Qarax Is Miidaamin Ah Oo Lala Eegtay Guri Ay Degenyihiin Shaqaalaha Safaaradda Turkiga Ee Muqdisho Iyo Sarkaal Amni Oo Ku Geeriyooday

0
556

Picture2Muqdisho(Geeska)-Weerar ismiidaamin ah ayaa shalay gelinkii dambe lala eegtay hoy ay degenyihiin shaqaalaha safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, waxaana lagu soo waramayaa khasaare dhimasho ah oo soo gaadhay dad Turki ah.

Weerarkan oo ahaa ismiidaamin lagu fuliyay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa dadka ku dhintay tiradooda lagu sheegay dhawr ruux. Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa xalay baahisay in sarkaal Turki ahi u xaqiijiyay in muwaadin Turki ah oo qaabilsanaa dhinaca amnigu uu ku geeriyooday weerarkaas, halka ay dhawr qof oo shaqaalaha safaaradda Turkiga ah oo isla dalkaas u dhashayna ay dhaawacyo soo gaadheen. Sidoo kale Askari Somali ah ayaa isna geeriyooday.

Booliska Somaliya, ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday Baabuur laga buuxiyay walxaha qarxa. “Qaraxan ismiidaaminta ah waxaa lala beegsaday xarun ay deggen yihiin shaqaalaha safaaradda Turkiga oo ku taala meel ku dhow isgoyska KM-4, waxaana ku dhintay saddex qof oo qof ka mid ah uu ahaa rayid,” ayuu yidhi Col. Axmed Maxamuud oo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan , iyagoo bartooda ay ku leeyihiin Twitter-ka ku sheegay in weerarka ay la beegsadeen saraakiil Turki ah oo ka howlgalayay safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho ayna qaar ka mid ah halkaas ku dileen. “Weerarka ayaa waxaa fuliyay dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab, waxaana uu la beegsaday koox dublaasiyiin ah oo Turkiga u dhashay, kuwaasoo  ku sugnaa dhisme ku yaalla degmada Hodan,” ayay Al-shabaab ku tidhi qoraal ay soo dhigtay bartooda Twitter-ka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa u muuqata inay muddooyinkii u dambeeyay laban laabeen weerarada ay ku hayaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo u badan weeraro is qarxin ah. Dawladda Somaliya ayaa u muuqata inay tahli kari weyday sugidda amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.