Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyay In La Qaado Isbaaro U Dhaxaysa Madaxweynaha Iyo Wasiirada Khaarajiga

0
812

Picture1Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay ka qayb-galay Munaasibad uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si faahfaahsan uga hadlay caqabadaha hor taagan siyaasada arimaha dibada.

 

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa ku taliyey inaan loo dhaxaynin Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkiisa khaarajiga, isaga oo tibaaxay inay jireen dad dano gaar ah leh oo u dhexeeya wasiirkii hore ee arimaha dibada iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

Guddoomiyaha UCID oo ugu horeyn ka hadlaya waajibaadka wasiirka arimaha dibada iyo waxyaabaha looga baahan Madaxwaynaha ayaa yidhi “Wasiirka arimaga dibadu wuxuu fuliyaa siyaasadda Madaxwaynaha markaa jooga  iyo ta guud ee dalka, ta guud ee aynu wada leenahay Mucaarad iyo Muxaafidba waa inaynu ictiraaf helnaa, hase ahaatee waxa looga baahanaa Madaxwaynaha inuu dhigo khadkii lagu gaadhi lahaa arintaa, wasiirka arimaha dibaduna waa inuu fuliyaa qorshahaa uu dhigay”

Guddoomiye Faysal waxa kale oo uu sheegay “Wasiirka arimaha dibada iyo Madaxwaynaha wax u dhexeeyaa in aanay jirin weeyaan, isbaaro dhexe ma jirto ee waa in labadoodu toos (wada xidhiidhaan), Maxamed (Wasiirkii hore ee A. dibada) isbaarooyinbaa jiray sida laga war hayo, waxaan jecelahay in isbaarooyinkaa laga joojiyo si uu hawshiisa u guto (Wasiirka cusub), Maxamed Biixi Yoonis maalin ay kaga adag tahay siyaasada arimaha dibadu hore inoomay soo marin, Maxamed waxa hor yaala inuu waajaho dawlad aan jirin oo la ictiraafay oo la doonayo in dusha la inaga saaro, waa markii ugu horeysay ee la inoo isticmaalo kalmada dawlad goboleed” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa maanta ina horyaala laba arimood oo waaweyn oo tashi u baahan, mid waxa weeyaan waxa la yidhaahdo (New Deal), ta labaadna waxa weeyaan shirka Brusseles, waxa loo baahan yahay inaynu is wada jir ah aynu u wada qabano ajandihii lagu waajihi lahaa, wasiirradu way tagaan wayna soo noqdaan, laakiin waa in wasiirka yimaadaa meeshii oo wax la sii dhaqaajiyey oo wax hadhsan yihiin, ilaa hadda dalkeenu malaha (Road Map) aynu ku gaadhayno ictiraaf, waxaanu jecelahay oo aanu anaguna gacan ka geysanaynaa inaynu samaysano istaraatiijiyad aynu adduunyada ka gadno, maaha in maalin kasta (Road Map) la inoo keeno oo aynu inagu difaac uun ku jirno, waa in inagu aynu wax weerarnaa oo siyaasadeena arimaha dibadu ay weerar noqotaa, waayo kiiskeenu waa kiis xaq ah”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu amaanay wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadda ah wasiirka ganacsiga “Maxamed waanu la shaqeynaynay oo wuu dedaalay, laakiin waxa la yidhi far kali ahi fool ma  dhaqdo, nin kali ahi waxba ma qaban karo”ayuu yidhi