Qisada Daanyeer Balwadda Maandooriyaha Bartay Oo Dalkii Uu Asal Ahaan Ka Yimid Loo Mustaafuriyey

0
780

Kuweyt (Geeska)- Hay’adda guud ee beeraha iyo khayraadka kalluunka ee dalka Kuweyt ayaa soo saartay go’aan ay dalka Kuweyt kaga mustaafurinayso daanyeer, qabatimay isticmaalka maandooriyaha.

Hay’adda oo go’aankeedan fulinaysa ayaa daanyeerkan dib ugu celisay dalkii uu asal ahaan ka yimid oo ah jasiiradda Sumatra ee dalka Indooniisiya, kadib markii muddo sannad ka hor ah la caddeeyey in uu balwadda maandooriyaha si aad ah u qabatimay.

Daanyeerkan ayaa ay booliisku bar-kaantarool ku qabteen isaga oo la socda muwaadin u dhashay dalka Kuweyt, markii ay booliisku daanyeerka ku arkeen xaalad aan caadi ahayna waxa ay u direen baadhitaan lagu ogaaday in ninkan lahaa uu baray isticmaalka maandooriyaha. Daanyeerka iyo ninka sitayba waxaa dacwaddooda loo gudbiyey xeer-ilaalinta. Kadib waxaa daanyeerka la geeyey beer-xayawaanka lagu xanaaneeyo, si looga dabiibo balwaddan, jidhkiisana laga saaro maandooriyaha. Laakiin markii hal sano kadib uu daanyeerkii ka bogsaday balwaddan, ayaa ay masuuliyiinta beeraha iyo khayraadka kalluunka ee Kuweyt ay go’aamiyeen in daanyeerka dib loogu celiyo dalkii uu asal ahaan ka yimid.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in masuuliyiinta Kuweyt ay mustaafurinta daanyeerkan xidhiidh kala sameeyeen safaaradda uu dalka Indooniisiya ku leyahay Kuweyt, si ay gacan uga geysato dib u celinta daanyeerkan, taas oo ay safaaraddu aqbashay, dibna daanyeerkan ugu celisay dalka uu u dhashay.