Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Kamaal A. Cali…. Qaybta 9aad

0
605

Sannadkii 1841kii, madaxweynihii la doortay ee Maraykanka, Willaim Hennry Harrison oo ahaa madaxweynihii Sagaalaad ee Maraykanka, ayaa 31 Maalmood markii uu xilka hayey geeriyooday.

Harrison bishii xilka loo dhaariyey oo ahayd bisha saddexaad ee sannadkaas 1841 aad ayaa ay cimiladu u xumayd, sida caadiga ahna xafladda waxaa lagu qabtaa goob fagaare ah oo ay adag tahay in adkaysi loo yeesho wixii dhibaato ah ee dhinaca cimilada ka jira, sida roobka iwm, weliba xilliyadaas oo nolosha iyo dhismaha Maraykanku weli yagleel ahaa. Harrison waxa uu xilka ku qabtay da’ weyni (68 sano), sidaa awgeed hubaal ayaa ay ahayd in aanu u adkaysan Karin cimilada xun ee jirtay, laakiin isagu waa uu diiday in uu hu’ iyo gabbood ka dugsado dhaxanta xad dhaafka ah ee dhacaysay. Warar kala duwan ayaa laga sheegaa xaaladda caafimaad ee madaxweyne Harrison uu u dhintay 31 cisho oo uu madaxweyne ahaa kadib, waxaa ka mid ah xaaladda ay qormadani soo qaadatay ee sheegaysa in laga raacay cimiladii xumayd iyo qabowgii darnaa ee uu dhex taagnaa maalintii caleemo saarkiisa isaga oo diiday in uu hu’ ku habboonka dugsado. Waxa se’ jira warar kale oo sheegaya in uu marka horeba bukay.

Madaxweyne Harrison waxaa gashay dhaxan, waxa aana lagu arkay in caabuq ay ku keentay oo sababka ku dhacay uu ahaa xaaladda caafimaad darro ee uu u dhintay.

Harrison oo hore sarkaal Milateri u ahaan jiray ayaa noqday madaxweynihii Maraykanka ugu horreeyey ee isaga oo xilka haya dhinta, sidaa awgeed dhimashadiisu waxa ay dhalisay muran dhinaca dastuurk ah, tusaale ahaan waxa aanu dastuurku si cad u sheegayn qaabka marka bixitaan kedis ah uu madaxweynuhu xilkaga kaga tago, gaar ahaan uu dhinto, sida loo buuxinayo jagada uu banneeyey, waxa aana ka dhashay muranno badan oo dastuuri ah iyo su’aalo muddo dheer madow badan geliayey dastuurka Maraykanka illaa wax ka beddel lagu sameeyey Hal Qarni iyo badh markii laga joogay (126 sano) dhimashadii Harrison, dib u habayntaas iyo wax-ka-beddel iyo kaabista lagu sameeyey dastuurku waxa ay dhacday sannadkii 1967kii.

Harrison wiil uu awoow u ahaa ayaa noqday madaxweynihii 23 ee dalka Maraykanka Benjamin Harrison, kaas oo xilka hayey intii u dhexeysay 1889 illaa1893kii.

Arrinta xiisaha gaarka ah leh ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Harrison ayaa ah qaabkii ay dhakhaatiirtii la tacaalaysay xaaladdiisa caafimaad u daweeyeen iyo dawooyinkii la isticmaalay. Dawada ugu badan ee ay dhakhaatiirtii madaxweyne Harrison kula tacaaleen waxa ay ahayd Maandooriyaha Afiyoonka (Opium) loo yaqaanno. Maadaama oo aanay xilliyadaas jirin dawada Antibaayootigga (Antibiotic) oo la ikhtiraaacay 100 sano kadib geeridii ninkan.

Madaxweynihii khudbaddiisii Caleemo saarku badbaadisay

 

Haddii khudbaddii dheerayd ee uu xafladdii caleemo saarkiisa ka jeediyey Harrison sabab u noqotay in uu waqti badan ku sii nagaado fagaarihii uu ka helay qabowgii noloshiisa galaaftay, waxaa jira madaxweyne kale oo isagu ku badbaaday khudbad uu fagaare ka jeediyey.

Waa madaxweynihii 23naad ee Maraykanka Theodore Roosevelt oo taariikhyahanadu ku calaamadiyaan in uu ahaa madaxweynihii horumarka ee muddadii uu xilka hayey ee u dhexeysay 1901 illaa 1909 dalka dhaqaalihiisa iyo horumarkiisa guudba aad kor ugu kiciyey.

Muddo markii uu Roosevelt ka sii maqnaa xilka madaxweynaha Maraykanka ayaa mar kale uu damac ka galay in uu xilkan isu soo sharraxo isaga oo taageero aad u fiicanna ka haystay rag ka mid ah xisbigiisa Jamhuuriga, waxa aanu damcay in uu murashaxnimada xisbiga kula tartamo William Taft. Intii uu Roosevelt ol’olahan dambe ee xisbiga dhexdiisa ahaa ku jiray, ayaa mar uu booqasho ku tegey magaalada Milwaukee oo ah caasimadda gobalka Wisconsin ee dalka Maraykanka, isaga oo khudbad ka jeedinaya fagaare taageerayaashiisu isugu yimaaddeen waxaa la isku dayey in la khaarajiyo.

Nin ku soo dhex dhuuntay dadka dhegeysanayey oo tiro badnaa ayaa baastoolad laabta kaga shiishay Roosevelt, laakiin ajashiisa Ayaan dhammaan oo si kedis ah ayaa uu mar keliya inta uu jeebka kala soo baxay warqad khudbad aad u dheeri ugu qornayd uu dhinac isu barbariyey, rasaastii ku soo maqaydna ay ku dhacday warqaddii uu gacanta ku hayey, halka isagana dhaawac fududi ka soo gaadhay.

Ninkii isku dayey in uu Roosevelt dilo ayaa markii uu booliisku waraysanayey ku dooday in ruux kasta oo mar saddexaad in uu isu soo sharraxo madaxweynenimo doonayaa uu mudan yahay in uu dhinto. La soco………..