4 Mataanood Oo Hal Mar Kaalmaha Ugu Sarreeya Kaga Baxay Imtixaanka Dugsiyada Sare Iyo Xiftiga Qur’aanka

0
1056

Qudus (Geeska)- Diima, Diinaa, Sawsaan iyo Rasaan oo ilma Shaniidi ahi waa mataano 18 sano jir ah oo u dhashay Falastiin. In ay afartoodu hal mar wada galeen riximka hooyadood, ma’aha aha waxa keliya ee ay ku midoobeen, balse markii ay ifka yimaadeenna waxa ay mar kale ku mataanoobeen waxyaabo badan oo nolosha ka mid ah. Waxaa ka mid ah natiijadii ay ka helaann imtixaannada dugsiyada, oo inta badan ah dhibco isku mid ah ama aad isugu dhow oo weliba kaalmaha ugu sarreeya ay kaga qaybgalaan. Waxa kale oo ay iskaga mid noqdeen xiisaha ay u qabaan barashada diinta iyo da’da isku midka ah ee ay ku xafideen Qur’aanka Kariimka ah.

Arrimahaas dheeraadka u ah ayaana sabab u noqday in qisadoodu ay soo jiidato dareenka dadka kula nool tuulaha ay deggen yihiin ee Umu Duubaa oo ku taalla Koonfurta magaalada Qudus ee la haysto.

Warfidiyeen ka socda talefishanka Aljazeera oo mataanaha kala qaybgalay damaashaadka farxaddooda natiijada imtixaanaadka dhammaysashada dugsiga sare oo ay markanna afartoodu dhibco isku dhow kaalmaha u horreeya ku galeen, ayaa arkay natiijada celceliska guud ee imtixaankooda oo noqotay, 93.9, 92.1, 91.4, 91.1 oo sida ay u kala horreeyaan ay u kala heleen.

Mataanaha hooyadood oo ah 55 sano jir lagu magacaabo Najaax Shaniidi, ayaa sheegtay in hablaheedu ay muuqaal ahaan, abuur ahaan iyo dabeecad ahaanba iskaga mid yihiin, iyo xitaa in ay isku dabeecad waxbarasho leeyihiin, oo tusaale ahaan ay mar waxa sameeyaan naqtiinka casharrada iyo ka shaqaynta waajibaadka dugsiga, iyaga oo sida oo kalana xiisaynaya takhasus waxbarasho oo isku mid ah.

Hooyo Najaax oo la weydiiyey sababta ay u malaynayso in laba hablood oo ka mid ah afarta mataan ay natiijo isku dhow oo ka hoosaysa labada kale keeneen imtixaanaadka dugsiga sare, ayaa ku kaftantay in labada hablood ee sii sarreeya oo Diina iyo Diima ah ay naaska jaqsiinaysay afar sano iyo badh, halka labada mataanood ee Sawsaan iyo Rasaan ay sannad keliya naaska ku duday, maadaama oo aanay aad u cabbi jirin. Hooyo Najaax waxa ay sheegtay in sababta kala sarrayntooda waxbarasho ay taas u malaynayso.

Mataanahan afarta ah ayaa muuqaal ahaan ay adagtahay in la kala gartaa. Sidaa awgeed, markii ay yaryaraayeen hooyo Najaax waxa ay mid kasta gacanta ugu xidhi jirtay dun midab gaar ah leh oo ay ku calaamadsato, laakiin maanta waa ay kala taqaannaa oo codkooda ayaa ugu weyn waxa si sahal ah loogu kala sooci karo.

Hooyo Najaax waxa ay sheegtay in mataanahani intii ay caloosha ku jireen, ay dhakhaatiirtu kula taliyeen in ay laba ka mid ah iska soo riddo, iyaga oo ku sababaynaya in ay leeyihiin ceebo abuur ah oo aanay la noolaan karin, laakiin waa ay diidday taladaas. Nasiibwanaagna hablaha oo toddoba bilood ku dhashay ayaa dhammaantood caafimaad iyo badqab ku dhashay. Hooyo Najaax waxa ay sheegtay in ay hore u haysatay lix wiil oo aan mataano ahayn, sidaa awgeed ay ku faraxday in ay hal mar afar hablood wada heshay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here