Qaramada Midoobey Ayaa Dhexdhexaadin Ka Gashay Soo Celinta Daanyeer Ka Baxsaday Lubnaan Oo Israa’iil U Gudbay

0
1028

Beyruut (Geeska)- Qaramada Midoobey ayaa dhexdhexaadin ka gashay sidii dib loogu soo celin lahaa daanyeer ka baxsaday dalka Lubnaan oo u gudbay xuduudka Israa’iil.

Daanyeerkan oo lagu magacaabo ‘Tashtuush’ waxaa iska lahayd gabadh baadariyad ah oo u dhalatay dalka Faransiiska, laakiin ku nool koonfurta dalka Lubnaan, waxa aanay walaal yihiin nin isaga laftiisu ka soo jeeda dalka Faransiiska oo iska leh beer ku taalla cidhifka dhinaca Lubnaan xiga ee xuduudka u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.

Daanyeerkan ayaa mar uu ak baxsaday xeradiisa waxa uu u gudbay xuduudka dhinaca Israa’iil, laakiin gabadha iyo dadkeeda uma ay suurategeli karayn in ay ka daba tagaan, maadaama oo ay Lubnaan iyo Israa’iil xaalad colaadeed ku jireen tan iyo markii dawladda Israa’iil la dhisay, xuduudka u dhexeeyaana uu yahay aag ciidan.

Gabadha daanyeerka lahayd oo ka murugaysan daanyeerkeeda Israa’iil u galay ayaa boggeeda Facebook ku qortay farriin afka Ingiriisiga oo ku adag ah, “Tashtuush, fadlan dib ugu soo noqo doontii nabadgelyada.. carruurta Lubnaan ee xilligan fasaxyada ku jiraa waa ay ku sugayaan iyaga oo muus macaan kuu sida”

Dadaal baadigoob ah oo ay gashay qaramada Midoobey oo kaashanaysay masuuliyiinta Israa’iil ayaa ugu dambayntii sababay in la soo helo Tashtuush oo ku sugan kaynta, gaar ahaan dhulka dhinaca Israa’iil raacsan.

Mar dambe oo ay gabadhani farriin kale boggeeda Facebook ku faafisay ayaa ay ku xaqiijisay in daanyeerkeeda looga soo helay woqooyiga Israa’iil, caafimaadkiisuna aad u fiican yahay. waxa aanay intaas ku dartay.

Waxa ay sheegtay in daanyeerkan raadintiisu ay qaadatay muddo shan maalmood ah, oo aan habeen iyo dharaar mar keliya loo nasanayn, waxa aanay qoraalkeeda soo raacisay daanyeerka oo markii la soo qabtay lagu riday qafis saaran sanduuqa dambe ee gaadhigeeda.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa wakaaladda wararka Faransiiska ee FP u sheegay in Israa’iil ay daanyeerka Tashtuush u dhiibtay Qaramada Midoobey si ay dib ugu celiso ciddii lahayd oo Lubnaan ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here