Facebook Oo Shaacisay Nidaam Diidaya In La Sawirto, Cid Kale Loo Diro Ama Wax Laga Beddelo Sawir Qofk Kale

0
845

Washington (Geeska)- Shirkadda Facebook ayaa dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee Juun waxa ay ku dhawaaqday in ay daaha ka rogayso adeeg cusub oo dadka macaamiisha u ah barkulankooda u suurtogelinaya awood intii hore ka badan oo ay ku ilaashan karaan sawirrada u yaallo faylashadooda shakhsiga ah. Tallaabadaas ayaa ay shirkaddu ku tilmaamtay mid ka jawaabaysa dalab uga yimid macaamiishooda dalka Hindiya.

Shirkadda ugu weyn barkulannada bulsho ee internet ka ayaa warmurtiyeed ay ku faafisay diiwaankeeda Internet ka waxa ay ku sheegtay in nidaamka cusub ee ay soo saareen oo weli tijaabadii ku jiraa uu macaamiisha Hindiya u suurtogelin doono in ay xakameeyaan cidda la degi karta ama koobi ka qaadan karta sawirradooda, cidda ay doonaana ay u fasaxi karaan in ay sawirradooda dib u sii faafiso (Share), oo macnaheedu yahay in sawirka qofku Facebook soo dhigto aanay cid kastaa dadka la sii wadaagi karin (Share) haddii aanu qofka sawirka lihi u ogolaan ama xitaa aan nuskhad laga samaysan karin. Waxaa intaas dheer in barnaamijkani uu qofka ka hor istaagi doono in uu sawirrada qof kale boggiisa soo dhigtay ku sameeyo wax ka beddel ama wax ku darid (Qurxin iyo fool xumayn labadaba). Arrimahaas ayaa ay shirkaddu sheegtay in ay yihiin tallaabo lagaga hortegayo in si qaldan loo isticmaalo sawirrada qofka.

Shirkadda Facebook oo macaamiisha bil kasta isticmaashaa ay kor u dhaafeen 1 Bilyan iyo 96 Milyan oo qof ayaa sheegtay in ay go’aan ku gaadhay in dhowaan adeeggan cusub ee hadda dalka Hindiya oo keliya loo sii daayey, ay ku baahiyaan dunida kalana, balse ay sugayaan guusha uu gaadho barnaamijku.

Shrikadda oo ka hadashay sababaha keenay in ay codsigan aqbalaan ayaa sheegtay in cilmibaadhiso ay la samaysay dad iyo ururro ku ka shaqeeya badbaadada qofka oo dalka Hindiya ka jiraa ay muujiyeen in tiro badan oo ka mid ah dumarka dalka Hindiya ay iska ilaaliyaan in sawirradooda ay ku baahiyaan shabakadda Facebook iyo guud ahaanba Internet ka, ujeedaduna ay tahay cabsi iyo warwar ay ka qabaan in sawirradaas siyaabo qaldan cid dan lihi u isticmaasho.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in dadka Facebook ka isticmaala dalka Hindiya ay dhowaan heli doonaan tilmaame tallaabo-tallaabo u tusa isticmaalka adeeggan cusub iyo habka uu u ilaalinayo sawirradooda, marka adeeggan si rasmi ah shirkaddu u fasaxdana aanay cid dambe awoodi doonin in ay iskala degto sawir qof kale dhigtay boggiisa, ama in ay sii baahiso (Share) iyo xitaa in aanay dhicin in sawir qof boggiisa yaalla uu qof kale cid u sii diro.

Waxa kale oo uu adeeggan cusubi mamnuuc ka dhigayaa in sawir qof soo dhigtay boggiisa Facebook, marka aad faallo ka bixinayso in aad qof kale faalladaada ugu yeedho / ku dhex magacowdo (Mention), laakiin waa haddii qofkaa aad magacaabaysaa aanu saaxiib la’ ahayn qofka sawirka iska leh. Waxa kale oo qorshaha ku jira in barnaamijkani uu diido in sawir muraayadda ah (Screenshot) laga qaato sawir qof kale leeyahay oo Facebook yaalla, in kasta oo adeeggan dambe uu hadda ku shaqeeyo talefannada iyo qalabka ku shaqeeya barnaamijka Android ka oo keliya.

Waxa aana jiri doonta calaamad gaar ah oo uu Facebook raacin doono sawirka qofku ilaashaday si aanu qofka kale isuguba hawlin in uu arrimaha aynu xusnay ugu sameeyo.