Buugga Aan Ooyee Albaabka Ii Xidha Oo Lagu Soo Bandhigay Xarunta Akhriska Maxamed Mooge

0
997

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xarunta keydka hidaha, dhaqanka, akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa,ayaa ayaa  qabtay xaflad lagu soo bandhig  buug cusub oo uu qoray Maxamed Xasan Guuled (Abdibashiir).

Qoraa Maxamed Xasan Guuleed (Abdibashir) ayaa soo bandhigay buug uu ugu magac daray Aan Ooyee Albaabka ii xidha, waxaana ka soo qayb galay bahda akhriska iyo qoraalka, kuwaas oo ay hormuud ay ka ahaayeen Abwaan Siciid Saalax, qoraa.Siciid Jaamac, Jaamac Muuse Jaamac, Cabdilaahi Cawad Cige, Ayaan Cashuur, abwaano iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadashay gudoomiyay xarunta keydka hidaha, dhaqanka, akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Suldaan Faarax, waxaanay ku dheeraatay aas aaskii xurnta iyo taariikhda qoraaga martida loo ahaa, iyada oo mahad gaara u jeedisay Jaamac Muuse Jaamac oo ahaa qofkii ugu horeeyey ee xarunta ku caawiya buugaag laga keenay Talyaniga sida ay sheegtay Hoodo-ayaan.

Ka hor intii aanu qoraagu bilaabin guda galka buuga waxaa madasha buugaag lagu gudoonsiiyey qaar ka mida ka soo qayb galayaashii oo la waydiiyey du’aalo, Ugu horayn waxaa buuga Aan Ooyee Albaabka ii Xidha daah furay qoraa Cabdibashiir, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada buugani u leeyahay dhalinyarada iyo barbaarta dhashay wixii ka danbeeyey gumaystihii, waxaanu qoraagu kaga sheekaynayaa buuga xiligii gumaystaha.

Afartii gumaysi ee soo maray Soomaalida ayuu si qota dheer uga sheekeeyey Abdibashir, kuwaas oo uu ku tilmaamay Talyani, Ingiris, Faransiis iyo Itoobiya, wuxuu xusay in afartaas gumaysi ay si wadaniyad leh uga dhiidhiyeen dad badan oo Soomaali ahi oo u badnaa dadka inta hal abuurka ah.

Waxa uu Cabdibashir ku xusay buugiisa qaar ka mid ah abwaanadii gumaystaha suugaantooda kula dagaalamay Sh.Axmed Gabyow, Wacdiyow,

Sayid Maxamed Cabdille Xassan,Xaaji Aadan Af-qalooc,Muxumed Aw Cabdi Xaashi,Cali Xuseen Xirsi,Faarax  Cismaan Kowte,Cismaan Yuusuf Kanadiid

Yuusuf Xaaji Aadan Qabile,Cabdi Duraan,Cali Tuur,Faarax Nuur,Maxamed Ismaacil Baasabce,Cabdilaahi Suldaan Timacade,Guuleed Sucfin

Maxamed Nuur Laangadhe,Ibraahim Gadhle.

 Qoraalada ku xusan buuga Aan Ooyee Albaabka Ii Xidha waxaa ka mida xiligii wadamada reer Yurub u shireen qaarada Afrika, taas oo ku beegnayd 1884-1885, waxaanu shirkaasi ka dhacay Berlin. Waxaanu qoraagu intaas ku daray in markay taariikhdu ahayd 1885-1889 gayiga Soomaaliyeed uu ku jiray gacan shisheeye, waxaa haystay wadamadii gumaystayaasha ahaa.

Ugu danbayntii waxaa halkaas shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey Cabdibashiir, waxaana gudoonsiiyey xarunta keydka ee lagu soo bandhigay buugan, waxaase gacanta ka saaray Abwaan Siciid Saalax iyo Siciid Jaamac.