Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan (3)

0
665

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

Sida aynu ognahay dad badan oo dunidan ku nool ayaa fuulay sallaan horumarka, nassiib-darrose aan gaadhin halkii ay hiigsanayeen, haddii aynu si kale u dhigno sallaanka horumarka oo la fuulo macnaheedu waa uu noqon waayay in la horumarayo. Daraasad la sameeyay ayaa muujisay in Boqolkiiba Siddeetan (80%) Maamulayaasha shirkaduhu ay aaminsan yihiin in shaqaalahoodu ay baahi daran u qabaan tababarro lagu dhiso anshaxooda iyo hab-dhaqanka ay shaqadu u baahan tahay. Haddii aynu sii iftiiminno, Maamulayaasha shirkadaha badankoodu waxa ay aaminsanyihiin in shaqaalaha laga dhiso dhinacyada, Xidhiidhka bulshada, Adeega macaamiisha iyo Wax iibinta-san. Sidoo kale waxa ay Maamulayaashani jeclaan lahaayeen in mar walba ay dajiyaan xeerar iyo sharciyo adag oo ay ku xakamaynayaan hab dhaqanka shaqaalahooda. Si kastaba ha ahaato ee, qaar badan oo ka mid ah culimada cilmi naqfsiga iyo kuwa ku takhasusay maamulista dadka ayaa iyagu u arka in aaminsanaantaas maamulayaashu ay qaldan tahay. Iyaga oo meesha ka saaraya fikirkaas maamulayaashana waxa ay ku doodeen, “Waxa aad moodaa maamulayaashu in ay ilowsan yihiin arrin muhiim ah oo ah dhaqanka oo isagu intaas oo dhan ka horeeya.

Culimada cilmi nafsigu waxa ay aaminsan yihiin in sideedaba, dhaqanku aanu ahayn wax loo dhasho sida ay dad badan la tahay, balse uu yahay dabeecad la baran karo lana beddeli karo. “Dhaqanku isaga ayaa ka muhiimsan qaanuunka, dhaqanku waa waxa inaga cadhaysiiya ama inna qaboojiya, dhaqanka ayaa khiyaamada ama daacadnimada keena, dhaqanka ayaa karaamada ama sharaf dhaca keena, dhaqanka ayaa naxariista ama axmaqnimada keena” sidaas ayaa ay aaminsan yihiin xeel-dheerayaasha cilmi nafsiga ee arrintan sida aadka ah isugu hawlay. Iyaga oo intaas ku sii daraya;

– Dhaqanka suubbani lama socdo qaninimada iyo quruxda.

– Dhaqanka suuban waa la bartaa lana baraa.

– In aad aragto qof leh weji quruxsan macnaheedu ma’aha in uu sidoo kalana maskax iyo akhlaaq fiican yahay.

Waxa aan u jeedaa waa; in dhaqanka suubani uu yahay shay lagu tababarto oo guriga lagala yimaado, waa shay laga barto waalidka, kadibna dugsiyada waxbarashada aasaasiga ahi ay yihiin baraha labaad ee dhaqanka fiican. Nasiibdarradu waxa ay imanaysaa haddii waalidku aanu lahayn dhaqan togan ama akhlaaq suuban, waayo ma awoodi karo in uu ilmihiisa baro dhaqan suuban waxa taa dheer in aanu xitaa ogaan karin in akhlaaqda ilmihiisa si wanaagsan loogu dhiso dugsiga iyo in la sii lumiyo. Waalidku waa in uu ku dadaalaa in uu ogaado akhlaaqda macalinka waxbara ilmihiisa oo uu codsadaa in manhajka dugsiga lagu daro maaddooyiin ku aadan akhlaaqda. Waxa intaas oo dhan ka mudan in ilmaha lagu ababiyo Qur’aanka kariimka ah iyo Sunaha Nabi Muxammed (SCW). Labadaas ceel ayaa ah labada sida ugu habboon ee cokanaysiin kara qofkasta oo dhaqankiisa dhisaya ama la dhisayo. Waxa aana lagaga maarmaya in lagu mashquulo akhriska buugta ay qoraan kuwa sheegta ilbaxnimada iyo aqoonta casriga ah. haddaba akhriste haddii aad diyaar u tahay in aad saxdo dhaqannadaad u diyaar garow qoraalkan taxanaha, kuna dadaal in aad fuliso qodobada uu dhigayo. La soco…