Qisada Nin Buur Ay Xaaskiisu Ka Soo Dhacday Ka Aargoostay, 22 Sano Ayaa Uu Gacantiisa Ku Burburinayey

0
602

Delhi (Geeska)- Bilowga hore waa hubaal in ay malo-awaal iyo been u dhadhamayso, laakiin waxaa run ah in nin u dhashay dalka hindiya uu muddo 22 sano ah burburinayey, dhagxaantana ka soo gurayey buur ku taalla deegaankiisa si uu uga dhex banneeyo jid doc-ka-tuur ah, oo 5 Kiloomitir oo keliya ka dhigaya masaafada imika 55 kiloomitir ah ee marka hore loo mari jiray tuulaha ugu dhow. Qisadan cidi ma’ay aqoonin illaa ay shirkadda Filimada ee Hindiya Bollywood ka dhigtay filim lagu magacaabo, ‘Ninkii buurta’ taas oo dad badan bartay duruus la xidhiidha wanaagga ay leedahay in danta guud iyo samofalka dadka nafta loo huro.

1

Dashrath Manjhi oo u dhashay dalka Hindiya waa beer-qode faqiir ah oo ka xoogsada beeraha deegaanka uu deggen yahay oo buuraley ah, isaga iyo xaaskiisa Faljuni Devi waxa ay ku noolaayeen nolol nolol qarfe ah oo aanay helin aasaasiyaadka nolosha casriga ah ee maanta, sida biyo nadiif ah, laydh, dugsiyo waxbarasho iyo cisbitaallo, sida uu ku warramay wargeyska India Times oo qoray warbixintan uu Geeska Afrika turjumay.

Maalin maalmaha ka mid ahayd oo sidii caadada u ahayd uu sugayey in ay xaajiyaddiisu qadada ugu keento goobta shaqadiisa oo buurtan dhinaceeda kale ahayd, ayaa waxa ay u timid iyada oo xaalkeedu sidii hore aad uga duwan yahay. Kal iyo korba dhiig ayaa qariyey, dhaawacyo waaweynna waa ay qabtay. Iyada oo ka soo tallaabaysa jidka qarfaha ah ee buurta dusheeda ka soo gudboa ayaa ay dhagax ku kuftay (Turun-turrootay) kadibna buurtii ay ka soo giraan-girtay masaafad badanna hadba dhagax madaxa iyo meel kasta oo jidhkeeda ka mid ahi ku soo dhacaysay.

Dhakhtarka ugu dhow deegaankani waxa uu u jiray 70 kiloomitir, waana jid aad u dhib badan oo qarfe ah, oo buurtan dusheeda laga tallaabayo. Dad badan oo deegaankan ah ayaa u dhintay sababta masaafaddaas fog ee cisbitaalku u jiro iyo jidkaas dhibta badan ee aan dhayal looga gudbayn. Dashrath Manjhi intii uu xaaskiisa u sii siday rugta caafimaad ee ugu dhoweyd ayaa ay dhiig baxday oo ay dhimatay.

Dashrath Manhji markii uu xaaskiisa sidan foosha xun u waayey waxa ay ahayd sannadkii 1959kii, maalintii ay dhimatay ayaanu go’aan ku gaadhay in uu waajaho sidii uu xaaladda jid xumo ee deegaankiisa isagu wax uga qaban lahaa. Waxoogaa adhi ah oo uu lahaa ayaa uu iibiyey. Waxa aanu soo iibsaday madaraq, jigne, Shiine, iyo qalabka wax lagu qodo oo ah kii waayadii hore ee gacanta laga isticmaalayey, kadib waxa uu bilaabay shaqadii adkayd ee uu isku waajibiyey oo ah in uu jid ka dhex dillaaciyo buurtan.

Dashrath Manhji oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi, “Buurtaasi nafo badan ayaa ay galaafatay. Waxa aan u dulqaadan kari waayey xanuunka geeridii xaaskayga. Waxa aan go’aansaday in xitaa haddii ay noqonayso in noloshayda inta ka hadhay aan ku qaato, aan wado inta aan suurtogelinaya jid aan buurta ka dhex saaro”

Dad badan ayaa marka ay arkaan isaga oo buurtan kelidii qodaya waxa ay ku tilmaami jireen nin maskax ahaan aan fayoobayn, oo ku waashay buurtan, laakiin wax kasta oo lagu yidhaahdaa kama ay joojin dhamaystirka hawshan uu gacanta u qaaday, muddo 22 sano ah oo u dhexeysay sannadkii 1960 illaa 1982kii ayaa aanu ka daalin in uu buurtan qodo, dhagxaan waaweyn ayaa uu ka soo guray oo qaarkood uu dib u burburiyey si uu godadka isugu simo, aakhirkiina waxa uu ku guulaystay in uu sameeyo jid buruta kala jeexa oo masaafadii tuulaha ugu dhow loo marayey deegaankan ee hore u ahayd 55 kiloomitir imika ku soo koobay 5 Kiloomitir oo keliya.

Ninkan oo markii dambe aad loo mahadiyey shaqadiisa kuna caan baxay magaca ahaa, ‘Ninkii Buurta’ aakhirkii waxa uu 73 jir ku geeriyooday sannadkii 2007dii, waxa aanay dawladda dalka hindiya siku sharaftay billad iyo maamuus dheeraad ah, sidoo klae jidkan uu sameeyey oo badbaadiyey nolosha kumannaan qof masaafadda u dhexeysa deegaanka iy odhakhtarka ee yaraatay awgeed, ayaa loogu magac daray.

Filimka ugu caansan ee qisada Dashrath Manhji oo lagu magacaabo, Manhji- Ninkii buurta, waxa uu soo baxay bishii Ogos 2015kii waxa se’ jira filimo kale oo tiro badan oo sheekadan bulshada u noqon karta casharrada laga sameeyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Olave Mandara.