Madaxweynaha Somaliya Oo Weji Gabax Kala Kulmay Kenya

22
1067

Picture3Nayrobi(Geeska)-Dawladda Kenya ayaan wax tixgelin ah siinin Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, oo wadanka Kenya u jooga xal u helidda ay madaxda IGAD u raadinayaan qalalaasaha ka taagan wadanka Koonfurta Suudaan. Waxaana Nayrobi sidoo kale ku sugan madaxda wadamada kale ee IGAD.

Xasan Sheekh, ayaa markii uu ka degay madaarka Nayroobi, loo samaynin wax qaabilaad ah, iyadoo aanay dawladda Kenya soo dhawayntiisa u dirin wax masuuliyiin ah, taas bedelkeedna waxa madaarka ku soo dhaweeyay safiirka Somaliya u fadhiya Nayrobi Maxamed Cali Ameeriko iyo ergayga ay IGAD u magacowday Somaliya.

Madaxda dunida ayaa marka ay madaarada wadamada kale ka degaan, waxa qaabila dhigooda amaba masuuliyiin u dhiganta, waxaana cidda madaarka loogu diraa ay muujinaysaa in loo diyaar garoobay soo dhawayntiisa. Laakiin Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu Kenya kala kulmay bahdil diblomaasiyadeed, halka si diiran madaarka Nayrobi loogu qaabilay madaxda kale ee IGAD. Dadka siyaasadda lafo-gura ayaa aaminsan in talaabadan Kenya ay muujinayso sida aanay xidhiidh wanaagsan oo diblomaasiyadeed ula lahayn dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay muuqato inay isku seegeen arrimaha jubooyinka ee dalka Somaliya.

Comments are closed.