Xildhibaan Ku Taliyay In Lagu Dedaalo Wax Soo Saarka Dalka

0
557

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa soo jeediyey in lagu dadaalo wax soo saarka dalka iyo ilaalinta nabadgalyada, waxaanu xusay in haddii labaadaas xooga la saaro in si yar oo fudud Somaliland aqoonsi buuxa ku heli doonto.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Wadan kasta oo ka tirsan Caalamka, wuxuu awooda saara wax soo saarka dalkiisa, waxaana lagu qiimaya hadba wuxuu soo saaro, iyo wuxuu dal ahaan dhoofiyo, iyo qaabka uu u sugo amaankiisa, inaguna Somaliland ahaan aqoonsi baynu raadinaynaa, dariiqa aynu ku raadinayna waa mid loo baahan yahay, balse haddii aynu la nimaadno tacab iyo wax soo saar, kana maarano wax badan oo dibadda inooga yimaada, wax hubaal ah inuu aqoonsiga si fudud u helayno, waxa kale oo iyana aqoonsiga lagu qiimeeya sugida amaanka, amaanka dalkeenuna uu sugan yahay, ee waxaa muhiim ah in la sii sugo oo la sii adkeeyo, oo aad looga taxadiro dhibaatooyinka, markaas Xukuumaddu waa inay la timaada siyaasad lagu xoojiyo wax soo saarka dalka”.

Mar uu ka hadlaayey Daahir Rayaale Kaahin ayaa yidhi “Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, arin fiican ayuu dhab ahaan sameeyey, inuu soo bandhigo madax banaanida Somaliland waa arin aan aad iyo aad ugu amaanayo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here