Qisada Jacaylka Wiil Ka Tirsan Dawladda Islaamiga Ah Iyo Gabadh Sirdoonka Maraykanku U Diray In Ay Disho

0
1019

In badan ayaa aynu aragnaa ama maqalnaa jacayl isu gelayo lammaane, marka aad eegto kala duwanaanshiyahooda nololeed, dhaqan ama aaminsanaantooda dhinaca diinta, aad markaba xukumayso in uu yahay jacayl aan guul loo qorin. Waayo! inta badan jacaylka noocan ah ee aynu aragno in uu guulaystaa waa ka aynu kaaynu ka daawanno filimada jacaylka ah ama ka akhrinno buugaagta dunida cishqiga ka faalloota, waana sababta marka aynu qisaskan la akhirnno runta aynu mar kasta aragno ee u badan guuldarrada jacaylka, aynu u aaminno in jacaylku fashilaad ku xukuman yahay. Waa se ay dhacdaa in uu rumoobo jacayl aan hore guushiisa loo filayn.

Waxa la yaab leh in uu jacayl isu galo lammaane ka kala tirsan laba hay’adood oo dagaal furan oo aan la is bixinayn u dhexeeyo, weliba labada qof midkood shaqadiisuba tahay in uu kan kale soo khaarajiyo. Waa jacayl qofku marka hore u qaadanayo kuwa aynu ka soo warannay ee filimada iyo buugaagta lagaga sheekeeyo, laakiin xaqiiq dhacday ah.

Qisadan jacayl ee mucjisada ah oo ay shabakadda Al-Carabiya warbixin kooban ka qortay aynu afsoomaali u rognay:

Waxaa muddooyinkii dambe aad loo hadal hayey qisada dacwad maxkamadeed oo sheekadeedu dibadda u soo baxday. Waa qiso jacayl oo ka duwan jacayl kasta oo kale oo dunidan maanta laga yaqaanno. Waa jacayl abuurmay 3 sano ka hor oo isu keenay laba qalbi oo ku kala jira laba jidh oo aad u kala duwan. Waa heesaagii hore ee Jarmalka ahaa oo imika ka tirsan ururka dawladda Islaamiga ah qaybtiisa ka hawlgasha Suuriya iyo gabadh ka tirsan wakaaladda baadhista dembiyada ee federaalka Maraykanka.

Gabadhan caddaanka ah ee timaha cawlan waa basaasad ka tirsan FBI oo shaqadeeda koowaad ay tahay dabin-gelinta dadka liiska argagaxisada ugu jira Maraykanka ee ay doonayaan in ay ugaadhsadaan, laakiin shaqadii u dambaysay ee FBI u dirtay ay ahayd in ay dabinka ku soo riddo wiilkan madowga ah ee hore heesaaga u ahaa. Waa shaqada ku bilaabatay qorshaynta dilka wiilkan , ee ku dhammaatay xaflad aroos oo wiilkan iyo gabadhani qoys ku noqdeen.

Waa aroos mucjiso lagu tilmaami karo oo laba sano ka hor ay Daacish ku guursatay FBI magaalada Raqah ee woqooyiga Suuriya.

Gabadhan caashaqu helay waa Daniela Greene asalkeedu waxa uu ka soo jeeda dalka Jamhuuriyadda Jeek (Czech) oo ay ku dhalatay, kadib muddo ayaa ay ku noolayd dalka Jarmalka oo ay afka Jarmalka si fiican ugu baratay, kadibna waxa ay u wareegtay dhinaca dalka Maraykanka oo ay si rasmi ah u degtay, jinsiyadda Maraykankana qaadatay. Daniela waxa ay guursatay askari ka tirsan ciidamada Maraykanka, laakiin waxaa yaab leh in guurkaas hore oo weli taagan ay guursatay jacaylkeeda cusub ee dawladda Islaamiga ah u dagaalama.

27kii bishii Juun 2014-ka ayaa ay Daniela magaalada Raqah aroos ugu noqotay fannaanka heesaha Raabka caanka ku ahaan jiray oo inta uu diinta Islaamka qaatay, sannadkii 2013kii ku biiray ururka DAACISH qaybtiisa ka hawlgasha dalka Suuriya. Guurkaas ayaana ka dhigaya in Daniela ay mar keliya xaas u wada noqotay laba nin oo midina difaaco Maraykanka midina weerar ku yahay.

Waa ninkeedii hore ee ahaa askariga ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo heesaaga hore ee Denis Cuspert oo imika loo yaqaanno Abu Dalxa Al-Almaani. Waana qadiyaddan guursiga labada nin ta ay marka dambe ku kasbatay maxkamadda Maraykanka ah, kadib markii lagu soo oogay dembiyo ay ka mid tahay in ay dhowr nin wada guursatay iyo in ay khiyaamaysay wakaaladda dembibaadhista Federaalka ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo FBI.

Isbarashadii basaasadda FBI iyo Abu Dalxa

Daniela Greene waxa ay Abu Dalxa is barteen markii bishii koowaad 2014-kii ay FBI u xilsaartay in ay la socoto xidhiidhada gaarka ah iyo dhaqdhaqaaqyada uu samaynayo Abu Dalxa, sababta iyada loo doortayna waxa ay ahayd xirfaddeeda aadka u sarraysa ee dhinaca sirdoonka iyo afka Jarmalka ee uu ku hadlu Abu Dalxa oo ay si fiican ugu hadasho.

Daniele waxa ay ku guulaysatay in ay jabsato baraha uu Abu Dalxa ku leeyahay barkulannada xidhiidhka bulshada ee internet ka, waxa aanay la samaysay Abu Dalxa xidhiidho aanay shaqadeeda u sheegin oo ay doonaysay in ay is bartaan si ay xog badan uga sii hesho. Xidhiidhka wiilkan DAACISH ka tirsan iyo gabadhan FBI da u shaqaynaysay waxa uu xoogaystay oo la aaminsan yahay in uu jacayl isu rogay markii ay joogto u xidhiidheen oo xitaa ay marar kala duwan si caadiya uga sheekaysteen shabakadda xidhiidhka ee SKYPE. Waa ay ka sii gudubtay oo Daniele waxa ay Abu Dalxa kala xidhiidhay talefan kuwa gacanta lagu qaato ah oo uu haystay iyo marar kala duwan oo ay kala hadashay talefan caadiya oo yaallay magaalada Raqa ee dalka Suuriya.

Waxa ay sheegtay in wada hadalladaasi ay dareen caashaq ku beereen Abu Dalxa iyada qudheedana uu laabqaaday, iyada oo og in uu yahay nin dalkeeda ugu tirsan argagaxiso oo weliba ay mushahar ku qaadao in ay dilkiisa fududayso, meel aad u fog oo amni ahaan tegisteedu adag tahayna uu joogo ayaa ay haddana qalbigeeda ka xakamayn kari weyday caashaqa Abu Dalxa. Waana ta ku abuurtay in waxaas oo dhan inta ay indhaha ka qarsato ay safar ku tagto halka uu joogo si ay u bakhtiiso dhimbiisha caashaq ee laabteeda gubaysay.

Daniele waxa ay masuuliyiintii xafiiska FBI u sheegtay in ay u baahan tahay fasax muddo ah oo ay doonayso in ay u tagto qoyskeeda oo deggen Jarmalka. Markii ay fasaxii heshayn waxa ay safar dheer ugu socdaashay magaalada Raqah, si ay u guursato ninka ay jacaylkiisa dartii nafteeda khatarta u gelisay, shaqadeedii, saygeedii ay weli is qabeen iyo carruurteediina uga tagtay

Socdaalkii Jacaylka

Qaybta muhiimka ah ee qisada Daniela Greene waxa ay bilaabatay markii ay 23kii bishii Juun 2014-kii ay u safartay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadibna uga sii gudubtay magaalada Qaasi Cantaab oo 35 Kiiloomitir u jirta xuduudka uu dalka Turkigu la leeyahay dalka Suuriya, halkaas oo ay safar qarsoodiya oo lugta ah kaga gudubtay xadka, magaalada Raqa ee dalka Suuriya ayaana ay ugu tagtay ninka ay jacaylka xoogga ah u qabtay ee Denis Cuspert ama Abu Dalxa Al-Almaani sida hadda saaxiibbadii u yaqaannaan oo ku sii sugayey magaaladan.

Abu Dalxa waxa ay FBI u taqaannaa magaca afgarasho oo ah ‘Hebel A’ kaas ayaana ay xogtiisa ugu diiwaagashantahay diiwaannada gaarka ah ee FBI-da laakiin sirdoonka dalka uu u dhashay ee Jarmalku iyagu waxa ay ku magacaabaan Deso Dogg oo ah magacii xirfadda Raabka uu kula baxay.

Magac kasta oo loo bixiyaba ninkani sannadkii 2010 ka ayaa uu dalkiisa Jarmalka ku galay shil baabuur oo khatar ahaa. Dhaawacaas ayaa u noqday neecoow hanuun, waxa uu qaatay diinta Islaamka waxa aanu faraha kala baxay fankii iyo heesihii. Markii uu saddex sano muslim ahaana waxa uu u safray dalka Suuriya oo uu ku biiray ururka dawladda Islaamiga ah, oo marar kala duwan ineternet-ka ku faafiyey muuqaallo kala duwan oo uu ka muuqday Abu Dalxa. Muuqaalladan oo lagu tilmaamay kuwo uu ururka DAACISH farriin ugu dirayey dhalinyarada dunida si ay ugu biiraan, waxaa mid ka mid ah ka soo muuqday Abu Dalxa Al-Almaani oo gacanta ku sita madax qof oo gaar u go’an. Waxa aanu madaxweynihii markaas ee Maraykanka Barak Obama ugu hanjabay in uu gawrici doono. Markaas ayaa ay FBI Abu Dalxa ku darsatay liiska dadka ay raadinayso nolol iyo geeri mid uun.

Mar uu talefishanka Maraykanka ee Fox News la xidhiidhay Daniela Greene oo ku sugan gudaha dalka Suuriya, markii la weydiiyey in ay qisadeeda ka warranto waxa ay iska ilaalisay in ay sheegto qofka ay run ahaan tahay, maadaama oo aanu Talefishanka laftiisuna xogteeda wada hay nee uu u garanayey oo keliya gabadh Maraykan ah oo DAACISH ku biirtay.

Warfidiyeenkii wax weydiinayey waxa ay ugu jawaabtay, “Haddii aan kula hadlo, qoyskayga ayaa khatar gelaya” Dadka hadalka Daniela Greene falleeyey ayaa u arka in sababta ay sidaas u tidhi ay ahayd cabsi ay u qabtay saygeeda askariga ahaa ee ay ka baxsatay oo isagu Maraykanka joogay ama in ay u baqaysay qoyska ay iyadu ka dhalatay ee Jarmalka ku sugan.

Daniela Greene waxa ay wariyaha isugu sheegtay in ay tahay qof caadiya oo ka shaqayn jirtay mid ka mid ah hoolalka / xarumaha lagu qabto xafladaha ee magaalada Washington.

Xogtii FBI waxa ay u sheegtay saygeeda cusub

Marka laga tago dacwadda hore ee loo haysto Daniela oo ah in ay ku biirtay urur cadow hubaysan ku ah dalkeeda, waxaa soo raaca dacwadda ah in ay xogtii sirdoon ee FBI ay ka haysay ay u sheegtay saygeeda Abu Dalxah.

Sida marka dambe la ogaaday Daniela Greene waxa ay saygeeda cusub ee Daacish ka tirsan uga sheekaysay shaqadeeda sirdoonnimo iyo in hawsha ugu muhiimsan ee lagu mushahar siinayey markan ay soo baxsatay ay ahayd in ay FBI kala shaqayso fududaynta sidii loo dili lahaa isaga. Daniela Greene waxa ay Abu Dalxa u sheegtay in FBI ay ugaadhsigiisa ku jirto, sidaa awgeed loo baahan yahay in uu taxaddaro.

Ubixii qaadhay

Sida in badan ku dhacday jacaylka, Daniela Greene markii ay Raqa ugu tagtay saygeeda ay internet ka iska jeclaadeen runtu waa ay noqon weyday sidii ay rabtay. Shakhsiyaddiisa is fahamkeeda, xaaladda uu ku nool yahay iyo si guud xaaladda ku xeeran Abu Dalxa ee amni iyo nololeed ayaa sabab u noqday in jacaylkii xad dhaafka ahaa ee ku kallifay in ay nafteeda mahlakaysaa in uu ubaxiisii gudhay, bil keliya markii ay aqal lahaayeen ayaana uu burburay qoyskii DAACISH iyo FBI du.

Daniela Greene waxa ay markii dambe maxkamadda la saaray horteeda ka sheegtay in ay aad uga murugootay in ay ninkaas u tagto, in ay qoomamaynayso jacaylkii helay, dareensan tahayna in ay gashay dembi weyn oo sharciga ay ciqaab kaga mutaysanayso.

Daniela Greene intii Raqa ay joogtay oo loo ogolaa xidhiidhada dibadda maadaama oo kalsooni lagu qabay, lagana filayey in ay dumar kale DAACISH u soo xerogeliso, waxaa jiray saddex farriimood oo ay u dirtay dumar ay saaxiibbo yihiin. Waxa ay farriimahaas dhammaantood ku sheegtay in ay ka murugoonayso waxa ku dhacay iyo falkii ay ku kacday, waxa ay u caddaysay in ay jeceshay in ay baxsato oo ay dalkeedii dib ugu noqoto. Sidaa waxaa lagu caddeeyey warbixin ay CNN ka samaysay arrintan.

Soo guryo noqoshadii iyo maxkamadayntii

Daniela Greene waxa ay aakhirkii ku guulaysatay in ay dib uga soo baxsato saygeedii labaad ee Abu Dalxa Al-Almaani oo ah kii ay shalay jacaylka ay u qabto dartii uga baxsatay shaqadeedii, dalkeedii iyo qoyskeeda oo uu ugu horreeyo ninkeedii.

Safar dhulka ah oo ay xadka Suuriya uga talowday dhinaca Turkiga kadibna diyaarad ka soo raacday Turkiga, ayaa ay 6dii Ogos 2014 kaga soo degtay dalka Maraykanka.

Aad ayaa ay u faraxsanayd, waxa aanay filaysay in waayitaanku ha jooge ee aan cidi ogeyn in ay nin Daacish ka tirsan guursatay. Diyaaradda markii ay ka soo degtayba waxa ay dhulka kula kulantay saraakiil FBI ka tirsan oo soo dhoweynteeda ula diyaar ah silsilado ay markiiba gacmaha kaga jabsheen. Muddo kadibna waxaa la horgeeyey maxkamad qaaddo xukunka eedaha lagu soo oogay.

Dacwad oogayaasha si ay u caddeeyaan in ninka ay basaasaddu guursatay yahay cadowga Maraykanka , waxa ay maxkamadda daawadsiiyeen cajalado maqal iyo muuqaalba ahaa oo ay laga arkayo heesaaga hore ee DAACISH noqday iyo koox saaxiibbadii ah oo uu isaga oo ku hadlaya afka Jarmalka u hanjabayo dalka Maraykan.

Xukunkii kadib ayaa heshiis wada shaqayneed oo ay u ogolaatay FBI awgeed waxaa Daniela Greene ay dawladda Maraykan u fidisay cafis lagu soo daayey bishii Siddeedaad ee sannadkii hore. Waxa se’ ay Daniela Greene Taariikhda ku gashay weligeedna ugu jiri doontaa jilaaga qisadii jacayl ee ugu horreysay ee dhex marta DAACISH iyo FBI. Dhammaad.