Dawladda Ayaa Qiimo-Dhaca Ku Keentay Shillinka Somaliland! Yaasiin Calase

0
899

“In uu qiimo-dhaco shillinka Somaliland, waxa kaw ka ah dawladda. Sababta oo ah iyada ayaa diiday in ay isticmaasho. Oo ka door biday Dollar-ka”.

1

Dawladdu waxa ay ka kooban tahay saddex haayadod oo muhiim u ah habsami u socodka nidaamka dawladnimo kuwaas oo is dheeli tiraya. Sidoo kalana isla xisabtamaya. Waxaana ay kala yahiin (Fulinta, Sharci Dajinta iyo Garsoorka). Fulintu waa qaybta ugu muhiimsan nidaamka dawladnimo. Fulintuna waxa ay hawlaha qaranka u fulisa si ay ugu adeegto Shacabka/muwaadinka. Waxaana ay ka kooban yahiin haayadu u abaabulan ama u igman shaqooyin gaar ah. 

Hadaba marka ay timaado arinta qiimo-dhaca lacagta wadanka iyo marka ay timaado sicir barar uu keeno qiimo-dhaca lacagta wadanku. Arinta waxa u qaabilsan xukuumadda BAANKA DHEXE. tahayna in uu wax ka qabato.

Baanka Dhexe aya masuul ka ah lacagta dalka. Haday noqoto, soo daabicidda lacagta ama lasocodka lacagta suuqa ku jirta. (Loanable fund). Iyo dheeli tirka suuqa lacagta (Baahida iyo Baahi-tirka lacagta) (Supply and Demand for money).

Marka ay howsha Baanka Dhexe sidaa tahy. Waxaad mooda in Baanka Dhexe ee Somaliland aanu qaban dhamaan shaqooyinka aynu kor kusoo sheegnay, oo ay ahayd in uu qabto. Lakiin waxa uu noqday oo kaliya meel lacagta lagu xareeyo oo hadana laga soo qaato. (QASNADA DAWLADEED).

Waxaana hawshiisi haya cid kale. Sida Wasaaradda Maaliyadda oo iyadu caadaysatay soo daabicidda lacagta shillinka Somaliland. Waxaana sanadadhii 2012, 2013, 2014 iyo 2015 ay Wasaaradda Maaliyaddu soo daabacday. (180 Billion). Oo miisaaniyad kasta afarta sano waxa ku jiray 45 Billion oo Somaliland Shillin ah oo lasoo daabacay.

Dhanka kale marka ay noqoto in suuqa lacagta wax laga qabto. Sida qiimo-dhaca shilinka ku yimid. Waxaad arkaysa iyado oo golaha wasiiradu kulan dag dag ah ka galayaan arintaas.Oo ay go’aamo kasoo saarayaan wax lagaga qabanaayo qiimo-dhaca shillinka. Kaaga darane uu gudomiyahii BAANKA DHEXE ee shaqadiisa ay ahayd in uu arinta wax ka qabto ama amar kasoo saaro uu leeyahay sidii uu yahay cidamadii amniga Police. “Waxaanu fulinayna amarka golaha wasiiradda”! “Miyaanay ahayn, in aynu Tamaandho beeranayno oo aynu doonayno timir in ay inoo soo baxdo?”

Dhibta ugu badan ee keentay qiimo-dhaca shillinka waxa keenay dawladda Dhexe (Xukuumadda). Gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda. Oo iyadu soo daabacda lacagta, sida aynu kor kusoo sheegnay, halkii uu Banka Dhexe ee Somaliland ka soo daabici lahaa hadii loo baahdo. Waxaad ka arki karta Shaxda sawirka hoose.