Odayaal iyo Cuqaal Reer Hargeysa Ah Oo Taageeray Muddo Kordhinta Guurtida

0
471

Picture1Hargeysa (Geeska)-Qaar Ka Mid Ah  Odayaasha ,  Madaxdhaqameedka  Iyo Wax-Garadka  Beelaha Arab Oo shalay Shir Jarid Ku Qabtay  Maagalada Hargeysa Ayaa Waxaa Ay  Kaga Hadleen Muddo Kordhintii Golaha Guurtida Somaliland U Sameysay Xukuumada Talada Haysa Iyo Golaha Wakiilada Sidoo Kalana Ku Baaqay In Nabada Iyo Xasiloonida Dalka La Ilaaliyo .

Madaxdhaqemeedka Iyo Odayaasha Madasha Isku Yimid Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa

Chief Nasir Chief Ay Jeex Jamac  Chief Jamac Cawad, Chief Caaqil Cabdilaahi Farax Qaablie ,Caaqil Cabdi Muxumed Good ,Odey Sulub Cabdiraan  ,Chief Caaqil Maxamed Xaaashi Cabdilaahi ,Caqil Maxamed Xaaashi ,Axmed Ibaarin Caraale , Caaqil Cabdicasiis Awdahir Biixi  , Odey Cumar Ismaciil Hayaan , Caaqil Cabdi Xaashi Maax , Oday Cabdi Yuusuf Geele

Waxaa Ay Sheegeen In Ay Taageersan Yahiin Muddo Kordhintaas Ay Sameeyen Golaha Guurtidu  Isla Markaana Ay Ku Hanbalyeynayaan Guurtida Oo Ay Ku Sifeeyen  Gows Danbeynta Somaliland Iga Yalaantoodna Somaliland Aanay Jirteen.

Ugu Horeyna Waxaa Madaashi Ka Hadlay Chief Nasir Chief Ay Jeex Jamac  Chief Jamac Cawad Waxana Uu Yidhi “Odayaasha Iyo Wax-Garadka Halkan Iskugu Yimid Aad Baad U Mahad San Tahiin Shirkan Waxaa Aanu Ugu Talo Galnay  In Aanu Kaga Hadalno Laba Qodob Oo Kala Ah Qodobka Ay Guurtidu Ansixiyeen Iyo Qodobka Nabad Galyada

Waxaana Aan Leeyahay Guurtidu Intii Aynu Somaliland Soo Galnay Wey Dhismeed Madaweynayaal Hore Ayaa Dalka Soo Maray Mid Walbana Waa Loo Kordhin Jiray  Iminka Hadii Ay Dhacday In La Kordhiyo Mudadii  Oo Ay Wakhtigeedi Ku Qabsoomi Weydo Golaha Guurtidu Wax Badan Kumay Darin Afar Bilood Bay Ku Dareen Arintaasna Hadii Aanu Nahay Madax Dhaqameedka Xafaada Axmed Dhagax Waanu Taagersanahay Waana Aanu SOo Dhaweenaynaa Nabad Galyadana Ha La Ilaaliyo Nimanka Habeen Walba Tiifiyada Ka Hadla Waar Joojiya Ayaan Leeyahay “ Ayuu Yidhi Chief Nasir Chief Ay Jeex Jamac  Chief Jamac Cawad Cheifka Guud Ee Beelaha Cabala Abokor Iyo Sheekh Cismaan

Dhinca Kale Caaqil Cabdi Xaashi Maax OO Isna Halkaasi Ka Hadlay  Mudahaaradyo Uu SHeegay In Uu Ku Baaqay Xisbiga Wadani Iyo arimaha Muddo Jordhinta Waxaana Uu Yidhi “Go,aankaasi Waa La Hanbalyey Anaguna Waanu Taagersanahay  Habalyana Maanta Taasi Umaha Baahna Dhawr Cishoba Waa La Waday Qobaka Labaad Ee Kale Ee Aan Rabo In Aan Ka Hadlo Waa Mudahaarka La Sheego Waxaana Aan Leeyahay Mudaharaadka Umadeena Iyo Dalkeenu Uma Baahna Idinkana Yeeli Meyno Ninkii Mudahaar Wadowna Jooji “ Ayuu Yidhi Caaqil Cabdi Xaashi Maax

Sidoo  Waxaa Isna Halkaasi Ka Hadla  Cabdi Yuusuf Geele Waxana Uu Yidhi “Madaxweynuhu Mucaarid Wuu Soo Ahaa Hadii Uu Soo Ahaana Maanta Taladii Dalka Isaga Ayaa  Gacanta Ku Haya Si Fiican Ayuu U Shaqeeyey Oo Uu Gacanta Ugu Dhigay SHaqadiisuna Waa Ay Fiican Tahay Intii Yareed Uu Uu Hayey Wax Muuqday Ayaa Ay Noqotay Ninkii Maanta Hunguri Kaga Jiro In Uu Talada Dalka Qabto Waxaanu Leenahay Carqalad Ha Iska Galin Madaxtinimada “ Ayuu Yidhi Oday Cabdi Yuusuf Geele

Waxaa Ay Sidoo Kale Cuqaashan Iyo Wax-Garadkan Beelaha Arab Ee Maanta Shirka Jarid Ku Qabtay Magaalada Hargeya Ay Xukuumada Talada Haysa  Ku Amaanen Wax-Qabad Ay Sheegen In Ay Ku Taalabsatay  Intii  Ay Haysay Xukun Dalka Oo Ay Sheegen In Ay Intii Xukuumada Kulmiye Talada Haysay Ay Dalka Wax Badan Ka Qabtay Isla Markaana Ay Tahay Xukuumadii Horumarka Somaliland  .

Dhinca Kale Wax Ay Cuqashani  Meel Adag Iska Tageen Isla Markaana Ciidamda Amaankana  Ay Ku Booriyeen In Ay Halkaasi Ka Sii Wadaan Ilaalinta Nabad Galayada Iyo Xasiloonida Somaliland Ku Soo Caano Maashay Oo Ay Sheegen In Ay  Hadh Iyo Habeen Ay Heegan Yahiin Iyagoo Si Gaar Ah Ugu Hanbalyey Adkeynta Nabad Galayada Somaliland Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Iyo Taliyaha Ciimada Booliska Somaliland Oo Ay Ku Sifeeyen Masuulyiin Dacaad U Ah Xilka AY Qaranka U Hayaan

Ugu Danbeyntii Waxaa Ay Shacbiga Rer Somaliland Meel Kasta Oo Ay Dunida Ka Joogan Ugu Baaqen In Ay Meel Uga Soo Wada Jeestaan Ilaalinta Iyo Adkeynta Nabada  Uu Qaranka Somaliland Ku Caano Maalay Isla Markaana Aanay Cidna Ka Aqblin Khal Khalinta Iyo Diciifinta Amniga Dalka .