Meherrada Ugu Yaabka Badan Ee Dunida Ka Dhacay Muddooyinkii U Dambeeyey (Q:2aad)

0
1764

Hargeysa (Geeska)- Mar kasta oo ay dunida sii casriyowdo waxaa ku soo badanaya dhacdooyinka ku lammaan isbeddelkaas nololeed ee marka ugu horreysa qofka maskaxdiisa ku noqonaya u qaadanwaaga, Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan uu soo turjumay ku soo bandhigayaa qaar ka mid ah meherrada ugu yaabka badan ee dunida ka dhacay muddooyinkii u dambeeyey:

3. Mawqif geesinnimo iyo karaamo leh: Wiil u dhashay dalka Yemen ayaa si geesnimo leh ugu go’aan qaatay in aanu ka noqon gabadh u doonanayd oo lagu sameeyey qalniin lagaga saaray ilmo-galeenka.

Ninkan oo sida la sheegay gabadhan uu xidhiidh aad u adag oo jacayl u dhexeeyey, laakiin nasiib darro markii la gaadhay waqtigii uu diyaarka u ahaa in uu guursado ayaa inanta qoyskeedu ay ku xidheen shuruudo aan caadi ahayn, kuna kaceen tallaabooyin badan oo ku sigtay in ay caqabad ku noqdaan hirgelidda guurkaas, laakiin hal-adaygga wiilkan iyo qoyskiisa oo ku garab taagnaa dadaalka uu ku doonayo gabadhan ayaa u sahlay in uu fuliyo dhammaan shuruudihii kala duwanaa iyo taakooyinka qoyska inanta kaga imanayey.

Cidina ma’ sii ogaan karto waxa uu Qaddarku u soo wado, markii wiilkan iyo inantan la isu ogolaaday ee ay ku jiraan xaalad doonanaanta ee ka horreysa meherka rasmiga ah oo ah fursad lammaanaha iyo qoysaskooduba aad isugu sii bartaan oo ay Carabtu si aad ah ugu dhaqanto, ayaa waxaa si kedis ah u timid xaalad caafimaad oo aan cidina hore ugu sii ogeyn inanta, talada keliya ee uu dhakhtarkii bixiyeyna waxa ay noqotay in laga saaro Makaanka, si nolosheeda iyo caafimaadkeeda mustaqbalka loo badbaadiyo.

Sidii ayaa la yeelay, kadib qoyskii inanta oo aad uga khajilsan dhibaatayntii ay ku sameeyeen wiilka inanta calmaday, kana baqo qaba in uu halkaas kaga noqdo oo inantiina ku niyad jabot ayaa ergo ugu yimi wiilka iyo qoyskoodii waxa aanay u sheegeen in meherkii xad dhaafka ah ee ay ka qaadeen dib u soo celinayaan, shuruudo kale oo ay ku xidheen marka horena ka noqonayaan ama dabcinayaan, isagana ay ka dalbanayaan in aanu ka noqon guurkii.

Wiilkii inanta calmaday markiiba go’aanka uu qaatay waxa uu noqday in aanu shuruuddii iyo meherkii midna ku noqonayn, inantana sidii hore qorshuhu u ahaa guursanayo, oo uu weli jecel yahay.

4. Meherkii ayaa uu ku bixiyey lacag uu gabadha aabaheed ka soo xaday: Wiil u dhashay dalka Mauritania ee waqooyiga-galbeed ee Afrika, ayaa gabadh ay ilma’ adeer yhiin oo uu muddo la haasaawayey balse jeeb xumo ka hortaagnayd guurkeeda, aakhirkii ugu soo geed fadhiistay lacag dadkii dalkaas ee maqlay oo dhan ku noqotay la yaab, badnideeda awgeed. Sidoo kale meherka uu gabadhan ka bixiyey oo ahaa 500 giraam oo dahab ah, qaddimaadna uu ku bixiyey ayaa isaguna noqday qiso dadku aad u hadal hayaan, maadaama oo aan la xasuusnayn muddo meher intaas le’eg oo hablaha deegaankaas lagu guuriyey.

Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay, in markii hawshii meherka iyo arooska oo la is raaciyey dhammaadeen, uun laga war helay in wiilkani uu lacagtan xad dhaafka ah ka soo xaday shirkad uu lahaa inantan uu guursaday aabaheed, oo ahaa adeerkii.

Laba maalmood kadib guurkan, ayaa uu inanta aabaheed dib ugu noqday shaqadiisii shirkadda, laakiin markiiba waxa uu tebey in xisaabta shirkaddiisa ee bangiga ay ka maqantay lacag aad u badani. Baadhitaan kadibna waxaa u caddaatay in lacagtaas uu qaatay wiilka uu soddogga u noqday ee uu walaalkii dhalay, oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda, kadib markii uu fahmay saxeexa adeerkii lacagta kula baxo. Dhammaad