Xisbiga Waddani Oo Ku Gacansaydhay Martiqaad Uga Yimi Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Sababaha Uu U Diiday Oo Uu Sheegay

0
790

Hargeysa (Geeska) Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku gacan saydhay martiqaad uga yimi komishanka doorashooyinka qaranka oo la xidhiidhay ka qaybgalka munaasabad lagu soo bandhigayo ‘Tayeyn’ uu komishanku sheegay in lagu sameeyey hannaanka farsamo ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Geeska Afrika ayaa helay waraaqo ay is dhaafsadeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiga WADDANI oo ah marti-qaadka komishanka iyo jawaabta diidamada martiqaadka ee WADDANI.

Warqad ku taariikhaysnayd 16-ka Juun oo uu Komishanka doorashooyinku ku socodsiiyey golaha wakiillada, saddexda xisbi qaran, ururrada bulshada iyo wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa uu ku wargeliyey, in Komishanku uu daneeyeyaasha u soo bandhigayo habraac cusub oo lagu sameeyey nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee casriga ah. Sidaa awgeed uu dhinacyada ay ku socoto ka codsanayo in ay kala soo qaybgalaan, munaasabadda lagu soo bandhigay.

Warqaddan oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa xisbiyada loogu sheegay in xisbi kastaa uu saddex xubnood u soo diranayo munaasabadda.

Haddaba, sida ku cad warqad labaad oo uu wargeyska Geeska Afrika helay, xisbiga WADDANI ayaa Komishanka doorashooyinka ku wargeliyey in aanu ka soo qaybgeli doonin munaasabadda lagu casuumay iyo hawl kasta oo uu komishanka doorashooyinku gacanta ku hayo.

Warqaddan oo ku taariikhaysnayd maalintii shalay ee 18-ka Juun, kuna saxeexan yahay guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayuu xisbiga WADDANI ku sheegay in sababta diidmadu ay tahay in xisbigu uu hore u joojiyey wada shaqayntii ka dhexeysay Komishanka doorashooyinka.

Arrintaasna uu ku caddeeyey warqad toban bog ka kooban oo uu xisbigu horraantii sannadka 2018 ka u diray madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo daneeyeyaasha doorashooyinka Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here