Cabasho: “Walaalkayo Oo Xabsiga Ku Jira Isagoo Xukunkii Dhammaystay” Deeq Sulub Xirsi

0
649

Aniga oo ah Deeq Sulub Xirsi degenna magaalada hargeysa waxaan ka cabanayaa walaalkay oo ahaa nin ganacsade ah oo ay dacwado aanu been u aragno ay ku oogeen ganacsatada Ilmo Indho-deer oo kaashanaya Dahabshiil iyo xukuumada. Walaalkayo wuu xidhanyahay.

Kiiskan lagu xidhay wuxuu ahaa madani waxa laga dhigay ciqaab. Kadibna waxa lagu xukumay 3 sanadood oo xadhiga (waana uu dhamaystay) waxaana uu jeelka ugu jiraa sanad iyo sideed bilood oo bilaa xukuna (Oo Dheeraad Ah) oo imikadan uu ku jiro jeelka.

Sidaas daraadeed  wax-wax u sheegana oo nala xisaabtamaaya oo nasoo hor fadhiisanaya ma jirto., ninkaas wax kiisa oo ku cadi ma jiraan, ragii eeda falayna mar kasta way I ag marmarayaan, maanta waxaan u sheegayaa raga ama nimankaa uu u xidhan yahay haddii ninkaa sjeelka naftu kaga baxdo inaan anigu u raacayo oo aan u hasyto labadaas ganacsade.

Allaa Mahad leh