Qarax Ay 11 Qof Ku Dhinteen Oo Shalay Ka Dhacay Muqdisho

0
1050

Picture2Muqdisho (Geeska) – Ugu yaraan 11-qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay maqaaxi ay inta badan fadhiisan jireen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku taalla degmada Dayniile.

Qaraxan ayaa waxaa ka dhacay xaafad lagu magacaabo Bangalo oo ka tirsan degmadaas, iyadoo dadka ku dhintay ay ku jireen sarkaal ciidamada dowladda ka tirsan, haweeneydii maqaaxida lahayd, ninkeedii iyo wiil ay dhashay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca uu soo gaadhay ay u badan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, ayna ku jireen dad rayid ah oo makhaayadda cunno ka cunayay.

“Waxaa dhacay qarax weyn oo miino ahaa, waxaana geeriyoday 11-qof oo ay ku ciidammo iyo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda iyo haweeneydii makhaayadda lahayd, dhaawacyo badan ayaana aragnay” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii halkaasi ku sugnaa.

Guddoomiyaha degmada Dayniile, Xiireey Muxyadiin Cumar ayaa isagun ka hadlay qaraxan iyo waxa sababay “Walaxda qaraxday oo ahayd miino ayaa waxaa la dhigay dhabarka dambe ee makhaayadda waxaana ka dambeeyay kooxo Al-shabaab”

Dadka ku dhintay Qaraxan ayaa waxa la sheegay inuu ka mid ahaa Salaad Qoolleey oo ahaa madaxii xaafaddaas ee ciidamada amniga, iyadoo qaraxan uu ahaa kii ugu xoogga weynaa ee xaafaddaas ka dhaca bilihii ugu dambeeyay.