Qisada Hadyaddii Uu Midowga Soofiyati Toddobada Sano Ku Basaasayey Safaaradda Maraykanka Ee Moscow

0
857

Moscow (Geeska)- Toddobaaddo yar ka hor is dhiibistii dalka Jabbaan ee soo afjartay dagaalkii labaad ee adduunka, 2-dii Sabtembar 1945 kii, waxaa kulmay hoggaamiyihii midowga Soofiyati ee xilligaas Joseph Stalin, madaxweynihii Maraykanka Harry Truman iyo raysalwasaarihii dalka Ingiriiska Winston Charchul. Kulankaas oo ahaa kii ugu dambeeyey ee ay yeeshaan hoggaamiyeyaashan xulafada ahaa waxa uu ka dhacay magaalada Potsdam ee dalka Jarmalka.

Shirkaas waxaa ka muuqatay in saddexda dal ee ay saddexda hoggaamiye metelayeen ay yihiin xulafo dhow oo hadda kaddib midnimo kaga wada shaqayn doono ammaanka iyo nabadgelyada adduunka. Laakiin markaasba dadkii shirka sida dhow ula socdayna waxa ay sheegeen in shirka laftigiisa laga dareemayey khilaaf xooggan oo u dhexeeya Maraykanka iyo midowga Soofiyati.

Waanay rumowday, oo muddo gaaban kaddib waa tii inta uu soo shaac baay isaga oo xoog badan, uu sabab u noqday muran siyaasadeed iyo loollamo diblumaasiyadeed oo qarxay dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka kaddib.

Hadda hoggaamiyihii midowga Soofiyati oo bilowgaasba dareemay in sii wada socoshada dalkiisa iyo Maraykanku aanay qodax la’aan doonin, ayaa bilaabay in uu si hoose isha ugu hayo dhaqdhaqaaqa Maraykanka iyo wax kasta oo uu ku ogaan karo tallaabooyinka laga yaabo in uu mustaqbalka qaado. Stalin waxa uu bilaabay hab kasta oo basaasid ah oo uu ku ogaan karo cadowgisia Mustaqbalka oo ahaa saaxiibkiisii xilligii dagaalka labaad.

Hababka yaabka leh ee uu hoggaamiyihii midowga Soofiyati Joseph Stalin u adeegsaday basaasnimadaas waxaa ka mid ahaa, hab taariikhda aad u galay, hadal hayntiisuna illaa maanta waartay.

4-tii bishii Ogos 1945 kii, ayaa koox dhalinyaro caruur u dhexeysa 9 illaa 15 sano jir ah, oo ka mid ah carruur ay dawladdu korisay, waxa ay safiirkii Maraykanka ee dalkooda joogay, hadyad ugu keeneen sawir gacmeed taariikhi ah oo ka samaysan qori loogu talagalay in gidaarka lagu dhejisto. Waxa uu ahaa sawir farshaxan aad u heersarreeya ku qoran oo ah astaanta uu dalka Maraykanku caanka ku yahay ee ‘Great Seal of the United States’ loo yaqaanno.

Diblumaasigii Maraykan ahaa oo lagu magacaabi jiray Averell Hariman waa uu aqbalay hadyaddan, oo uu qalbi furan ku soo dhoweeyey isaga oo u arkaya in ay caddaynayso xidhiidhka wanaagsanaaday ee uu dalkiisu la leeyahay dalka Midowga Soofiyati.

Isaga oo arrintaas tixgelinaya ayaa uu danjirihii Maraykanku hadyaddan qaaliga ah ku dhejiyey xafiiskiisa marka uu fadhiisto ggidaarka ku beegan dhabarkiisa.

Hadyadda carruurta Midowga Soofiyati ay siiyeen safaaradda Maraykanku ma’ay ahayn hadyad caadiya ama tallaabo calaamad u ah wanaagga iyo sii adkaynta xidhiidhka labada dal, balse waxa uu ahaa loox si aad u heersarraysa lagu dhex rakibay qalabka wax lagu basaaso oo aad u horumarsan.

Habkaas fudud ayaa uu Midowga Soofiyati muddo 7 sano ah ku basaasayey safiirka Maraykanka ee Moosko. Buudhi mid xun loo ekeysiiyey oo la dhigay meel aan ka fogeyn safaaradda Maraykanka ayaa koox sirdoonka Midowga Soofiyati ka mid ahi ay ku dhex rakibteen qalab uu ku soo dhaco warka uu soo laliyo qalabka lagu rakibay hadyadda safiirka la siiyey. Halkaas ayaanay si joogto ah ugu dhex duubi jireen codadka cid kasta oo uu safiirku kula kulmo xafiiskiisa, iyo hadalka uu ku leeyahay qof kasta oo uu safiirku taleefanka kala hadlo.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in muddadaas toddobada sano ah, marar kala duwan si joogto ah uu Maraykanku xeeldheereyaal sirdoon ugu soo diri jiray safaaraddiisa si ay u baadhaan qalab kasta oo u ekaan kara qalab basaasid loo adeegsado oo si qarsoodiya ugu rakiban xafiiska iyo guud ahaan dhismayaasha safaaradda.

Waa arrin iska caadiya in dalku marka muddo la joogaba uu mar khubaro sirdoon u diro safaaradihiisa dunida si looga baadho wax qalab basaasida ah oo lagu rakibay.

Illaa sannadkii 1952 kii markii uu Maraykanku habkaas ku basaasayey safaaradda Maraykanka ayaa ay si kedis ah u fashilantay khiyaamadii Midowga Soofiyat. Kaddib markii maalin maalmaha ka mid ah nin shaqaale ah oo qaabilsanaa qaybta Raadyowgu uu si kedis ah u helay hirarka uu qalabka basaasidda ee sirdoonka Ruushku marinayo farriimaha.

Ninkan oo dhalasho ahaan Ingiriis ahaa ayaa hirarkan dareemay mar ay isku beegmeen qalabka basaasidda oo shaqaynayey oo sirdoonka Ruushku adeegsanayey iyo baadhista hirar warlaliska oo uu ku hawlanaa.

Warkii seenyaaleyaasha laga dareemay safaaradda gudaheeda waxaa la gaadhsiiyey maamulka safaaradda, waxaana la bilaabay in khubaro kale oo Maraykan ahna la adeegsado oo maalmo loo dhabbo galo seenyaalaha la helay iyo halka uu ka soo baxayo, kaas oo ugu dambayntii ay suurtagashay in la helo halka uu ku rakiban yahay, oo ahayd hadyaddii Midowga Soofiyati bixiyey.

Markii uu Maraykanku helay qalabkan lagu basaasayey waxa uu go’aansaday in uu qariyo xogta ah in la basaasay, baadhis xeeldheerna ay khubaradiisu ku sameeyaan dhacdadan iyo qalabkan muddada toddobada sano ah shaqaynayey.

Sannadkii 1960 kii mar diyaarad nooceedu ahaa U-2 oo kuwa basaasidda ee Maraykanka ahi ay ku soo dhacday gudaha dhulkii Midowga Soofiyati, ayaa waxaa abuurmay xiisad diblumaasiyadeed oo caalamiya, waxaana Maraykanka aad loogu canaantay in uu tallaabadaas basaasidda ah ku kaco.

Maraykanka oo arrintaas ka jawaabaya ayaana golaha qaramada Midoobey ku soo bandhigay qalabkii basaasidda ee Midowaga soofiyati ku rakibay hadyaddii todobada sano taallay xafiiska safiirkooda Moosko. Isaga oo doonaya in uu dunida ka xumaatay tallaabadiisa basaasidda ah u sheego in Toban sano iyo ka badan ka hor uu Midowga Soofiyati basaasayey Maraykanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here