Qiso Xanuun Badan Oo Ka Waramaysa Waalid Caasi Hooyadii Oo Silic Ku Soo Korisay Habaar Ka Shaqaystay

0
1549

Picture4Hargeysa (Geeska)- Majdi waxa uu nolol cusub ka bilaabay dhul aad uga fog halka hooyadii joogto oo Masar ahayd, laakiin haddana, warkeeda marnaba kama uu durki jirin, kalamana uu bakhayli jirin lacagta badan ee kaga baxda, si maalinle ah ayaanu ula soo hadli jiray.

Baarrinimadii iyo wanaaggii Majdi hooyadii kula macaamili jiray waxa ay mar qudha dhallan rogmeen muddo gaaban kadib guurkiisii. Waxa uu bilaabay olole adag oo uu ku doonayayey in hooyadii uu ku qanciyo in ay iibiso gurigeedii ay ku jirtay. Hadalkii iyo xidhiidhkii wanaagsanaa aad ayaa ay isu dhimeen marka laga tago in uu ula soo xidhiidho sidii hooyadii uu ugu qancin lahaa fikirkiisa ah in gurigooda ay ku nooshahay la iibiyo si uu lacagta ugu qabsado hawlo uu leeyahay, isaga oo ku andacoonaya in ay gurigiisa kula noolaato, ballan beenana ugu qaadaya in ay sida boqoradda u noolaan doonto.

Hooyo A.C in kasta oo ay iibka guriga iska yara giijisay haddana waqti badan kuma ay qaadan in ay raacdo talada inankeeda. Iyada oo markii dambe qisadan uga waramaysa warbaahintana waxa ay tidhi, "Markii uu Majdi igu qanciyey in aanu guri ku wada noolaanno, gurigaygii oo aan anigu gaar u lahaa ayaa aan iibiyey sannadkii 1982-kii, lacagtiina isaga ayaan u dhiibay, runtii ma garanayo sida uu lacagtii u isticmaalay, laakiin waxa aan aad u filayaa in uu ku kharash gareeyey baahiyaha gabadhiisa iyo ehelkeeda ee aan dhammaan”

Iyada oo sheekadan xanuunka badan sii wadda hooyo A. C waxa ay intaas ku sii dartay, “Majdi si indho la'aan ah ayaa uu u adeecsanaa xaaskiisa, isla maalintii aan gurigaygii iibiyey lacagtiina gacantiisa ku shubay waxa is beddelay gebi ahaanba dhaqankii xaaskiisu igula macaamili jirtay. Isaga qudhiisu wax badan kama uu roonayn oo waxa uu ila macaamili jiray si qallafsan oo aanan abid uga baran. Tan iyo maalintii aan gurigiisa u soo guuray waxa ay xaaskiisu igu haysay haddidaad, aflagaado iyo dhaqanno badan oo aad u kakan, waxa aan qaaday diiqad nafsi ah, gaar ahaan markii aan arkay xaaskii inankayga oo xitaa igu diraysa carruurtii aan ayeeyada u ahaa, iyaguna ay qaateen tarbiyadda hooyadood ee ah in si cadaawad leh la iila macaamilo. Muddo kadib waxa ay bilowday in ay iga mamnuucdo gebi ahaanba cuntada. Inankayga Majdi maalintii oo dhan shaqo ayaa uu ku maqnaan jiray, waa ay jirtaa in marka uu shaqada cawayska ka yimaaddo uu marar ka qaarkood i bariidiyo, ina weydiiyo xaalkaygu sida uu yahay, laakiin jidka keliya ee ii furnaa waxa uu ahaa in aan u mahad sheegto, xitaa waxa aan kala xishooday in aan u sheego in xaaskiisu ay cuntadii iga joojisay.

Marka aan aad u gaajoodo waxa aan u soo dhuuman jiray madbakha (Kijada) si aan uga baadho wax cunto ah ama hambooyinka ay soo reebaan iyada iyo carruurta aan ayeeyada u ahay, aanu xaabo, mararka qaarkoodna si qarsoodi ah ayaa aan u xadi jiray haddii ay cunto ama sharaab ku ritaan tallaagadda, laakiin jabkayga ayaa ay ahayd haddii ay igu qabato, marar ay igu qabatayna waxa ay ii cayday iina haddiday si aan abid qof waayeel ah loola macaamilin’ La Soco Qaybta u dambaysa.