Washington (Geeska)- Filim Jacayl ah oo laga soo dheegtay qisada ballantii koowaad ee ay haasawe ku kulmeen Madaxweynaha hadda ee Maraykanka Barak Obama iyo afadiisa Michelle Obama oo markii dambe noqotay xaaskiisa. Filimkan Maraykanka ayaa lagu daray filimada sannadkan 2016ka la keeni doono bandhigga filimada ee Sundance Film oo sannad kasta lagu soo bandhigo filimada sida gaarka ah xiisaha u leh si abaal marinno loo guddoonsiiyo.
Filimkan oo lagu magacaabo Southside with you, waxa uu si xiise badan u sawirayaa kulankii koowaad ee xagaagii sannadkii 1989kii goor galab ah ay haasaawe isugu yimaaddeen Michelle Robinson oo uu xilligaas Barak Obama si aad ah isugu hawlayey in uu jacayl ka samaysto, maadaama oo uu isagu jeclaa, aakhirkiina uu ku guulaystay.
Bandhiggani waxa uu dhici doonaa inta u dhaxaysa 21ka iyo 31ka bisha Koowaad ee sannadka 2016ka.
Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Guardian eek a soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sannadkan filimada la soo bandhigi doono uu sidoo kale ku jiro filim laga jilay saxafigii Maraykanka ahaa, ee James Folly oo ururka Daacish uu dilay sannadkii 2014ka.
Xiddigaha filimkani waa Parker Sawyers oo qaadanaya kaalinta madaxweyne Obama waxaana la jilaysa Tika Sumpter oo qaadanaysa kaalinta Michelle Obama oo markaas ahayd garyaqaan da’ yar. Sida ku cad qisada Filimkan Obama iyo Michelle waxa ay ka wada casheeyeen maqaaxi ku taalla Chicago, sida muuqada Obama iyo Michelle kulankaas waa ay isku fahmeen aakhirkiina markii ay kala tagayeen oo ay isku sii maca salaameeyeen barxadda hore ee Rug jallaatada lagu sameeyo oo lagu magacaabo Baskin Robins ayaa ay si dareen leh isu sii dhunkadeen.
Obama xilligaas waxa uu ku jiray sannadka koowaad ee kuliyadda sharciga ee jaamacadda Harvard, waxa aanu shaqo la waday shirkad dhinaca sharciga ah oo lagu magacaabo Sidley Austin. Aakhirkii Obama iyo Michelle waxa ay is guursadeen sannadkii 1992kii.