London (Geeska)- Ayeeyo Ingiriis ah ayaa niyadjab xun iyo murugo xad dhaaf ah la kulantay kadib markii ay dawladda Ingiriisku diidday in ay dal-ku-gal siiso wiil 27 sano jir ah oo ay guursatay. Haweenayn oo 72 sano jirtay waxaa lagu magacaabaa Angela Nauchoko, waxa aanay ka soo jeeddaa degmada Dorset ee koonfurta galbeed ee England. Bishii Labaad ee sannadkii 2015 ayaa Angela ay Facebook iska barteen wiilka oo magaciisa lagu soo gaabiyey C. G una dhashay dalka Nayjeeriya.
In kasta oo ay lammaanahani 45 sano kala weyn yihiin, haddana muddo laba bilood ah oo keliya markii ay is yaqaanneen, ayaa waxaa ka dhex abuurmay kalgacal gaadhay heer ay gabadhu u safarto dalka Nayjeeriya si ay u guursato wiilkan ay jeclayd. Guurkii kadib ayaa ay saygeeda da’ yarta ah muddo kula soo noolayd dalka Nayjeeriya, kadib waxa ay dib ugu noqotay Ingiriiska oo ay qorshaynaysay in ay saygeeda cusub u kaxaysato dalka Ingiriiska si ay halkaas u wada degaan. Laakiin ayeeyadani cadho iyo walbahaar ayaa ay qaadday markii masuuliyiinta socdaalka ee dalka Ingiriisku ay laba jeer oo kala dambaysay u diideen in ay siiyaan fiise uu saygeedu ku soo galo Ingiriiska.
Sawirkaaga Facebook kuu yaallaa waa uu qurux badan yahay.
Ayeeyadan hawlgabka ka noqotay shaqada ayaa safarkii ay saygeeda da’da yar ugu tegeysay iyo kharashkii guurka waxa ay ku bixisay lacag u dhiganta 25 kun oo doolar, waxa aanay aad u xiisaynaysay in uu guurka kadib u raaco dalkeeda Ingiriis. Laakiin riyadaasi in ay run noqoto waxaa hor istaagay dawladda oo fiisihii wiilkan dhalinyarada ah diidday. Angela waxa ay hore u ahaan jirtay darawal tagsi kiro ah oo ay ku shaqaysan jirtay, muddo lix bilood ah ayaana ay kala maqnaayeen ninkeedii hore oo ay kala tageen, ka hor intii aanay is baran wiilkan dhalinyarada ah ee reer Nayjeeriya oo isagu ah injineer cilmiga Kombiyuutarka bartay.
Angela oo ka sheekaysay sida ay saygeeda da’da yar isu barteen waxa ay sheegtay in ay Facebook ka heshay codsi saaxiibtinimo oo uu wiilkani u soo diray, isla markii ay aragtayna ay xiisaysay barashada wiilkan, “Waa aan rumaysan kari waayey nasiibwanaagga ay arrintani iigu timid” ayaa ay tidhi. Waxa ay sheegtay in ay dhaqso u aqbasho wiilkan oo isla markii ay saaxiibtinimadiisa Facebook aqbashay u soo diray farriin uu ugu mahadnaqayo, uguna sheegayo in sawirkeeda Facebook yaallaa aad u qurux badan yahay.
Angela waxa ay sheegtay in wiilkan ay saacado badan Facebook ka sheekaysteen, oo ay iska warraysteen qoysaskooda iyo hiwaayadahooda nolosha, “Waxa aanu ahayn sida laba qof oo hore sannado badan isu soo yaqaannay” ayaa ay tidhi Angela oo cabbiraysay xidhiidhka dhex maray wiilkan.
Angela waa la deyriyey
Bilowgii hore Angela carruurteedu waxa ay u qaateen in hooyadood la khiyaameeyey, oo nin ujeedo dhaqaale ama dano kale lihi u dhuuntay, kadib waxa ay bilaabeen in ay dabagal ku sameeyaan wiilkan dhalinyarada ah iyo saaxiibbadiisa Facebook, si ay u raadiyaan wax uun caddaynaya shakigooda. Laakiin muddo ay dabagal ku jireen kadib waxa ay aamineen in uu ninkani yahay nin sharaf leh. Aad ayaana ay ugu farxeen markii bishii Maaris ee 2015 uu talefan maqal iyo muuqaal ah kula hadlay dhammaan qoyska oo uu mid mid ula hadlay. Illaa markan xaalku waa uu ladnaa, laakiin waxa ay arrimuhu is beddeleen markii si lama filaan ah uu wiilkani ayeeyadan ugu soo diray codsi guur, oo weliba aanu hadallo hore oo damac guur muujinaya ugu odhan jirin. Angela oo ka hadlaysa sababta ay sida degdegga ah ugu aqbashay guurkan codsigan guur ee kediska ah ayaa tidhi, “Waxa ay ahayd sida in arrin kiimikaad oo dabiici ahi isku kaaya xidhayso. Waxa aan ku qancay in uu yahay ruuxa ugu habboon in aanu rafiiq noqonno”
Safarkii guurka
Muddo gaaban kadib ayaa ay Angela isu diyaarisay in ay u safarto Nayjeeriya si ay u soo guursato wiilka ay ayeeyada u noqon karto ee ay caashaqday. Safarka ka hor waxa ay sii iibsatay toob buluug ah oo ay ugu talogashay xafladda arooska, halka wiilkuna uu dhankiisa ka sii diyaariyey fargalladii arooska.
Nasiibdarro masuuliyiinta Ingiriisku ma’ay ogolaan in ay wiilkan siiyaan dal-ku-gal uu Ingiriiska ku yimaaddo si uu xaaskiisa maalmo ula noolaado, iyaga oo ka cabsi qaba in uu marka dambe diido in uu ka tago Ingiriiska.
Tan iyo markii ay is guursadeen Angela laba jeer ayaa ay saygeeda ku booqatay Nayjeeriya, waxa se ay qabtaa rajo ah in mar uun loo ogolaan doono in ay si rasmi ah ugu wada noolaan karaan dalka Ingiriiska.
Go’aan adag
Angela waxa ay sheegtay in aanay marnaba ka hadhi doonin in ay odaygeeda da’da yar u soo saarto sharciga dal-ku-galka Ingiriiska iyada oo arrintaa awgeedna laba qareen u qabsatay, “Waa ay iga go’an tahay in aan dal-ku-gal u helo. Waa aan dareensanahay in ay lacag badani igaga bixi doonto dacwaddan. Laakiin waa lagama maarmaan”
Waxa ay lammaanahani ku rajo weyn yihiin in ay ugu dambaynta u suurtogeli doonto in ay Ingiriiska degaan si ay ugu wada noolaadaan ,isla markaana uu wiilku Ingiriiska uga sii wato waxbarashadiisa shahaadada labaad ee jaamacadda oo ah cilmiga Kombiyuutarka.
Odaygii hore u furay gabadhan oo hinaase soo kiciyey
Odaygii hore u qabi jiray ayeeyadan ayaa hadda markii uu ogaaday qisada jacayl ee afadiisii hore iyo wiilka 27 jirka ah isu guurisay, waxa uu la soo baxay dood cusub oo ah in wiilkani uu xaajiyaddiisa hore khiyaamaynayo oo ujeedadiisu ay tahay uun in uu dalka Ingiriiska soo galo.
Donald Nit oo 71 sano jir ah, oo mar hore ay muddo shan sano ah ayaa ku dooday in xaaskiisa hore uu wiilkani khiyaameeyey cawaaqibka khiyaamadaasna ay dambarsan doonto. Odaygan oo gaadhi xamuul ah darawal ka ah ayaa isaga oo iska fogeynaya in sababta uu guurkan xaaskiisa hore uga yimi ay la xidhiidho hinaase waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “18 sano ka hor ayaa aanu annagu kala tagnay, tan iyo markii aanu kala tagnayna wax xidhiidh ahi nagama uu dhexeyn”
Qisadan uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya ayaa intaas ku dartay in Angela ay meesha ka saartay in kala da’ weynaanta iyada iyo saygeeda cusubi ay dhibaato ku tahay guurkooda waxa aana hadalladeedaas ka mid ahaa, “Kala durugsanaanta dhinaca da’du macno ma’ laha” waxa aanay ku adkaysatay in jacaylkeedu uu dhab yahay, Samirwaana ay ku sugayso maalinta ay iyada iyo wiilkan guursaday qoys ku noqon doonaan gurigeeda degmada Dorset.