Qisada Nin Gurigiisa Hoostiisa Ka Helay Magaalo Jirtay 5000 Oo Sano Ka Hor

0
583

1Ankara (Geeska)- Nin u dhashay dalka Turkiga ayaa si kedis ah gurigiisa hoostiisa uga helay magaalo taariikhi ah oo aasantay. Ninkan oo dayactir ku samaynayey qol Istoodh u ahaa gurigiisa oo dhulka hoostiisa ugu yaallay ayaa si lama filaan ah u helay qol dhulka hoostiisa ah, taas oo ku dhiirrigelisay in uu hore ugu sii socdo qolkan oo ku hoggaamiyey jid dhulka hoostiisa mara, oo markii uu dhowr mitir hore u galay geeyey wax u eeg magaalo oo dhulka hoostiisa ah.

Wargeyska Metro ee ka soo baxa Ingiriiska oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegaya in warbixinaha horudhaca ahi sheegayaain in magaaladan hore loo helay sannadkii 2012ka, laakiin imika markii la barbar dhigay badka ay ku fadhido magaalada uu ninkani helay la ogaaday in inta berigaas hore la helay ay noqonayso uun saddex meelood marka loo qaybiyo meel ahaan, arrintaas oo soo jiidatay xiisaha culimada baadha aataarta. Marka la eego halka ay ku taallo magaalada qaybteeda uu imika ninkani helay, waxaa la aaminsan yahay in intan ay ka sii weynaan karto oo weli qaybo kale qarsoon yihiin. Baadhitaanno ay ku sameeyeen cimrigeedana waxa ay xeeldheerayaashu ku qiyaasayaan in la dhisay casrigii Imbaraadooriyaddii Byzantine oo jirtay intii u dhexeysay 395kii illaa 1453kii taariikhda miilaadiga ay u soo fidday dhinaca bariga. Waxaana loo malaynayaa in sababta magaaladan dhulka hoostiisa looga dhigay ay ahayd cabsi ka dhalatay dagaalladii diiniga ahaa ee xilligaas deegaankan ka jiray.

Cilmibaadhayaashu waxa ay illaa hadda ogaadeen in dadka magaaladan ku noolaan jiray muddo hadda laga joogo 5 kun oo sano in lagu qiyaasayo 20 kun illaa 50 oo ruux, sidoo kale waxa ay aaminsan yihiin in ay dadkani haysteen diinta Kiristaanka, iyaga oo taas u cuskanaya Mucatabyo laga helay dhisme u eeg kaniisad oo magaaladan ku dhex yaalla.