Dulmiga iyo Gacal Miiska Dowladda Siilaanyo

0
653

amaal

Waxyaalaha bud-dhiga u ah waddan kasta oo ku hirta diinta Islaamka waxa ka mid ah, oo laga maarmaan ah, in hoggaamiyahoodu uu had jeer wada-tashi baahsan la sameeyo dadka muslimiinta ah ee uu xukumo ama uu u taliyo oo uu mar walbana aqbalo waxay iyagu mabsuudka ku yihiin laakiinse aanu isagu ku socodsiinin waxa uu isagu jecelyahay ama isaga dani ugu jirto.

Haddaba wada-tashigu [shuura] wuxuu udub-dhexaad u yahay dowladnimada wanaagsan ee ku qotonta diinta Islaamka; waana isha ay ka soo burqato caddaaladdu marka la wada-tashado ee la isla-qaato go’aan cid waliba ku qanacsantahay oo cidna aan xuquuqdeeda lagu xadgudbayn. Wada tashiga noocaas oo kale ah wuxuu keenaa kalsooni, is-aaminaad iyo kalgacayl dhex yimaada ummadda muslimiinta ah ee waddanka ku wada nool. Taasina waxay markaa horseeddaa inay ummaddu sida ul-iyo-diirkeed isku noqdaan. Ilaahayna (swt) wuxuu jecel yahay xaakinka ummadda uu xukumo caddaaladda ku dhaqa si ummadda muslimiinta aanu marnaba tafaraaruq u gelin, fitnana aanay u dhicin.

Wada tashiga laga hadlayaa ma aha inuu hoggaamiyuhu la tashado siyaasiyiin ka soo jeeda beel ay xagga siyaasadda xulafo ku yihiin ama dad ay isku ehel yihiin ama wasiiro isaga sacabka u garaaca oo qaba daba ka-walwal ah inuu eryo hadday kelmadda xaqa ah ka dhawaajiyaan. Wada-tashiga noocan oo kale ahi wuxuu keena kalsooni-darro, is-aaminaad la’aan iyo xumaan iyo tuhun ummadda kala dhex gala. Marka dambena wuxuu u horseedaa in ummadda walaalaha uu tafaraaruq ku dhaco oo shakhsi-shakhsi, koox-koox iyo beel-beel la isu xulafaysto si qolaba qolada kale xuquuqdooda u duudsido. Wada-tashiga noocan ah mustaqbalkiisu waxa weeye tafaraaruq iyo burbur ummadda ku yimaada waana dulmi cad. Ilaahayna ma jeclo dulmiga iyo daalimiinta toona.

Waxaynu ogsoonahay in xukuumaddani ay hantidii ummadda muslimiinta ka dhaxaysay ay si ba’an u xaraashayso.

1.       Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi, wuxuu xaraashay xafiisyadii wasaaraddiisa ee suuqa Hargeysa ku yaallay;

2.       Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Xaaji Cali waxa lagu wareejiyey hanti [guri] ay ummaddu leedahay oo uu u saxiixay Wasiirka Hawlaha Guud;

 

 3.      Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Xuseen Cabdi Ducaale, wuxuu waddanka liisan u siiyey isagoo aan cidna kala tashan shan sharikadood oo min Bari illaa Galbeed waddanka macdan iyo baatrool ka baadha; welibana wuxuu sheegay inay qaar kalena soo socdaan.

4.       Dahabshiil waxa laga iibiyey warshaddii sibidhkii ee Berbera laakiin way u suura geliweyday inuu la wareego ka diba markii lagu kacay;

5.      Sharikadda Al-Xarbi waxa laga iibiyey maktabada Hargeysa ee ummadda ka dhaxeysa laakiinse way u suurageliweyday ka dib markii odayaal beel kale ka soo jeeda la isku qabsaday oo iyaguna xaq darro u soo cummaamaty inay boobaan xoolaha ummadda muslimiinta ka dhaxeeya;

6.      Maantana waxa Dahabshiil laga iibiyey warshaddii Laydhka ee Hargeysa iyo Maxamed Aw-Siciid oo isna ku mamay hantida iyo dhulka ummaddu leedahay inuu beystayn-beystay ku iibsado; hadda ka horna laga iibiyey dhulka Hindiya Leynka oo masaakiintii degganaydna qasab iyo qori caaradii meelo kale lagu dejiyey oo aanay raalli ka ahayn, tag iyo tabarna u hayn.

Bal waxaan halka idiinku soo gudbinayaa oo aan soo tarjumay dhacdo ku saabsan Abu Bakar Al-Siddiiq (radiyallaahu canhu) iyo Cumar bin Khadaab (radiyallaahu canhu)  oo khuseysa sida hantida ummadda muslimiinta ka dhaxeysa loogu fara adeygo oo aan marnaba loo iibin.

 Bal qisadan caddaaladu ku dheehantahay ee diinteena ku qotanta si fiican oo deggan u akhri oo u dhuux. 

[Cuyeynah Bin Xasan iyo Al-Caqra’a Bin Xaabis ayaa maalin maalmaha ka mid ah u yimi Abu Bakar Al-Siddiiq (radiyallaahu canhu). Waxay ku yidhaahdeen, “ Yaa Abu Bakar [Yaa Amiirul Muuminiin] ! adigaa maanta haya jagadii Rasuulkii Ilaahay (scw), waxa jira dhul meel halkan ah ku yaal oo aan doog ka bixin oo aan cidna manaafacaadsan. Maxaad noo siin weyday dhulkaas si aanu u beerno, si markaas looga faa’ideysto wixii maanta ka dambeeya?”

Abu Bakar wuxuu ku yidhi kuwii ku xeerraa [ee la taliyayaasha ahaa] , “Maxay idinla tahay waxay yidhaahdeen, haddii uu dhulkaasi yahay dhul aan doog ka bixin oo aan cidna manaafacaadsan?” Waxay ugu jawaabeen, “Waxay nala tahay inaad siiso dhulkaas, si markaas looga faaideysto wixii maanta ka dambeeya.”

Abu Bakar wuxuu qaatay taladoodii wuxuuna go’aansaday inuu siiyo isagoo dokumenti caddeynaya inay iyagu leeyihiin dhulkaas siiyey Cuyeynah Bin Xasan iyo Al-Caqra’a Bin Xaabis.  Hase ahaatee, Abu Bakar wuxuu doonayey inuu Cumar Bin Khadaab uu markhaati ka ahaado arrintaas, hase ahaatee ammintaas Cumar goob joog muu ahayn. Sidaa awgeed Cuyeynah Bin Xasan iyo Al-Caqra’a Bin Xaabis waxay u tageen Cumar si uu isaguna uga markhaati kaco dhulkaas la siiyey.

 Waxay u tageen Cumar oo wax ku raraya Awr uu leeyahay waxayna ku yidhaahdeen, “Abu Bakar wuxuu ku soo weydiistay inaad markhaati ka noqoto waxa dokumentigan ku qoran. Miyaanu kuu akhrinaa [waxa ku qoran] mise adiga ayaa akhrisan?

Cumar wuxuu ugu jawaabay, “Waad aragtaan sidaan ahay immika [iyo hawsha aan faraha ku hayo], ee haddii aad doonaysaan waad ii akhriyi kartaan [anigoo hawshayda wata] haddii kalena i suga intaan hawsha dhammeysanayo anigaa markaa akhrisan doona eh.”

Waxay ugu jawaabeen, “Maya, ee annaga ayaa kuu akhriyeyna.” Markaa way u akhriyeen [isagoo hawshiisii wata] markuu maqlay waxa ku qoran dokumentiga, inta uu ka dhuftay dokumentigii ayuu candhuuf ku tufay oo masaxay wixii ku yaallayba [ gebi ahaanba khadkii lagu qoray ayuu masaxay].  Cuyeynah Bin Xasan iyo Al-Caqra’a Bin Xaabis arrintaas way ka cawdeen waxayna yidhaahdeen wax aan wanaagsanayn.

Cumar wuxuu ku yidhi Cuyeynah Bin Xasan iyo Al-Caqra’a Bin Xaabis, “Rasuulka Ilaahay (scw) wuu idiin naxariis badnaa, Islaamkuna wuxuu ahaa daciif xilligaas. Ilaahay immika Islaamkii wuxuu ka dhigay mid quwad weyn leh, markaa kala foofa oo shaqa taga. Ilaahay waxaan idiinka baryaya inaydaan guulaysan haddii aad xoolihiina daaqsiisaan dhulkaas!”

Nimankii waxay u tageen Abu Bakar markaasay bilaabeen inay dacwoodaan, iyagoo leh, “Wallaahay, ma kala garanayno inaad adigu tahay kii nebiga [csw] jagadiisa dhaxlay [khaliifa] iyo inuu Cumar yahay.”

Abu Bakar wuxuu ugu jawaabay, “Maya, [Cumar] wuu qaadan karayey jagadan [khalifa] haddii uu doonayo,”

Waxa markaa yimi Cumar oo cadheysan. Wuxuu dul istaagay Abu Bakar markaasuu ku yidhi, “Bal wax iiga sheeg dhulkan aad labadan siisay. Ma dhulkaagaakiibaa mise waa dhul ay leeyihiin muslimiinta oo dhan?”

Abu Bakar wuxuu ku jawaabay, “Maya, ee waa dhul ay muslimiinta oo dhami wada leeyihiin.” Cumar wuxuu markaa yidhi, “Oo maxay ku dhacday in labadaa nin oo keliya aad siiso oo aad muslimiinta oo dhan aad u wada siin weyday?”

Abu Bakar wuxuu ku jawaabay, “Waxaan la tashaday kuwan igu xeeran waxayna igula taliyeen sidaas.” Cumar wuxuu yidhi, “Haddaad kuwan kugu xeeran aad la tashatay, miyaad la tashatay muslimiinta inteeda kale, mase ku faraxsanyihiin [qanacsanyihiin] go’aankaas [aad gaadhay].”

Abu Bakar (radiyallaahu canhu) wuxuu ku yidhi Cumar, “Waan kuu sheegay [Cumarow] inaad shaqadan aniga igaga habboon tahay, laakiinse adigaa sidaa ku adkaystay.”

Dhacdadan waxay si cad oo aan mugdi ku jirin u muujinaysaa sidii Khulafaa’u Raashidiinku wax u xukumi jireen oo ah mid ku salaysan Shuura [Wada tashi].

Waxa kale oo ay muujinaysaa in AbuBakar oo qabtay jagadii Rasuulka Ilaahay (scw) inuu jeclaa oo mar kasta diyaar u ahaa inuu dadka muslimiinta ah la tashado wixii iyaga khuseeya ama ha yaraadaan ama ha weynaadaane oo aanu marnaba gaadhi jirin go’aan aanu walaaladii kala wada tashan.

Warbixintan aynu xagga sare ku soo sheegnay waxay si cad u muujinaysaa in go’aan kasta oo la gaadhayo oo khuseeya ummadda inuu noqodo mid wada-tashi ballaadhan laga yeesho; waana sababta Abu Bakar Sidiiq uu dib uga noqday go’aankii uu gaadhay markii hore, inkastoo uu haddana isagu ahaa hoggaamiyaha dunida islaamka oo dhan. Waa sawir muujinaya sida wada-tashiga ama talo-wadaaga loogu baahn yahay, kaasoo ku qotoma qaab-dhismeedka amarada Ilaahay iyo sida loo kala xukumo wixii xalaal ah iyo wixii xaaraan ah.]

Waxa halkaa inooga cad sida la doonayo in loo maamulo hantida ummadda ka dhaxaysa.

Su’aasha haddaba u baahan in la is-weydiiyo waxa weeye: Siilaanyo ma xoolo ay aabihii iyo hooyadii ku soo tabceen ayuu iibiniyaa? Ma xoolo uu dhaxal u helay ayuu iibinayaa? Mise hanti u dhidhidkiisa ku soo shaqeystay ayuu iibinayaa? Jawaabta waa maya. Haddaba, halkuu ka keenay awoodda ah in xoolaha ummadda muslimiinta ah oo dhan ka dhaxeeya inuu ka iibiyo dhowr shakhsi oo ay isku ehel yihiin ama xulafo ka dhaxeyso? Dulmiga iyo qaraabo-kiilku waa xaaraan waana wixii laga dagaalamay.

Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenkuba way dulmeen ummadda muslimiinta ah ee reer Somaliland. Ilaahayna ma jecla dulmiga. Dhaarta kitaabka Quraanka ah ee ay ku dhaarteena way jebiyeen ee ah inay ummadda Somaliland dhexdhexaad u noqdaan. Kuwa iibsaday ee maalkoodii geliyey warshaddaana iyaguna ma guulaysanayaan waayo sifo aan bannaanayn ayey xoolihii ummadda muslimiinta ah ka dhaxeysay ku iibsadeen.

Madaxweynuhu ha kala tashado go’aamada noocan oo kale ah culumada aqoonta u leh quraanka iyo sunnaha nebiga (csw) iyo kuwa Alla ka cabsiga qalbigoodu ku jiro. Kuwaasaa taladooda meel lagu gaadhi karaa.

Reer Axmed Dhagax qaylo badan ayey ka dhigeen iibinta warshaddan laydhka. Haddaba haddii ay qayladoodu la xidhiidho maxaa annagana saami nalooga siin waayey warshadda iyaguna daalimiin kale ayey noqonayaan oo kuwaa iibsaday warshadda la mid ah, haddiise ay ku doodayaan warshadda laydhku waa hanti ummadda oo dhan ka dhaxaysa ee yaan la iibinin, xaq bay ku taagan yihiin waana in la isku garab taagaa.

Siilaanyo, Seylici, Dahabshiil Iyo Maxamed Aw Siciid waxaan leeyahay:  Kala doorta sida Ilaahay jecel yahay iyo sida aad idinku jeceshihiin.

Adam Madar

London, UK

adammadar@yahoo.com