Saddex Sanno Gudahood: Madaxweyne Silaanyo Wuxuu Caydhiyey Kala Badh Xukuumadii Uu Shaqada Ku Bilaabay

0
484

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa u muuqda inuu caydhiyay kala badh ka mid ah xubnihii golaha wasiirada ee uu dhisay markii uu Madaxweynaha noqday.

Madaxweyne Siilanyo, ayaa 28 Jully 2010, oo ahayd maalin ka dib markii loo dhaariyay xilka qaranka, magacaabay 26 xubnood oo isugu jiray 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen, waxaanu golahaasi noqday mid xukuumadeed oo aad u kooban, taas oo loo arkayey in ay tahay fulinta ballan qaadkii Kulmiye ee ahaa xukuumad kooban oo tayo leh in kasta oo aanay koobnidaasi muddo sii waarin. Hase yeeshe saddex sannadood ka dib waxa la arkayaa in masuuliyiintii uu madaxweynuhu wakhtigaas magacaabay aanay ku negaan xilkii loo dhiibay oo aanay ku sii waarin ka mid ahaanshaha golaha xukuumadda. Inkasta oo xubin ka mid ah golahaasi iskii isu casilay, haddana intooda badan madaxweynuhu isaga ayaa xilalkii ka qaaday.

Golahaas xukuumadda ee ka koobnaa 26 xubnood, waxa wakhtigan ka sii jooga 13 ka mid ah, waxaana meesha ka baxay 13 isugu jiray wasiiro iyo wasiir xigeeno ka mid ahaa hormadii u horaysay ee uu madaxweynuhu magacaabay markii uu noqday madaxweynaha Somaliland. 13-ka xubnood ee ka sii jooga xukuumadii u horaysay ayaa iyagana intooda badan waxa lagu sameeyay isku bedel, iyadoo qaarkood laga bedelay wasaaradihii wakhtigaas loo magacaabay.

Arrintani waxa ay dhalisay dood la xidhiidha in madaxweyne Siilanyo ka dhabeeyey ereygii ku ladhnaa koobnida xukuumadda ee ahaa tayada, maadaama oo sida muuqata uu saluugay tayada masuuliyiintan uu caydhiyey ama ugu yaraan uu u arkay in aanay ku habboonayn xilka uu u igmaday.

Wasiirada iyo wasiir xigeenada meesha ka baxay ee 13-ka ah ayaa kala ah:

Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose
Wasiirka maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi 

Wasiirka Caafimaad Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
Wasiirka xannaanada, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed

Wasiirka caddaaladda iyo garsoorka Prof. Ismaaciil Muumin Aar Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac

Wasiirka kalluumaysiga, khayraadka dabiiciga ah iyo maamulka dekedaha Maxamed Yaasiin Xasan Wasiirka ciyaaraha, dhalinyarta iyo dhaqanka Maxamed Xaashi Madar
Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire
Wasiir-ku-xigeenka W/waxbarashada Cali Xaamud Jibriil
Wasiir-ku-xigeenka W/Arrimaha dibedda Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir-ku-xigeenka W/Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi

Markaas, waxa muuqata in isbedelka iyo xil ka qaadistu aad ugu badnayd xukuumaddan madaxweyen Siilaanyo, mar haddii saddex sannadood ka dib oo uu madaxweynuhu xilka hayay ay meesha ka baxeen kala badh ka mid ah golihii u horeeyay ee uu dhisay.

Arrintan waxaa ka dhalan kara su’aalo miisaan leh oo la iska weydiiyo dookha xulasho ee madaxweynaha ama hal-beegga uu ku qiyaaso xubinta uu u dhiibayo xilka qaranka, haddii kale sida uu caqliga caadiga ahi keenayo ma’ay timaaddeen baahida ah in muddo gaaban gudaheeda hadba dib loogu noqdo soo cugashada masuulka uu madaxweynuhu soo igmanayo ama in la isku shaandheeyo xubnaha golaha wasiirrada, waayo maamul ahaan ayaa ay sax tahay in ruux xil loo dhiibayo la siiyo fursad uu ku fahmo shaqada loo diray isla markaana kaga midho dhaliyo.

Ka sakow tirada intaas leeg ee xukuumadda ka tirsanaa ee meesha ka baxay, waxa iyaguna jira wasaaradaha qaar maraya shan ilaa afar wasiir. Tusaale ahaan wasaarada warfaafinta waxa saddexdaas sannadood soo maray 5 wasiir oo ugu dambeeyo wasiirka wakhtigan xilka hayaa, halka ay wasaaradaha kala ah hawlaha guud iyo boosaha ay soo mareen afar wasiir oo ay u dambeeyaan wasiirada wakhtigan xilka hayaa. Halkana, waxa mar kale laga halacsan karaa inaanu madaxweynuhu weli ku guulaysan inuu meesha ka saaro qabyo uu arkay ka dib markii uu dhisay xukuumadiisii u horaysay. Sababtoo ah, waxa la dareemi karaa in tirada wasaaradaha soo maray ay muujinayaan inay qabyadu halkeedii tahay.