samaysatay saldhig iyada oo aan la iman diyaargarow amniga dekedda lagu ilaalin lahaa.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in dawladda Imaaraadku heshiiskii maalgashiga dekedda Berebra ee DP World, ay ugu dhex gabbatay heshiiska kale ee ay ku heshay saldhigga Berbera.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo khamiistii 27 June u warramayey talefishanka CBA, ayaa intaas ku daray, bilowgii markii ay Somaliland heshiiska saldhigga shaacisay, in uu isaguna ka digay in dhibaato dhinaca ammaanka ahi ay ka iman karto saldhiggaas, suurtagalna ay tahay in dagaal meel kale ka socda loo soo waaridayo Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in khilaafka u dhexeeya isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo iyo Dawladda Iiraan oo ay la socdaan kooxaha hubaysan ee ay taageerto, sida Xuutiyiinta reer Yemen, haddii uu dagaal qarxo ay keeni karto khatar amni darro, oo ka dhalatay weerarro aargoosi ah oo ay Xuutiyiinta iyo kooxaha Iiraan taageersani ku kacaan, iyo dhibaato labaad oo ah in Somaliland ay ku yeelato saamayn dhaqaale iyo nololeed, maadaama oo ay colaadu keeni karto in ay xidhanto badda oo ah marinka ay Somaliland wax u soo maraan.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in dekedda Berbera oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee Somaliland iyo haamaha kaydka shidaalka oo ah kuwa keliya ee ay leedahay Somaliland ay labaduba ku yaallaan meel isu dhow oo si fudud ay u gaadhi karaan weerarrada Xuutiyiintu, isaga oo tusaale u soo qaatay sida dawladda Sucuudiga ee haysata gantaalaha difaaca cirka ee casriga ahi ay isaga celin kari weyday diyaaradaha is-wada iyo gantaalaha ay Xuutiyiintu ku weerarayaan.

Waxa uu ka digay in haddii saldhiggaas la furo oo ciidamo  la keeno, in Somaliland ay khatar u tahay weerarradaas Xuutiyiinta iyo kooxaha Iiraan taageerto. Waxa aanu dawladda Imaaraadka Carabta si kulul ugu canaantay in ay saldhigga diyaarisay iyada oo aan Berebra keenin qalab lagaga difaaci karo gantaalaha iyo diyaaradaha is wada ee weerarka ah.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu xukuumadda Somaliland kula taliyey in dib loo dhigo furitaanka saldhigga ciidan ee imaaraadka Carabtu ka samaystay Berbera. Lagana horreysiiyo in la keeno hubkii difaac u noqon lahaa dekedda iyo haamahaha kaydka shidaalka ee Berbera. Arrintaas oo uu sheegay in ay u baahan tahay in talo dambe laga yeesho.

Dhinaca kalana mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in dhibaato cunto ay Somaliland soo waajihi doonto haddii colaadi ka dhacdo bariga Dhexe. Isaga oo intaas ku daray in daraasad ay xukuumaddii madaxweyne Rayaale ee uu ku xigeenka ka ahaa ku samaysay kaydka raashin ee dalka, lagu ogaaday in raashinka dalka yaallaa uu bil keliya ku filan yahay. isaga oo sheegay in intaas wixii ka dambeeyana ay umaddu cunto la’aan waajahayso, hilibka xooluhuna aanu noqon Karin cuntada keliya ee la isticmaalo.

Waxa uu sheegay in taariikhda inta la ogyahay laba jeer ay xidhantay dekedda Berbera, mar waxa uu ahaa xilligii dagaalkii lala galay dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo ay dadku ka qaxeen gudaha dalka, cuntana ka heleen beesha caalamka iyo hay’adaha adduunka ee gargaarka qaxoontiyada.

Marka labaadna ay ahayd sannadkii 1945 kii markii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in uu madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu uga sheekeeyey duruuftii adkayd ee cunto la’aanta ahayd ee xilligaas ka dhacday Somaliland. isaga oo u sheegay in safarro awr ah raashin lagaga doontay magaalada Jigjiga ee gobalak Soomaalida Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here