Qisas Uu Nebi Muxammed (SCW) Ka Sheekeeyey: Qoys Uu Qabrigoodii Udgoon Isu Beddelay (Q:2aad)

0
640

Inantii yarayd: Oo weli u haysata in gabadhani ay aabaheed ammaanayso, maadaama oo aanay iyadu aqooninba in uu Alle aan aabaheed ahayni jiro ayaa tidhi, “Waan ku gartay, aabahay ayaad u jeeddaa”

Gabadhii: Maya..! waxa aan u jeeda Allaah, oo Rabbi u ah, Aniga, adiga iyo Aabahaaba.

Inantii yarayd: Iyada oo cadhaysan ayaa aey tidhi, “Waa maxay waa aad ku hadlaysaa?

Gabadhii: Iyada oo si deggen u hadlaysa aya ay tidhi, “Aabahaa, waa bashar aniga iyo adiga oo kale ah, ma jiro wax uu dheer yahay dadka, ragga kale ayaa uu la mid yahay, oo sidooda ayaa uu wax cunaa  oo uu cabbaa, Seexdaa oo uu toosaa, Bukoodaa oo uu caafimaadaa. Waa Makhluuq. Hooyo, Ha ku dagmin muuqaallada beenta ah iyo khiyaamada. Inantii yarayd oo ka cadhaysan gabadhii ayaa ku tidhi, “Haddii aad ka noqon weydo waxa aad ku doodayso, Aabbo ayaan kuu sheegayaa.

Gabadhii: Abbahaa haddii uu qiri waayo Ilaahay, iskana weyneeyo maalinta Qiyaame rumaynteeda, hoog iyo halaag ayaa aakhiro sugaya.

Warkii waxa uu gaadhay Fircoon, isna cadho ayaa uu is-madax maray, isaga oo kibir sanka ka hadlaya ayaa uu go’aansaday in uu arrinkan wax ka qabto, kadib waxa uu u yeedhay gabadhii timaha feedhi jirtay, waxaana dhex martay sheekadan;

Fircoon: Ma run baa waxa ay inantaydu kaa sheegaysaa?

Gabadhii: Haa… Boqoroow, waa run.

Fircoon: Isaga oo hanjabaya ayaa uu yidhi, “Ma Ilaah aan aniga ahayn ayaad leedahay?

Gabadhii: Aniga iyo adiguba waxa aynu leenahay Rabbi ah ka samada abuuray tiir la,aan.

Fircoon: Haddii aad ka noqon weydo, waan ku dilayaa..!

Gabadhii: Naf waliba ajal ayaa  ay leedahay oo ay dhimanaysaa, xagga rabbina waa loo wada noqonayaa.

Fircoon: Ninkaagunu ma sidaada oo kale ayaa uu iga gaaloobay?

Kadib inta ninkeedii la soo qabtay ayaa la weydiiyey, Fircoon hortiisa ayaa aanu ka qiray, In aanu jirin Ilaah Xaq lagu caabudo oo aan ahayn ALLAHA Weyn ee xaqa ah. Fircoon waxa uu go’aansaday in uu dilo Qoyskan, waxa uu amray in god weyn lagu shido dab fara badan oo xaabo looga dhigay Bir iyo Naxaas (Laxaamad), si marka uu isla bislaado loogu rido qoyskan, ka gaaloobay Ilaahnimada Fircoon ku andacoonayo.

Markii ay lammaanahan Iimaanka qabaa xaqiiqsadeen in ay Fircoon dhab ka tahay in uu dilo, weliba la joogo waqtigii uu godku diyaar u ahaa in lagu rido, ayaa ay ku yidhaahdeen Fircoon, “Waxa aanu kaa codsanaynaa, shay keliya”

Fircoon: Waa maxay waxa aad iga codsanaysaan?

Qoyskii: Waxa aanu kaa codsanaynaa in lafahayaga iyo wixii hilbo naga hadha aad ku wada aasto xabaal keliya naguna kafanto isku maro keliya.

Fircoon:  In kasta oo aad iga gaalowdeen, haddana aniga oo xeerinaya muddadii dheerayd ee aad sida fiican igu adeegteen, waan idinka aqbalay dalabkiinaa.

Waxa godkii dabka ahaa lagu hor riday ninkii, wax baqdin ah muu qabin waxa aanu ku dhawaaqayey, digriga Ilaahay. Gabadha lafteeduna sidoo kale, lagama arkin wax naxdin ah, laakiin sida markii dambe la fahmay waxa ay waxoogaa ka warwartay in ay dabka kula dhacdo ilmo yar oo ay dhashay oo ay xambaarsanayd.

Arrinta mucjisada ah ee dhacdayna waxa ay noqotay in ilmihii yaraa uu hadlay, isaga oo ku leh hooyadii, “Sabir oo adkayso hooyo, Xaq ayaad ku taagan tahay ee dabka ha ka baqin, Caddaabka aduunyo ayaa ka fudud ka aakhiro”

Sidii ayaanay ugu dhiiratay, waana kaas qabrigoodii udgoonka uraya illaa maalinkaas Nebi Muxammed looga sheekaynayey. Oo aynu garanayno waqtiga dheer ee u dhexeeyey isaga iyo Fircoon. Dhammaad