Qisada Gabadh Geerideedu Malaga Nafta Qaada Ka Oohisay Iyo Nin Uu Ku Qoslay Dhimashadiisa (2)

0
807

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qisadii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa u soo turjumay eek a hadlaysay laba laba ruux oo geeridoodu ay Malagga nafta midina ka qoslisay midina ka oohisay:

Haddii uu malaggu sannadahaaas ka hor ka ooyey xaaladda gabadhaa uu nafta ka qaadayey ku sugnayd iyo dayacaadda uu uga baqay ilmaha yar ee ay naaska siinaysay ee saxaraha kelidii uu kaga tegi doono. Maanta waxa uu ku qoslay nin oday aad u da’ weyn ah oo uu nafta ka qaadayo.

Malaggu waxa uu u yimid ninkan odayga ahaa ee aad u da’ weynaa, laakiin caafimaad qaba oo socda, oo inta uu u tegey nin Tumaal ah, ka dalbanaya in jufo bir ah ugu sameeyo ul dheer oo uu sito. Ninkan odayga ah ee la gorgortamaya tumaalka uu jufada uga samaynayo ushiisa ayaa marka uu kala dardaarmayo tayada jufada uu rabo waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, in uu doonayo, “Jufo bir ah oo adag oo sannado badan u isticmaalo” Nasiib darro waxa aanu ogeyn in ruuxdaba laga qaadayo daqiiqado yar kadib.

Malaggii nafta qaadayey markii uu arkay war la’aanta ninkan odayga ah, iyo sida uu nolosha u sii doonayo in ay sannado badan oo dambe u sii jirto, isaga oo aan ogeyn waqtiga yar ee u hadhay ayaa uu Malaggii ku qoslay. Kadib sidii waajibka loo soo diray ahaa waxa uu guddoomay ruuxdii odaygan.

Alle (SWT) ayaa malaggii la hadlay oo yidhi, “Sharraftayda iyo weynidayda ayaa aan ku dhaartay ee, Kii kaa oohiyey ayuun baa haddana kaa qosliyey”

Macnuhu waa in ilmihii yaraa ee uu malaggani hooyadii nafta ka qaaday iyada oo kelidii meel saxare geeri go’an ah la joogta, ee uu ka ooyey in uu nafta ka qaado gabadhan isaga oo u cabsi qaba ilmaha ay sidato ee aan cidi ka ag dhoweyni uu yahay ninkan muddada tobannaanka sano ah jiray ee maanta isaga oo waayeel ah oo weliba nolosha sii xiisaynaya uu nafta ka qaadayo.

Waxa ay xikmaddu tahay in Malaggan iyo innagaba uu Alle ina tuso sida cidda uu badbaadinayaa ay badbaadayso, oo Alle uu isagu awood u leeyahay in uu sababta badbaadada u keeno, meel kasta oo ciddaasi joogto iyo duruuf kasta oo ay ku sugan tahay. Cidda ajasheedu dhammaatana aan lala sugayn waxa ay doonayso iyo waxa ay jeceshay midna.

Cudur-daar: Wargeyska Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa uga cudur daaranayaa qalad dhinaca qoraalka ah oo ku jiray cinwaanka qaybtii hore ee qisadan, oo si qalad ah magaca Alle u galay, balse sida saxda ahi ay tahay sida hadda ku cad cinwaanka qaybta.