Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Kamaal A. Cali…. Qaybta 6aad

0
793

Alice Roosevelt oo ahayd gabadh uu dhalay madaxweynihii 26naad ee Maraykanka Theodore Roosevelt ayaa iyaduna guriga Cad ee Maraykanka keentay abeeso weyn oo kula noolayd muddadii uu aabaheed xilka hayey oo ahayd intii u dhexeysay 1901 illaa 1909kii. Alice oo markii aabaheed xilka qabtay da’deedu ahayd 17 sano jir, abeesadeedan waxaa lagu magacaabi jiray Emily Spinach sababta Spinach oo khudradda (Caleenta) Koostada ah ay ugu doortayna waxa ay ahayd abeesada oo midabkeedu cagaar ahaa, halka magaca Emily ay ka keentay magaca eedadeed Emily oo ahayd gabadh aad u dhuuban, soodaa awgeed ay dhuubnideeda ku mesaalaysay dhuubnimada abeesadan. Xusuus-qorka Alice oo ay Al-Carabiya heshay ayaa isaguna sheegaya in Walaasheed Quentin oo iyadana dabcan uu dhalay madaxweyne Roosevelt ay iyaduna guriga Cad keentay afar mas, waxa aana la sheegay maalin maalmaha ka mid ah uu masaskan mid ka mid ahi gudaha u galay xafiiska madaxweynaha oo markaas shir kula jiray masuuliyiin sare oo xukuumaddiisa ah. Arrinta xiisaha lihina waxa ay tahay in markii masuuliyiintani ay arkeen maska in cabsi iyo naxdin ay kadinka boobeen.

Obama Madaxweynihii ugu faqiirsanaa ee xilka Guriga cad ka taga

Barak Obama waxa uu xilkaka tegey isaga oo haysta hanti dhan 7 Milyan oo doolar, iyo hal guri oo lacagtii uu ku iibsaday weli lagu leeyahay. Gurigan oo ku yaalla gobalka Chicago waxa uu Obama ka qaatay bangi, waxa aanu heshiisku yahay in uu muddo 30 sano ah hafto ku bixiyo lacagta guriga oo la saaray dheef-kor dhan boqolkiiba 5.62 doola.

Warbixin maaliyadeed ka soo baxday Guriga Cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxweynihii dhowaan xilkiisu dhammaaday ee Barak Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama ay haystaan hanti maaliyadeed oo lagu qiyaasay inta u dhexeysa 1.8 Milyan illaa 7 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, waxa aana lacagtaas ku jira qiimaha guri keliya oo uu Obama leeyahay, qiimihiisana lagu qiyaasay Hal Milyan oo doolar.

Warbixin maaliyadeed ka hadlaysa haynta madaxweynaha xilka ka tegey oo caado ahaan uu Guriga Cad soo saaro mar kasta oo uu madaxweyne xil ka degeyo ayaa lagu sheegay in Obama Guriga uu leeyahay deyn ahaan kaga qaatay mid ka mid ah bangiyada guryaha dhisa ee sii iibiya, waxa aanu gurigan deynsaday markii uu dhowr sano madaxweyne ka ahaa dalka Maraykanka oo lagu tilmaamo in uu dhaqaalaha caalamka saddex meelood meel gacanta ku hayo, isla markaana yahay dalka ugu dhaqaalaha badan dunida. Warbixintan ayaa sida nidaamku yahay marka hore loo gudbiyey madaxweyne Obama si uu u saxeexo kadibna la baahiyey, si hadhow haddii hanti intaas ka duwani u soo baxdo isaga oo aan shaqo kale ama ilo dakhli oo kale helin dib looga daba iman doono si loo weydiiyo sida ay ku dhacday.

Madaxweyne Obama oo sida muuqata ay ka dhaqaale badan yihiiin kumannaan muwaadiniinta dalkiisa ah ayaa marka la eego hantidan yar ee uu haysto, waxa uu ka mid noqonayaa liiska madaxda dunida ugu faqiirsanayd markii ay xilka ka dageen.

Warbixintu waxa ay sheegtay in sanduuqa hawlgabka ee qofku marka uu shaqada ka fadhiisto lacagta Bisilka loo yaqaanno laga siiyo ay Obama iyo afadiisa ugu jirto lacag udhexeysa100 kun oo doolar illaa 250 kun oo doolar.

Warbixintan Guriga Cad kasoo baxday oo ka koobnayd Siddeed bog, waxaa lagu sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Jo Biden uu haysto maaliyad u dhexeysa 120 Kun oo doolar illaa 550 kun oo doolar, dhammaanteedna ah Naqad u yaalla akoono bangiyo maalgashi, iyo caymisyo kala duwan.

Waa imisa Lacagta uu Obama dawladda ka qaadan doono xilkii kadib

Barak Obama oo ah madaxweynihii 44 ee dalka Maraykanka, da’diisuna 55 sano jir tahay, waxa uu diiwaanka Maraykanka ee shaqaalaha heer federaal ugu jiraa in uu yahay hawlgab, maadaama oo uu Siddeedii sano ee u dambeeyey dalkiisa ugu soo shaqeeyey madaxweynenimo, waxa aanu hawlgab ahaan ku mutaysan doonaa in sannadka soo socda la siiyo lacag dhan 207.8 kun oo doolar, taas oo u dhiganta kala badh lacagtii musaharka madaxweynenimo ee uu sannadkii qaadan jiray.

Obama iyo madaxweyne kasta oo xilku ka dhammaado dalka Maraykanka waxa uu sidoo kale sharcigu u ogol yahay in toddoba bilood oo ka dambeeya marka uu xilka ka dego, la siiyo adeegyo lagu magacaabo adeegyada xilliga kala guurka oo looga jeedo in madaxweynaha xilka ka dega la garab istaago oo adeegyo kaalmo ah la siiyo inta uu nolosha muwaadinnimada caadiga ah la qabsanayo.

Dhinaca kalana maadaama oo uu madaxweynaha Maraykan dastuur ahaan yahay taliyaha guud ee ciidama qalabka sida waxa uu xeerka ciidamada hawlgabka ah ku helayaa xuquuq kale oo ka duwan kuwa uu madaxweynenimada ku helayo, waxa aana ka mid ah in marka uu xilka ka tago, inta noloshiisa ka hadhay la siiyo adeeg amni iyo ilaaliyeyaal gaar ah, sidoo kale waxaa la siinayaa caawimo maaliyadeed oo ah dhinaca safarrada, xafiiska uu samaysto kharashka ku baxaya, kharashka isgaadhsiinta, iyo kharashka caafimaadkiisa ku baxaya. Adeegyadaas oo aanu ku helayn xilka madaxweynenimo ee uu soo qabtay, isla markaana aanu xuquuqda maaliyadeed ee uu hawlgabka xilka madaxweynenimo ku helayaa uu ku kooban yahay Toddobada bilood ee u horreeya oo keliya.

Kharashaadka uu madaxweynaha xilka ka tagaa taliska ciidamada qalabka sida kaga helayo xilkiisii ahaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa gaadhaya boqollaal kun oo doolarka Maraykanka ah sannadkii. La soco…………