“Burco Oo Gubanaysa Ayaa Madaxwaynaha La Leeyahay Kaalay Carruurbaa Qalin-jabisee Shahaadoyin Sii, Axmedoow, RRU iyo Xabad Lagu Kala Bixi Maayo”

0
845

Picture2Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa si adag uga hadlay khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ah ee ka dhashay Mudaharaadkii doraad ka dhacay Magaalada Burco, waxaanu sheegay inaan dadku qaadan Karin xadhig iyo Xabad uu sheegay in xukuumadda talada haysaa xal ugu raadinayso mushaakilaadka dalka yaala ee u baahan in wadahadal iyo is qancin lagu damiyo.

Guddoomiye Cali Gurey, waxa uu sheegay in Madaxwayne Siilaanyo oo looga baahnaa inuu galo xalka Mushaakilaadka sababay mudaharaadkii Burco lagu mashquuliyey inuu shahaadooyin siiyo Carruur la yidhi way qalin-jabiyeen, taasi oo uu sheegay inay ka mid tahay in lagu qarinayo dhibaatada dalka taala ee dadku ka mudaharaaday.

Mujaahid Cali Gurey, waxa kale oo uu nasiib daro ku tilmaamay inaan xukuumaddu xil iska saarin inay baadhitaan ku sameyso sababta ay u dhintaan dadka ku geeriyooda Mudaharaadada boolisku rasaasta nool u adeegsadaan kala dareerintooda.

Mujaahidka, oo ugu horeyn Tacsi u diraya dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Mudaharaadkii Burco, ayaa yidhi “Xisbiga UCID, waxa uu ka xun yahay dhacdadii ka dhacday Burco ee dadku ku dhinteen, laguna dhaawacay, hanti shacabku leeyahayna lagu burburiyey ama lagu waxyeeleeyay, marka waan Tacsiyadeynayaa ciddii ku dhimatay ehelkoodii, waxaanan leeyahay Samir iyo iimaan ILAAHAY ha idinku siiyo, falalkan sida gacan fududaydka ah u dhacaya iyo sida fudud dadku ugu dhimanayo, ee dadka aan dambiga galin ee aan hubaysnayn boolisku ku laynayaana aad baanu uga xunahay, waxa kale oo aanu aad uga xunahay, dhacdooyinkaas oo dhan cid baadhaa ma jirto, booliskuna waxba kama soo saaro marka baadhis loo diro, waxaanuna qabnaa inay boolisku ku dhex jiraan dad Madaxtooyada toos looga dhex amro oo la yidhaahdo dadka xabadda hoos ugu dhigay, markay dhintaan ayay joojin doonaan rabshadaha’e, taasina waa qayrul masuulnimo, waxaynu ogeyn wixii ka dhacay Hargeysa, ilaa maalinkaa maanta ah waxa lagu dhaafay ciddii dhimataybay Qaldanayd, dadkii ku dhintay Saylac cid baadhay ma jirto, waxay ku dhinteen cid sheegtay ma jirto, waxa lagu dhaafay ciddii dhimatay ayaa qaldanayd”

Mujaahid Cali Gurey, waxa kale oo uu sheegay “Burco, waa markii labaad ee dad aan waxba geysan boolisku sidaa xabad ugu furaan ee lagu dhinto, halka ay ku socoto iyo dhibaatada ka iman doonto dadka waxan ku lug lihi wax ay qiyaasi karayaan maaha, nasiib darada ina haysata waxa weeyaan, dadka xumaantan ka dambeeya ee xalka ka doonaya xabadda iyo xadhiga oo uu Siyaad Barre-ba ka waayay, maaha dad qiyaasi kara in xaaladdu sida ay hadda tahay faraha kaga bixi karto wax ku kooban daqiiqado

Burco oo gubanaysa ayaa Madaxwaynaha la leeyahay Kaalay Carruurbaa Qalin-jabisee Shahaadooyin Sii, waxaas oo dhan waxa lagaga war-wareegayaa xaqiiqada Waddanka Taala oo u baahan xal deg-deg ah, oo loo baahan yahay inuu caqligu shaqeeyo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Madaxwaynaha, waxaan leeyahay weli waxaynu haysanaa maalmo tirsan, waxaana lagu sii durkayaa wakhtigii doorashada, waa wakhtigii is-qabsiga, rabshadaha iyo Mudaharaadadu badanayeen, ummadana xadhig iyo Xabad lagu hor-joogi maayo, ku shaqeyn mayso, aqbali-mayno xadhig iyo Xabad in xal looga dhigi dhibaatooyinka qaranka haysta, waxa loo baahan yahay in si furan oo caqli leh oo masuuliyadi ku jirto looga wada hadlo oo loo dhamaystiro, ummadani wada hadal iyo isqancin ayay dhaqan u lahayd, Axmedow, RRU, Xadhig iyo Xabad lagu kala bixi maayo ayaan ku leeyahay”