Geeska Afrika Oo Helay Xogo Isku Xidhaya Safarka Ay Wasiirrada A. Dibadda Iyo Madaxtooyada Somaliland Iyo Wasiirka Arriamha Gudaha Ee Soomaaliya Ku Tageen Turkiga

0
535

Istanbul (Geeska)- Waxaa maalintii dorraad ee Axaddii magaalada Hargeyska ka ambabaxay wasiirrada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada oo si ka duwan sida inta badan looga bartay waftiyada miisaankan leh aan laga war helin ujeedka safarkooda iyo halka uu ku jihaysan yahay, waxase durbadiiba soo baxay warar xaqiijinayey in labada wasiir ay u duuleen dalka Turkiga, iyo dareen ah in uu safarkani xidhiidh la leeyahay wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ka socon jiray Turkiga oo dib loo bilaabaya kadib markii ay muddo hal sano ka badan hakad ku jireen.

1

Isla dorraad waxaa isna dalka Turkiga safar aan ujeedkiisa la shaacin ugu ambabaxay wasiirka arrimaha gudaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanaa maamul u samaynta gobolka Hiiraan ee Soomaaliya, balse, si kedis ah uga soo noqday magaalada Jowhar oo uu shaqo u joogay si uu safarkan Turkiga ugu baxo. In kasta oo uu wasiirku kelidii safrayey, Geeska Afrika uma ay suurtogelin in uu ogaado in ay jiraan masuuliyiin dawladdiisa ah oo ka sii horreeyey ama gaarkooda u safray si ay qayb uga noqdaan wafti uu wasiirku hoggaamiyo.

Warar xog-ogaal ah oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in uu jiro qorshe dawladda Federaalka ee Soomaaliya aad dabada uga waddo oo ah in ay wada hadalladii dib ula bilowdo Somaliland, arrintaas oo ay dawladda Turkiguna horeba uga shaqaynaysay.

Wararka uu Geeska Afrika helayo ayaa sheegaya in bilowga hore labada dhinac ay u kala dab-qaadi doonaan diblumaasiyiinta Turkigu, si ay dhinaca Somaliland ugu qanciyaan in ay si toos ah u wada hadlaan Soomaaliya, waxa aana la filayaa in haddii isaga dab-qaadistaasi guulaysato ay labada dhinac yeelan doonaan kulan rasmi ah, balse aan wax badan lagaga wada hadli doonin ee qorshuhu yahay uun in hakadkii la jebiyo oo uu astaan u noqdo in wada hadalladii dib u bilowdeen, si ballan cusub loogu qabto wada hadallada dambe.

Warar uu Geeska Afrika helayo ayaa sheegaya in damaca degdegga ah ee dawladda Federaalku ku doonayso in wada-hadallada hakadka laga saaraa uu la xidhiidho safar uu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo dalka Maraykanka si uu kulamo ula yeesho dawladda dalkaas iyo Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ordaya in dib loogu soo doorto xilka, kuna jira dadaal uu doonayo in uu ku qanciyo madaxda dalalka arrimaha Soomaaliya ku lugta leh, ayaa warka uu Geeska Afrika helay sheegayaa in uu doonay in dib u bilaabashada wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku darsado wax-qabadka iyo xogta uu la gole tegayo  ee uu doonayo in uu ku xoojiyo dadaalka qancinta ah ee uu la hortegi doono masuuliyiinta Maraykanka iyo Qaramada Midoobey. Isaga oo doonaya in uu u muuqdo ninka ku habboon ee dhamaystiri kara dadaallada Muqdisho iyo waxa ay ugu yeedhaan dib u soo celinta Soomaaliya midaysan.

Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo dhowr wareeg oo aanay midho ka soo bixin la isugu yimi ayaa joogsaday horraantii bishii March 2015 kii, kadib markii la isku mari waayey ergada ka socotay dhinaca Soomaaliya oo ay ku jireen dad isir ahaan ka soo jeeda Somaliland, halka ay Somaliland ku doodday in aanay hor fadhiisanayn dadkeeda oo qorshuhu ahaa in loo wada hadlo labada dhinac.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa socday dadaallo uu Turkigu doonayo in wada hadalladaasi dib u bilowdaan, waxa aanu dhowr jeer diblumaasiyiin arrintaas u socda u soo diray Somaliland oo ay la kulmeen masuuliyiinta qaranka.