Hoggaamiyaha Daalibaan Oo Aan War Laga Hayn Dhowr Maalmood Iyo Warar Sheegaya In Uu Dhaawac Dhintay

0
538

tttttKabul (Geeska)- Warbixinno is-burinaya oo ka soo baxaya xaaladda nololeedee hoggaamiyaha ururka Daalibaan Mullah Akhtar Mansuur ayaa sii fogeeyey shakiga isa soo taraya ee maalmihii u dambeeyey laga qabay noloshiisa, kadib markii ururka Daalibaan uu beeniyey in hoggaamiyahoodu uu ku dhaawacmay iska-hor-imaad hubaysan oo dhex maray laba garab oo Daalibaan ah oo gacan ka hadal dhex maray xilli ay u socdeen wada hadallo ay doonayeen in ay isugu soo dhowaadaan.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Afghanistan ayaa isagu sheegay in Mullah Akhtar Mansuur uu u dhintay dhaawac ka soo gaadhay iska hor-imaad si lama filaan ah uga dhex qarxay hoggaamiyeyaal sare oo labada garab ee Daalibaan ah oo uu wada hadal u socday. Suldaan Faayiz oo ah afhayeen madaxweyne-ku-xigeenka koowaad ee dalka Afghanistan ayaa barta uu ku leeyahay bar-kulanka bulshada ee Twitter ka waxa uu ku qoray in “Hoggaamiyaha Daalibaan Mullah Akhtar Mansuur uu u hdintay dhaawac soo gaadhay”

Shabakadda wararka ee Aljazeera oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegaysa in ilo-wareedyo Daalibaan ahi ay sheegeen in Mansuur uu dhaawac weyni ka soo gaadhay rasaas isweydaarsi salaasadii toddobaadkii hore ka dhacay guriga hoggaamiye ka tirsan Daaliban oo ku yaalla meel u dhow magaalada Kuweyta ee dalka Pakistan, halkaas uu kulan isu soo dhoweyn dhinacyada Daalibaan ahi ka socday, waxa aanay ilo-wareedyadani sheegeen in ay suurtogal tahay in Mullah Akhtar Mansuur halkaas ku geeriyooday.

Si kastaba ha ahaato ee afhayeenka rasmiga ah ee Daalibaan Dabiixullaah Mujaahid ayaa beeniyey wararkaas oo uu ku sheegay dacaayado ay sameeyeen sirdoonka Afghanistan si ay xaalad kala qaybsanaan ah uga dhex beeraan dhaq-dhaqaaqa Daalibaan. “Mansuur waa uu nool yahay xaaladdiisa caafimaadna aad ayaa ay u wanaagsan tahay” ayaa uu yidhi afhayeenka oo hadalkiisa sii watay. Sida ay Aljazeera ku sheegtay warkan uu Geeska Afrika soo turjumay, masuul sare oo Daalibaan ka tirsan aadna ay isugu dhowaayeen Mullah Mansuur, ayaa iisna yidhi, “Xitaa ma’ garanayno halka ay u qaadeen, laakiin qaar ka mid ah dadkii la socday waxa ay noo sheegeen in la dhigay cisbitaal gaar ah, xaaladdiisuna ay weli culus tahay”

Hore ayaa ay u dhacday in Daalibaan ay muddo laba sano ah qarinaysay geerida hoggaamiyaheedii hore ee Mullah Maxamed Cumar, waxaana la filayaa in haddii ay geeridan hadda run tahay ay sidii oo kale u qarin doonaan, maadaama oo xilligan uu ururka qaybsan yahay, lagana cabsi qabo in dagaallo gudahiisa ahi qarxaan, lana qaybsamo haddii ay dhacdo in uu hoggaamiyuhu dhinto, taas oo noqon doonta dhaawacii labaad ee muddo gaaban gudaheed soo gaadha ururka Daalibaan.